Telesom oo Abaal Marino iyo Shahaadooyin Gudoon siisay Jaamacadihii Kaalmaha Hore ka Galay Tartan Aqooneedkii Bisha Ramadaan

 

Hargeisa (Longlivesomaliland News)- Xaflada balaadhan oo lagu soo xidhayay Tartan  Aqoonee dkii ay Shirkada Telesom u qabatay Jaamacaha Dalka Somaliland ayaa Maanta lagu Qabtay  hoo lka Shirarka ee Shirkada Isgaadhsiinta Telesom.

Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, Madaxda Jaamacadaha Gaarka loo leeyahay, Masuuliyiinta Shirkada Telesom, Akademiyada Horumarinta iyo Nabada, Qorayaal Reer Somaliland ah, Culimaa’udiin iyo Marti sharaf kale oo Tiro badan.

Xafladii Xidhitaanka tartan Aqooneedkaasi waxa ugu horeyn hadal kooban ka jeediyay Madaxa Suuq gaynta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Shirkada Telesom Maxamed Isaaq Cilmi. waxaanu Mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Ardaydii Jaamacadaha ee ka qayb gashay tartan Aqooneedkan Bisha Ramadaan, iyo Bahda Saxaafada oo Baahisay Tartan Aqooneedkaasi.

Maxamed Isaaq waxaa uu sheegay inay dhiiri galinayaan Ardayda jaamacadaha isaga oo xusay inay Sanadkii hore u qabteen Xaafadaha Balse ay sanadka ku Tartameen Ardayda Jaamacadaha, waxaa kale oo uu ka waramay in ay ugu talageen labadii Jaamacadood ee kama danbayta isla soo gaadhay inay Siiyaan Shahaadooyin iyo Abaalmarino iyaga oo tixgalinaya sida ay usoo kala horeeyeen, Waxaana kaalinta Koowaad ku guulaysatay Jaamacada Geeska, halka kaalinta labaadna ay ka gashay Jaamacada Admas.

Madaxa Suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha Shirkada Telesom isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku dhiiri galiyay ardaydii Sida qiimaha leh uga qayb qaataday tarta Aqooneedkaasi inay Dadaalkooda halkaasi ka sii wadaan, iyagu ka shirkad ahaan ay kala qayb qaadan doonaan mustaqabalka.

Waxaa kale oo isaguna Madashaasi ka hadlay Qoraaga Caanka Ah Boobe yuusuf Ducaale oo ka tirsan Akadamiyada Horuminta iyo Nadaba, waxaanu amaan usoo jeediyay Sida fiican ee ay  Shi kada Telesom usoo qaban qaabisay Tartan Aqooneedkaasi, waxaa kale oo uu Boobe aad ugu  m ahad naqay Dadkii ka soo shaqeeyay Su’aalo aqooneedkii qiimaha badanaa ee lagu soo  band higay Tartanka.

Mujaahid boobe waxa uu hadalkiis ku soo gunaadanaday in ay dhalinyarada ka faa,iidaystaan Wakhtigooda, Aqoontoodana kor uqaadaan, isaga oo xusay in dadkeenu inta badan  wakhtigo oda ku lumiyaan waxaan faa,iido ugu jirin, waxaana uu ku dhiiri galiyay shirkada telesom inay soo badiyaan Mawduucyada noocan oo kale ah, oo ku dadaalaan inay Dadkooda ku soo celiyaan intii ay ka qaadeen, shirkadaha kalena ay kaga daydaan sida telesom oo kale.

Waxaa kale oo isaguna Xafladaasi Ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Geeska Sh.Almis Yaxye waxa mahadnaqay shirkada telesom oo uu sheegay inay qayb balaadhan kaga jiraan Adeegyada Bulshada, waxaana uu xusay in Dhamaan Jaamacadaha ay ka socdaan ay isha ku hayaan oo ka rajo sugaan inay shaqo ka helaan Shirkada Telesom, waxaana uu intaasi ku daray in ay Dan isku Qabaan Jaamacadaha iyo Shirkada Telesom ,oo Marka ay intaasi oo Engineer soo saaraanba ay ufaa,iideeyaan Shiradaha Wadanka.

Sheekh Almis Yaxye waxa uu sigaar ah ugu Mahad naqay Ardayda Jaamacada Geeska oo iyagu Guul ka soo hooyay Tartan Aqooneedkii Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxana uu Si gaar ah usoo Qaatay Magacyadoodii oo ay ugu horaysay:


Hibaaq Maxamed Axmed
Muxumed Axmed
C/laahi |Muuse Bashiir
Maxamed Ibaraahin Ismaaciil
C/naasir Crisaaq ismaaciil
C/raxmaan Maxamed (
Gudoomiyaha Ururka Ardayda|)


Gudoomiyaha Jaamacad Geesku waxa uu ka waramay qiimaha ay Waxbarashadu leedahay iyo sida ay muhiim ugu tahay bulshada reer somaliland, oo ka soo kabanaya Burburkii iyo Qixii ay soo mareen.

UGu danbayntii Waxaa Xafladaasi hadalkii Xidhitaanka ka jeediyay Wasiir ku xigeen Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo ku dhiiri galiyay shirkada telesom inay sii wadaan Tartamada  nooc an oo kale ah, wasiirku waxaa kale uu ku dheeraaday muhiimada ay Aqoontu u leedahay  Bulsh ada waxaana uu intaasi ku daray in Aqoonta looga faa,iidaysto cilmi ahaan oo lagu dhaqmo.

Tartan Aqooneedkaasi ay shirkada Telesom Soo qaban qaabiso Bisha ramadaana ayaa Sanadka waxaa ka qayb galay Jaamacadaha Gaarka loo leeyahay oo kala ahaa, Jaamada Geeska, Jaamacada Admas, Jaamacada Golis, Jaamacada Hope iyo Niilayn.





Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland