Tartankii Orodka 10 KM oo Lagu
soo Gabagabeeyay Gabiley

      

Gabiley (Longlivesomaliland News)-Tartanka orodka tobanka kiiloo mitir (10km) oo sanadkii labaad lagu qabtay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka gabiley, ayaa shalay lagu qabtay magaalada gabiley.

Tartankan waxaa ka soo qayb galay dhallinyaro aad u tiro badan oo ka kala socotay gobolada iyo degmooyinka wadanka kuwaasi oo ay tiradoodu dhammayd 53 qof.

Waxa kaalinta koowaad galay Ramadaan Foosi Muxumed oo ka socday gobolka Awdal

Kaalinta labaad waxaa galay C/laahi Muuse Shaqale oo ka socday gobolka Maroodi Jeex (Hargeisa)

Kaalinta sedexaadna waxaa ku guulaystay Max’ed Xasan Nageeye oo ka socday gobolka Maroodi Jeex (Hargeysa)

Tartanka sanadkan waxaa loogu magac daray NABAD-DOON, waxa soo agaasimay shabakada ururada dhallinyarada ee Gabyo-net, iyada oo ay kala qayb galeen masuuliyiinta gobolka iyo shirkada Telesom, iyada oo ay maal-galiyaan sanad walba Jaalliyada Somaliland ee Dalka Kanada taasi oo uu horseed ka yahay Muwaadinka Kayd Askar Diiriye.


Dhallinyaradan ayaa orodka ka soo bilaabay meel dhinaca bari ka xigta magaalada Gabiley oo u jirta ilaa toban kiiloo mitir, una dhaxaysa Gabiley iyo Arabsiyo..

Dhinaca kale, Xaflad balaadhan oo Abaal marino lagu guddoonsiinayay dhallinyardii kaalmaha hore gashay ayaa xalay lagu qabtay Hotel Askar ee magaalada gabiley.

Waxa xafladan ka soo qayb galay masuuliyiin tiro badan oo ka socotay gabolka Gabiley, oo ay ka mid yihiin, Badhasaabka ku xigeenka Gobolka Gabiley C/rasaaq Sheekh Aaden, Maayarka Degmada Gabiley Aaden Muxumed Badde, taliyaha qaybta Gobolka Max’ed Faarax, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, xildhibaano ka socday Golaha Deegaankad degmada Gabiley, Madax ka socotay Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, Ciyaartoygii ka qayb galay tartanka, Culimaa’udiin iyo Marti-sharaf kale.

Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Orodka Gabiley Mustafe C/kariim Cali ( Mustafe Future) oo u mahad naqay dhamaan dadkii ka qayb qaatay tartanka sida shirkada telesom iyo maamulka gobolka Waxa uu sheegay in ay hawsha ka bilaabeen sannadkii 2008 Gobolka Gabiley,kaasi oo uu bilaabay muwaadin reer Somaliland ah oo ku dhaqan wadanka Kanada laguna magacaabo Kayd Askar Diiriye.

Mustafe Future, Waxa uu xusay in uu kayd Askar qabashada orordadan uu ka bilaabay Gobolka Awdal oo sanadkii sedexaad lagu qabanan doono. Gabiley oo kii labaad Shalay lagu qabtay iyo Burco oo lagu qaban doono Ramadaanta ka dib.

Waxa uu gudoomiyuhu si wayn ugu mahadnaqay muwaadinka isagu gacanta wayn ka qaatay ee Kayd Askar Diiriye oo abaal wayn ku leh Gobolka Gabiley iyo Dhammaan Dhalinyarada somalilandba.

Maayarka degmada Gabiley Aaden Muxumed Bade, oo ka mid ahaa Masuuliyiinta halkaasi ka hadlay ayaa bogaadin u jeediyay Kayd Askar Diiriye iyo dadkii kala qayb qaatay. Waxa uu xusay in dhallinyarada gobolka ay maamul ahaan diyaar ula yihiin wax kasta oo ay u baahdaan.

Xafladan waxaa isna ka hadlay badhasaabka ku xigeenka Gobolka Gabiley C/Risaaq Sheekh Aadan oo sheegay in dhalinyarada maanta tartanka ka qayb qaadatay looga baahan yahay in la sii horumariyo hor u socodkooda iyo wax kastoo u suura galinaya guul, sidoo kale C//risaaq Sheekh Aadan waxaa uu sheegay in magac tartanka halku dhiga looga dhigay ee ahaa Nabad Doon uu yahay magac kaalin weyn ka geli doona geedi socodka nabada Gobolka iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Mr. waxa uu si gaara ugu mahad naqay Kayd Askar Diriye oo ah shaqsiga sida weyn u soo abaabulay qabsoomida tartanka Nabad Doon.

