Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM oo Sanad kii Saddexaad
Maal-galisay Mashruuca Caruurta La Nool Cudurka Macaanka ee Global
Polyclinic

Hargeysa (TNN): – Shirkadda Isgaadhsiinta Casrig ah ee TELESOM ayaa
ugu deeqday cusbita alka Global Polyclinic ee magaaladda Hargeysa
$10,000 wajiga kowaad ee mashruuca caruur nta la nool cudurka
macaanka. Mashruucan ayaa adeegyo caafimaad oo bilaash ah siiya
car uurta la nool cudurka macaanka.
Shirkadda TELESOM ayaa sanad walba ku maal-galisaa Cusbitaalka
Global Polyclinic lacag dha n $20,000 oo gargaar caafimaad oo bilaash
ah loogu siiyo caruurta danyarta ah ee la nool cudurka maacaanka.
Mashruucan oo shirkadda Telesom bilowday sanadkii 2013, ka dib
markii mashruucan uu u soo bandhgiay maamulaha cusbitaalka Global
Polyclinic Dr. Cabdirisaa Axd ar.Cusbitaal Global Polyclinic waa cusbitaal u hagar baxay inuu gargaar
caafimaad siiyo dad ka danyarta ah ee u
haleelay cudurka macaanku ee aan awoodin dhaqaale ahaan inay
caruu rtooda u helaan daawadda iyo qalabka lagula tacaalo cudurkan.
Shirkadda TELESOM ayaa maanta gudoonsiiyey maamulaha Cusbitaalka
Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axdar ahna Gudoomiyaha
Ururka Mihnad-layaasha Caafimaadka lacag dhan $10,000 oo ah qaybta
koowaad ee lixda bilood ee u horaysa sanadka 2016, munaasiba da
lacagta lagu gudoonsiinayaaye ayaa ka dhacday xarunta shirkadda
TELESOM ee magaala dda Hargeysa.
Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md.
Maxamed Cabdi Da rbo ayaa ugu horayn ka hadlay lacagtan ay shirkaddu
ugu deeqday cusbitaalka iyo muhiima da ay shirkadda Telesom u
leedahay taakulaynta bulshaddeeda, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan ku
gudoonsiinay lacag $10,000 oo jeeg ah maamulaha cusbitaalka Global
Polyclinic Dr. Cabdirisaaq lacagtaasi oo ah mid aanu ku daryeelno
ama ku kaalmayno caruurta la nool xan uunka macaanka ee waliba
danyarta ah oo cusbitaalkaasi uu muddo hayey, TELESOM-na ay
maal-galinaysay, waxaanu maanta halk ku bixinaynaa markii saddexaad
oo ah saddex sanno oo isku xigga, ee lixdii bilood ee u horeeyey
sanadkan oo aanu halkan ku siino, taasi oo aanu ugu talo-galnay in
aanu dadkeena ku daryeelno”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Darbo.
Ugu dambayntii waxaa munaasibaadaasi ka hadlay maamulaha Cusbitaalka
Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axdar waxaanu shirkadda
Telesom iyo maamulkeedaba uga mahad naqay deeqday ay shirkaddu siisay
cusbitaalkan uu masuulka ka yahay waxaanu yidhi, “Maa mulka shirkaddu
waxay aad iyo aad ugu mahadsan yihiin markii ay go’aansadeen in ay
caawi yaan ciyaalkeena la nool xanuunkan macaanka ah, ciyaalkaasi oo
runtii waxa kaliyaata ee ay ku badbaadi karaan ay tahay in ay helaan
insulin ama irbaddaha macaanka iyo mishiinadda lagu hubinaayo iyo ka
warhayntooda iyo sidii aqoon loo bari lahaa ku saabsan cuntadooda,
dawaddooda iyo qaabka ay u dhaqmayaan runtii”
Shirkadda TELESOM ayaa mashruucan caruurta la nool cudurka macaanka
ee danyarta maal-galintiisii ugu horaysay bilowday sanadkii 2013,
wakhtigaasi oo mashruucani uu ahaa mashr uuc tijaabo ah (Pilot
Project) waxaana lagu bilaabay 50 caruurta, todobaadkii ugu horeeyey
waxa xarunta Global Polyclinic iska diwaan-galiyey caruur ka badan
100 caruur ah waxaanay shirkaddu go’aansaday in mashruucan ay
maal-galintiisa sii laban-laabto kana dhigto mashru uca ay si joogto
ah u maal-galiso. Mashruucan waxaa si weyn uga faa’iidaystay caruur
bada n oo marki hore noloshoodu khatar ku jirtay, waxanay ka heleen
daawo iyo qalab bilaasha oo caafimaadkooda wax weyn ka tara
caruurtaasi la nool cudurka macaanka.
|