TEAMKII BURCO EE SANADKII 1981 OO DHEX TAAGAN

GAROONKII BURCO

 



 

Waxaan halkan ka salaamayaa saxaafada horta ah ee reer somaliland, waxaan idin leeyahay hawshaa fiican eed wadaan halkaa ka sii wada....Hadaan u soo noqdo maqaalkan yar ee gaaban.....Waxa burco ka bilaabmay ciyaarihii gobolada ee somaliland, oo aan aad iyo aad ugu mahadinaayo wasiirka dadka yar ee sida fiican uga soo baxay hawshaa baaxada leh iyo dhamaan cidii kala qaybgashay hirgalinteeda......Waa arin ku dayasho leh...kolkaa waxaan leeyahay wasiirka dada yar ee reer goljano halkaa ka sii wad shaqa da fiican ee aad qabatay.

Waxaan ka daawaday dhawar ciyaarood oo ka dhacay garoonkii loogu magac daray odeygii xiligii aanu kubada u ciyaari jirnay oo ahaa aabaha amaba awowga, ilaahay janadii haka waraabiyee " ODEY ALAM ZEY ", Kolkaan arkay in garoonkii burco loo bixiyay " Odey Alamzay aan anigu aniis ahaan aad ugu farxay oo wuxuu ahaa odeygii, sida fiican noo xanaanayn jiray ee had iyo jeer ogaan jiray ciyaartoygu waxay ku sugan yihiin, Ilaahay Janadii haka waraabiyee waa cidii magac u doortay garoonka waad garateen.

Waxaan aad iyo aad uga xumaaday teamkii Burco oo ka badin waayay Teamkii ceerigaabo, oo xiligayagii aanu mar walba ka badin jirnay ceerigaabo, kolkaa waxaan si idhi ma burcaan ahayn burcadii hore mise teamkaa lagu soo xulay si qaldan oo waxa laga tagay laacibiin badan, anigoo og raga wataa in ay si fiican u soo xuleen cida u ciyaaraysa gobolka, hadana waxaa isku kay qaban waayay burco oo ceerigaabo la keentay barbar dhac, in kastoo barigaa ay ceerigaabo u ciyaari jireen rag aanu asxaab ahaan jirnay oo uu ka mid yahay muse salax, sugule , kayse waali, soodha carabeyto iyo rag kaloo badan, hadan waanu ka badin jirnay oo ceeri judhaba waanu diri jirnay iyada iyo boosaasaba, hargeysan waxaanu isku ahaan jirnay jiir iyo bisad, xamar marka la tagi jirnayna is jecel. Anyway waxaan idin leeyahay reer burco barar kay ka baxdaa waa bakeyla qaleen, anigoo ah reer hargeysa hadana waxaan u ciyaari jiray burco waa aniis cabdillahi ciise " reer goljano ". waxaan halkan idinku soo lifaaqay sawirkan oo ah teamkii burco ee sanadkii 1981 oo dhex taagan garoonka burco ee hadda loo bixiyay " ALAMZEY '


 



HADAAN KA BILAABO KUWA TAAGAN FROM LEFT TO RIGHT



SALAAN YARE .... 9
XASAN SHABEEL .... 8
ABDI WAQAF..... 10
ALI DHEERE..... 5
ALI ABOOLE.... 7
MOHAMED SHALAKHO..... 8
ABDALLE......3
XASAN XAAJI " MALOOSH"  WUU DHINTAY...GOOLKA
AHMED YARE.... 8 ... WUU DHINTAY

 



KUWA FADHIYA FROM
LEFT TO RIGHT


ABDALLE.... 11
XULABAD...... 2
ANIIS CABDILLAHI CIISE  " CAPTAINKA TEAMKA... 4"
JALAX..WUU DHINTAY....GOOLKA
ALI MALGAASH..........9
MAHAMED HASSAN FARAS......10
ALI XAAJI......3
 


SIDAAYO DAAWASHO FIICAN ...BURCO GUUL

 

 

 

 

 

 

 

 

Aniis Cabdillahi Ciise