Tartankii
Quraanka Kariimka ah ee Bisha Ramdaan oo
lasoo Gabo-gabeeyay
Masaajidka Cali
mataan ee
Magaalada
Hargeisa iyo Xafladii Abaalmarinta
Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Munaasabad balaadhan oo
Abaalmarino lagu gudo onsiinayay Dhalinyartii ku guulaysatay
kaalmaha hore ee Tartankii quraanka kariimka ahaa ee bisha ramadaan
oo lagu qabtay Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada Harge isa.
Munaasabadaasi oo ay ka soo qayb galeen, Shir-Gudoonka Golaha
Wakiilada Somaliland, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,wasiirka
Madaxtooyada, Xildhibaano ka tirsan Golaha Waki ilada,
Culimaa,udiinka Sida wayn looga Qadariyo Somaliland, Dadwayne aad
utiro badan iyo Ardaydii ka qayb gashay tartankaasi.
Xafladaasi oo ahayd mid abaal Marino lagu gudoonsiinayay Ardaydii ka
qayb gashay tartanka Quraanka kariimka ah ee Gobolada Somaliland, oo
ay maal galisay Shirkada Dahabshiil ayaa waxaa ugu horayn Halkaasi
ka hadlay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo
sheegay in ay tahay wax lagu farxo, in dhalinyaro aad u da, yar ay
dusha ka qabtaan Kitaabka quraanka kariimka ah, isla markaana xusay
in madax iyo Masuuliyiinba loo baahanyahay in la xifdiyo Quraanka
kariimka ah, maadaama uu quraanku yahay Mucjiso ilaahay inagu soo
dajiyay” ayuuu yidhi Wasiirku.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan maxamed
C/laahi (Cir ro) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Mahadnaq usoo
jeediyay cid kasta oo ka qayb qaa datay hawshaasi, sida
shirkada Dahabshiil oo iyadu maal galisay Tartankani iyo Culimadii
ka qayb qaadatay,
Waxaa kale oo isaguna Halkaasi ka hadlay Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir
oo ka mid ah Cu limada Waawayn ee Somaliland, ayaa ka hadlay
Muhiimada iyo Xikmada kitaabka illaahay inagu soo dajiyay, taasi oo
la inoogu talo galay inaynu ku dhaqano.
Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir waxa kale oo uu ka waramay sida kitaabka
illaahay inoogu sheegay ku camal falkiisa, Cidii ka tagtana lagula
xisaabtami doono, waxaa kale oo uu xusay sheekhu in Dastuurka
Somaliland ay ku jirto in lagu dhaqmo shareecada islaamka wax
kastana loo eego diinteenu waxay ka qabto, balse taasi aynu baal
marno. waxaanu ku soo gabagabeeyay in shacab iyo xukuumadba dhinac
looga soo wada jeedsado ku dhaqanka shareecada islaamka.
Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay
Sh.Maxamed Aadan oo ka mid ah Culimada Tartankan soo qabanqaabsiay
ayaa ka waramay Taariikhdii uu soo mar ay Tartanka Quraanka
kariimka ah ee ay ku qabtaan Masaajidka Cali mataan Bisha Ram
adaan, isaga oo sheegay inay ku hanwaynyihiin inay isku keenaan
Dhamaan Ardayda Geeska Africa oo ka qayb gasha Tartanka Quraanka,
waxaanu si wayn ugu mahadnaqay Shirkada Dahabshiil oo Maalgalinta
tartankaasi kala qayb qaadatay mudo kow iyo toban (11) Sanadood ah,
iyo Dhamaan ardaydii iyo Dadwaynihii kale ee ka qayb qaatay.
Ugu danbayntiina waxaa Abaalmarino Isugu jira Lacag, iyo Record,
Saacado, Kitaabbo Quraan ah, iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay
Ardaydii ka qayb gashay Tartankaasi.
Waxaana Kaalmihii ugu sareeyay ee Abaalmarinaha la gudoonsiiyay ka
mid ahaa:
Tartanka Soddonka Jus:-
1-C/risaaq Muuse Cilmi, Gobolka Hargeisa ,
700$
2-Maxamuud C/raxmaan Gobolka Hargeisa
550$
3-Liibaan C/laahi Cumar Gobolka Awdal
450$
4- C/casiis C/wahaab C/laahi Gobolka Hargeisa
300$
5-Siciid Jaamac Maxamed Gobolka Sanaag
200$
Tartanka 15 Jus:
1-Maxamed Xuseen Ibraahin Gobolka Hargeisa
300$
2-Axmed Maxamed Siciid Gobolka Sanaag
250$
3-Jamaal C/naasi Xuseen Gobolka Hargeisa
200$
Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@Longlivesomaliland.com
Hargeisa Office/ Somaliland
|