Md. C/risaqa waxa kale oo uu sheegay in ay Kayd Askar Diiriye u hayaan Abaal gaar ah, isla markaana ay mar uun u abaal gudi doonaa, wuxuuna sheegay maayirku in tartanka orodka ay si weyn ugu xusi doonaan Kayd Askar Diiriye.

Waxaa isna hadal kooban ka yidhi xaflada Xildhibaan Muxumed Geele Seed oo sheegay inanka maanta orodkaa tobanka kilo mitir ah kasoo qayb gala ee ku guulaystaa uu ku guulaysan doono kuwa wadamada kale.

“Waxaad samaysataan meel aad ku dhistaan nafihiina, meel aad ku dhistaan mustaqbalkiina. Idinka ayey idinku xidhan tahay sidaad mustaqbalkiina u dhisi lahaydeen”, sidaasi waxaa yidhi Xildhibaan Mux’ed Geele Seed

Geesta kale mar uu dhalinyarada si gaara ugala dar daarmayey in ay ka dheeraadaan qabyaalada iyo kala qaybsanaanta ayaa mar kale yidhi

“Waxaanan idinkula talinayaa in laga boxo qabyaalada qaadka ee aan wax idiin tarayn idinka iyo naftiinaba”

Maamulaha shirkada isgaadhsiinta ee Telesom Xaashi Aw Jaamac oo xafladaasi ka hadlay ayaa xusay in ay fiicnayd in orodka sidan si ka duwan loo qabto isagoo u sheegay dhalinyarada soo qabatay inay barnaamijka noocan oo kale ah u soo bandhigaan ganacsatada si loogala soo qaybgalo.

Waxa uu tilmaamay in Shirkada telesom loo sheegay labadii cisho ee ugu danbeeyay intii karaankooda ahaydna ay ka qayb qaateen, shirkada telesom-na markasta in ay diyaar ula tahay inay kala qaybqaadanayso wixii dhalinyarada gaar ahaana dhinaca ciyaaraha lagu hormarinayo.

Taliyaha qaybta gobolka gabiley Maxamed Faarax oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dhalinyartu u baahan yihiin in ay nastaan, waxbartaan oo ay ciyaaraan.

Taliyuhu mar uu ka hadlaayey nabad galyada gobolka mar uu ka hadlayay waxa uu sheegay markasta in ay diyaar u yihiin in ay dhallinyarada ay u soo celiyaan waxaanu diyaar u nahay in dhalinyartu soo celiyaan ciyaarihii oo dhan sida kubada cagta oo kale.

Taliye Maxamed Faarax wuxuu ku dhiirigalay dhalinyarada in lasoo celiyo ciyaarihii kala duwanaa

Waxa isaguna madasha ka hadlay Mustafe Xuseen.Farsami, oo ku hadlay magaca gudidii soo qaban qaabisay, waxa uu si wayn ugu mahad naqay dadkii hawsha ka qayb qaatay, waxa uu si wayn ugu mahad naqay Kayd Askar Diiriye, oo bixiyay kharashka ku baxay hawsha iyo Mustafe Cabdi Kariim oo si wayn iskugu hawlay hirgalinta mashruucan.

Waxuu iyadna u mahadnaqay shirkada telesom gacanta ay ka gaysatay, wuxuuna ugu danbayntii u soo jeediyay dhallinyarada in ay sii wadaan hawashan isla markaana ay ilaaliyaan magaca Gabileynet, oo ah dabcan kuwii iyagu hawasha hirgaliyay, waxaanu ilaahay ka baryay in sanadkaa sanadkiisa la gaadho iyada oo sida laga hormaray.

Gababadii xaflada waxaa abaal marino kala duwan la gudoon siiyey 10-kii orodyahan ee ugu sareeyey tartankaas, waxaanay magacyadooda iyo gobolada ay ka socdaan kala ahaayeen sida hoos ku xusan:-
 

1. Ramadaan Foosi Muxumed Gobolka

 Gobolka Awdal

2-C/laahi Muuse Shaqale

Gobolka Maroodi Jeex

3-Max’ed Xassan Nageeye

GobolkaMaroodi jeex

4. Ridwaan Max’ed Aare

Gobolka Gobolka Gabiley

5. C/risaq Max’ed Suufi

Gobolka Gabiley

6. Cumar Cali Max’ed

Gobolka Gabiley

7. Max’ed Cabdi Ibraahim

Gobolka Gabiley

8. C/qadir Abiib Xuseen

Gobolka Hargiesa

9. Khadar Max’ed Abiib

Gobolka Gabiley

10. Xuseen Siciid Warsame

Goboka Hargiesa



Tartanka ayaa noqon kara mid qayb ka noqon kara isku soo dhawaansho ka dhex dhacda labada gobol ee Awdal iyo Gabiley oo ay dhawaan soo kala dhex gashay woxoogaa khilaaf ah inkasta oo ay imika marayso arintaasi meel wanaagsan.
 

 

 


Longlivesomaliland News Desk

Gabiley Somaliland