Tartankii Kubada Cagta Bisha Ramadaan Ee Garoonka Briti sh Ee Magaaalada Hargeysa Oo Lasoo gabogabeeyey.
 

 


Tartankii koobka bisha ramadaan ee groonka british ee xaafada jigjiga yar ee magaalada Harg eysa ayaa saaka xaflad balaadhan oo lagu soo gabo gabaynaayey loogu qabtey Xarunta dhalli nyarada Ee Ururka Wadaniga Ah Ee ODHA.

 


Hargeysa (TNN)-Xafladan gabogabada tartankan oo ay maalgalisey hayada wadaniga ah Ee ODHA ayaa waxaa kasoo qayb galley Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim,Xasan Waraabacade oo kamid ah qurbajooga Somaliland Ee Kunool Norwey oo intabadan u olaleeya arimaha dhallinyarada qaybwayna ka geesta caawinta dhallinyarada ciyaaraha.gudoomiyaha tartankan qabanqaabinaayey Md Aadan iyo kooxdii ku guulasatey tartankan ee fc Horyaal iyo martisharaf kalle.


Ugu horey Gudomiyihii Gudida qabanqaabda garoonka British ee koobka ramadaan Md Aadan oo halakasi kahadley ayaa u mahadnaqey Marwo Faadumo Siciid Oo kafaalaqaadey tartanka islamarkaana marwalba qayb wayn kaqaadata arimaha ciyaraha iyo dhalinyarada.waxaa uua adan sheegey in tartankani ooka duwanaa tartanada kalle ee magaalada kasocdey iyadoo tartankan lagu ciyaaraayey garoon ay kuyaalaan biraha yar yar ee lagu ciyaaraa tobobarka iyadoo garoonkanalagu galaayey koox kooban waxaan tartankan oo bilaabmey 2 ramadaan ka qayb galley 12 kooxood waxaanu noqdey tartana aad loo xiiseeyo waxaana kasooq aybgalley tartankani kooxo kayimid daafaha kalla duwan ee magaalada Hargeysa.


Md Aadan waxaa uu intaasi kudarey in intii tartankani socdey aaney wax rabshado ahi kadhicin tartankiina ay soo gabogabeeyee 26 Ramadaan iyadoo ay tartankan ay ku guuleysatey kooxda FcHoryaal oo iyadu noqtey horyaalkoo tartanka.waxaa uu gabo gabadii uu aadan umahad naqeu Ururka Odha,Xasan Waraabacade,iyo garsoorayaashii wadey hawsha garoonka waxaanu sheegey iney sanadkasta bisha ramadaan qaban doonaan tartankan.

Sidoo kalle waxaa iyadna munaaisabdaasi kahadashey Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ee ODHA oo tartankani maalgelisey waxaaney Marwo Faadumo Siciid Umahadnaqdey dhallinyarada sida fiican ee ay usoo gabogabeeyeen tartankii iyadoo halbalyeysay kooxda Fc Horyaal Ee Tartankani ku guulasatey.


waxaaney marwo faadumo siciid ku dheeraatey muhiimada ay leedahey in dhallinyarada la dhiiri geliyo iadoo xustey in ururka odha gacan qabto dhalinyaro badan oo ka kalla yimaada daafaha Hargeysa.


Marwo Faadumo Siciid waxaa intaa kudartey in dhallinyarda looga baahan yahey iney ilaaliyaan akhlaaqiyaad ciyaaraha si iaydna loogu dhiirigeliyo in lahorumariyo waxaaney gabogabadii sheegtey iney sii wadi doonto taageerida dhallinyarada Somaliland.


gabogabadii Xafladaaasi waxaa kahadley Md Xasan Waraabacade oo kamid ah qurbajooga somaliland ee dalka kunool ee intabadan ka qaybqaadata horumarka SOMALILAND.
Md Xasan waxaa uu dhallinayarada somaliland ugubaaqey iney horumariyaan ciyaarah oo sifiican ay uga ciyaraan garoomada ilalaiyaan anshaxa ciyaaraha.


Md Xasn waxaa uu umahadnaqey Ururrka ODHA oo dhallinyarada ciyaaraha inbadn taageera,waxaanu ugu baaqey dhallinayardaii xafladaasikasoo qay galley iney dhallinyaro ahaanka aaideystaan xarunta loogu tallo gelley ee ODHA YOUTH CENTER oo ah goob ay kudhan yihiin ciyaarijii kalla duwanaa iyo qalabkoodiiba.

gabogaabdii waxaa halkaasi abaal marino kalla duan lagu gudonsiiyey ciyaartoygoo ,garsoorayaashii iaydoo kooxdoo fc Horyal Ee Ku Guulaysateyna koobkana lagudoonsiiyey koobkii...
 


Axmed Mohamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland