Tifaftiraha Wargeyska Jamhuuriya oo Xabsiga
loo Taxaabay

 



Hargeysa (TNN)- Ciidammada booliska iyo CID-da, ayaa gelinkii dambe ee shalay xabsiga u taxaabay Tifaftiraha Guud ee wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) isagoo ku gudo-jira waa jibaadkiisii shaqo.

Koox ka tirsan ciidanka booliska oo uu hoggaaminayey sarkaal ka tirsan CID-da oo sitay waaran qaba sho ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa Tifaftire Cirro ka kexeeyey xarunta wa rgeyska, kuwaas oo u gudbiyey xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu hadda ku xidh an yahay.

Waaranka lagu qabtay Tifaftiraha Jamhuuriya oo aanay ku caddayn nooca dacwadda loo haysto, wax a uu xambaarsanaa qodobo dhawr ah oo ka mid ah Xeerka Saxaafadda Somaliland oo lagu sheegay inuu ku gefay.

Haseyeeshee, warar aan la xaqiijin ayaa ishaaray in xadhigga Mr. Cirro la xidhiidho dacwad uu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku u gudbiyey Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ku saabsan war wargeysku daabacay cadadkiisii soo baxay Axaddii toddobaadkan oo sheegayey in dawladda hoose ee Hargeysa ugu deeqday xarunta Xeer-ilaalinta dhisme xafiisyo ah oo aan dhaqaalaha ku baxay ku jirin nidaamka xisaabeed ee dakhliga dawladda hoose, iyadoo ka dhismahaasi yahay mid aan haba yaraatee ka muu q n miisaaniyad-sannadeedka 2011 dawladda hoose oo aanay meelna kaga jirin dhismeyaal loogu talo galay dawladda dhexe, gaar ahaan waaxda garsoorka.

 

Source:Wargeyska Jamhuuriya