Telefishanka Caalamiga ah ee Horn CableTv oo markii ugu horaysay si rasmi looga daawaday Dalalka Yurub

 



Hargeysa January 28, 2011 (TNN)- Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa markii ugu hor aysay si rasmi ah looga daawaday dalalka Yurubta.

Horn Cable Tv oo ka mid ah Telefishanada afka soomaaliga ku hadla kuwa ugu waa wayn ayaa hore looga daawan jiray Wadamada Afrika, Carabaha, Australia iyo America isagoo haatana si rasmi ah u galay Dalalka Yurub, kuwaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadweynaha  Sooma alida eek u  dha qan dalalkaasi, waxaana guud ahaan inta badan laga dareemayay dalalkaasi  g aar ahaan dalka  Ingir iiska inay dadka Somalida ahi si weyn u xiisaynayeen soo galitaanka  haw ada iyagoo inta badan  isku gu dirayay fariimaha iskuguna bushaaraynayay.

Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa ku baahay dhamaan dalalka ay adduunka  ka ga  su gan yihiin Somalidu, kaasi oo ka haqab tiray dhinaca wararka ee Caalamka iyo xaaladaha ku soo  kor dhay aduun waynaha iyo Somalidaba meel kasta oo ay joogaan, iyadoo xaflada  furi taankii si rasmi ah loogu qaban doono Magaalada London ee Cariga Ingiriiska.
 

 

Source:Horn Cable TV