Tartanka Orodka 10-km ee Gabiley 2009 oo Bilaabmi doona 23/07/2009


 

Tartanka Orodka 10-km ee Gobolka Gabiley oo Sanad walba lagu qabto Gabiley ayaa si rasmi ah uga bilaabmi doona Caasimada Gobolkaasi Maalinta khamiista 23/07/2009

Tartankan oo ah kii labaad ee noociisa ah oo ay Shabakada Dhalinyarada ee Gobolka Gabiley (Gabiley Youth Network) ka fuliso Gabiley ayaa waxaa ka soo qayb gali doona Dhamaan orodyahanada reer Somaliland iyo cid kasta oo jecel inay ka qayb gasho tartankaasi .



Hadaba waxaa la Ogaysiinayaa dhalin-yada Jecel inay ka qayb galaan Tartankaasi Inay iska diiwaan galiyaan Xafiiska Shabakada Dhalinyarada Gabiley (Gabyonet) ay ku leedahay Magaalada Gabiley Laga bilaabo 06/07/09 ilaa 21/07/09.



Orodyahanada waxaa looga baahanyahay shuruudahan hoos ku qoran:



1. waa in uu Maskax ahaan iyo Jidh ahaanba caafimaad qabaa warqad caafimaadna ka soo qaataa wasaarada Caafimaadka ee Gobolka uu deganyahay.

2. Waa in ay Da,diisu udhaxayso 18jir ---40 jir.

3. waa in uu soo qaataa laba Sawir oo kur ah.





Orodkan oo ah mid Si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka qayb gali doonaan Cid kasta oo fulisa Shuruudaha kor ku xusan, ujeedada Tartankanina waa mid kor loogu qaadayo Ciyaaraha Orodada Somaliland si loo helo orodyahano caan ah oo ka qayb gali kara Tartanada Caalamiga ah.


Waxaa kale oo tartankan loogu talo galay in lagaga Badbaadiyo  Dhalinyar ada Dhibaatooyinka Balwadaha iyo mukhaadaraadka Aafeeyay mustaqbal Dhalinyarada Somalialnd.



NB: waxaa lagu adkaynayaa Dhalinyarada Jecel inay ka qayb galaan  Tart ankaasi inay ilaaliyaan Wakhtiga loo cayimay Diiwaan galinta, kuna soo xereeyaan wixii Macluumaad ah ee looga baahanyahay orodyahanka inta ka horaysa 21/07/09.





Wixii faahfaahina ee intaa dheer kala xidhiidh emailka ama Telephona-da hoos ku qoran:-



Mustafe Abdikarin Ali (Mustafe Future)

Tell: 002522-4423109, 002522-4422846
orodkagabiley@hotmail.com