Tartankii Xifdiga Qur'aanka Kariimka Ah Ee Bisha ra madaan Ee Ardayda Macaahidka Magaalooyinka Gabi ley Iyo Tog-Wajaale Ayaa Si Rasmi Ah Ugu Soo Gaba-gaboobay Masjidka Al-Nuur
.

 

 



Tartankan oo loo qabtay 64 Arday oo ka kala socday Sagaal Machad Qur'aan oo lagu xifdiyo Qur'aanka,


Gabiley (TNN)-Tartankii Qur'aanka Kariimka ah Bisharamadaan ee Ardayda Machadyada Xifdiga Qur'aanka Kariimka ah ee Magaalooyinka Gabiley iyo Tog-Wajaale ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyey Masjidka Al-Nuur ee Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Tartankan oo loo qabtay 64 Arday oo ka kala socday Sagaal Machad Qur'aan oo lagu xifdiyo Qur'aanka, isla markaana ku tartamayey Sodonka Jus, Shan iyo Tobanka Jus, iyo Tobanka Jus, kuwaas oo iskugu jirays Wiilal iyo Gabdho ka kala socday Macaahidaasi.
Badhasaab ku xigeenka


Munaasibadii lagu soo gab-gabaynayey Tartankan oo lagu qabtay Gudaha Masaajidka ayaa waxa ka soo qayb-galay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Case), Xog-hayaha Dawlada/hoose ee Degmada Tog-wajaale Faysal Maxamed Cumar, Maamulaha Shirkada Adeega Is-gaadhsiinta Telesom Sheekh Maxamed Muumin, Maamulaha Shirkada Adeega Isgaadhsiinta Telesom ee Tog-wajaale Yuusuf Cali, Maamulaha Shirkada Adeega Xawaalada Mustaqbal Xasan Yuusuf Warma-haye, Macallimiinta Machadyada ku tartamayey iyo Garsoorka Tartankani iyo waliba Marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Gunaanadkii Munaasibadii Jaa'izadaha lagu gudoonsiinayey Ardeyda Kaalmaha hore ka gashay Tartankan Xifdi-Qur'aanka waxa ugu horreyn hadallo kooban ka soo jeediyey halkaasi Maamulaha Shirkada Telesom ee Gabiley Sh Maxamed muumin Aadan oo Ka waramay Faaiidada uu Quraanku u Leeyahay Mujtamaceena, waxaanu tilmaamay Qofka Quraanaka kariimka ah akhriya Xaraf kasta oo kamida Qur'aanka waxa looga Qoraa Ajar iyo Xasanaad, waxaanu koriyaa Maskaxda Qofka, waxaanu Waalidiinta Ardayda iyo Macalimiintaba ugu baaqay inay ugu daraan Aradayda xafidsan Qur'aanka macnaha Qur'aanka, si ay u fahmaan dulucda Qur'aanku leeyahay, Ubadkana kula dadaalaan sidii ay Aqoontooda Diiniga ah u dhisi lahaayeen.
Sheekh Maxamed Muumin


Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu farxsan yahay Ardaydan Yar-yar ee xafidsan Qur'aanka Karriimka, Islamarkaana waxa uu tilmaamay in Tartamo badani ka dhacaan Wadamada. balse, uu noqonaayo tartankani maanta ay u fadhiyaan ka ugu wanaagsan ee laga faa'idaayo Ajar iyo Xasanaad, sidoo kalena Aakhiro iyo Aduunba anfacaaya Qofka Waxaanu Ardayda Jaa'isaadka la gudoonsiiyay ugu baaqay inay sii korodhsadaan cilmiga Diiniga ah, kuwa aan Nasiibka u helina ugu baaqay inay Dadaalaan, si ay Sanadka danbe u helaan Jaa'isadan oo kale.

Ardayda ku guulaysatay Kaalmaha hore ee Wiilasha iyo Gabdhaha ayaa waxay kala ahaayeen Magacyadooda, iyo Machadyada ay ka kala socdaan, iyo waliba Degmooyinka ay ka yimaadeen.
Maamulaha Xawaalada Mustaqbal


Sadexda Arday ee ku guulaystay Kaalmaha koobaad, Labaad, iyo Sadexaad ee Wiilasha ah ee Sodonka Jus ee Qur'aanka Kariimka ah. ayaa waxay kala ahaayeen:


1- Aadan C/raxmaan Cumar , Ubaya Binu Kacab (Gabiley).
2- Mustafe Maxamed Maax , Bi'rul Waalidayn (Tog-wajaale).
3- Mubaara Axmed Xasan, Bi'rul Waalidayn (Tog-wajaale).
 


Sadexda Arday ee ku guulaystay Kaalmaha Koobaad, Labaad, iyo Sadexaad ee Wiilasha ee Shan iyo Tobanka Jus ee Qur'aanka Kariimka ah, ayaa waxay kala yihiin:


1- Nimcaan Xuseen Muxumed , Daa'rul Sunna (Tog-Wajaale).
2- Xamse Cabdi Muxumed, Ataqwa (Tog-Wajaale).
2- C/risaaq Maxamed C/laahi , Daa'rul Sunna (Tog-Wajaale).
3- C/salaan Axmed Cali , Daarul Khayr (Gabiley).
 


Sadexda Arday ee ku guulaystay Kaalmaha Koobaad, Labaad, iyo Sadexaad ee Wiilasha ee Tobanka Juz ee Qur'aanka Kariimka ah, ayaa waxay kala yihiin:


1- Maxamed Axmed Muxumed , Bi'rul Waalidayn (Tog-wajaale) .
2- Maxamed C/jabaar Xuseen, Daarul Sunna (Tog-wajaale ).
3- C/naasir Xuseen C/laahi , Al Aqsa (Tog-wajaale ).


Ardayga Kaalinta Koowaad

Sadexda Arday ee ku guulaystay Kaalmaha koobaad, Labaad, iyo Sadexaad ee Gabdhaha ee Sodonka Juz ee Qur'aanka Kariimka ah. ayaa waxay kala yihiin:

1- Rooda Sheekh Yuusuf Muxumed , Al-Xusa (Tog-wajaale).
2- Fardawsa Nimcaan Cabdi , Ubaya Binu Kacab (Gabiley).
3- Sulaym Maxamuud Axmed , Al-Xusa (Tog-Wajaale) .

Sadexda Arday ee ku guulaystay Kaalmaha koobaad, Labaad, iyo Sadexaad ee Gabdhaha ee Shan iyo Tobanka Juz ee Qur'aanka Kariimka ah ayaa waxay kala yihiin:

1- Asma C/rashiid Maxamed , Al xusa (Tog-Wajaale).
2- Asma Cumar Qaasim , Al-Sunna Al Maxamediyaha (Gabiley).
3- Nimco Axmed Xasan , Ataqwa (Tog-Wajaale) .

Sadexda Arday ee ku guulaystay Kaalmaha koobaad, Labaad, iyo Sadexaad ee Gabdhaha ee Tobanka Juz ee Qur'aanka Kariimka ah ayaa waxay kala yihiin:


1- Hodan Barre Yaasiin , Ataqwa (Tog-Wajaale) .
2- Hooda Maxamed Cumar , Ubaya Binu Kacab (Gabiley) .
2- Hoodo Maxamed Cali , Daarul Khayr (Gabiley) .
3- Najma Ismaaciil Ibraahim , Daarul Khayr (Gabiley) .


Tartankan Quraanka Kariimka ah ee lagu soo gaba-gabeeyey Masjid Al-Nuur ayaa noq onaya Tart ankii Kaw iyo Tobnaad ee ay Ardayda Xaafidul-Qur'aanka ee wax ka barta Macaahida Xifdiga Qur'a anka Kariimka ah ee ku yaal Magaalooyinka Gabiley iyo Tog-wa jaale, Kaasi (Tartankaasi) oo inta ba dan ay suurto-galiyaan in ay qabsoomaan Shirk adaha Adeegyada Isgaadhsiinta ee Telesom, Somtel, Telcom.

 

 



C/risaaq Axmed Hayaan (Ilkacase)
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland