Tartan Orod ah oo shalay Lagu Qabtay Magaalada Gabiley iyo Orodyahanno Lagaga Baxay Abaalmarintii loo Balan qaaday



Gabiley (TNN)- Tartankan oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen dhalinyarada Da,da yar ee  Orod yahanada Gabiley, Maamulka Gobolka iyo Maamulka Ururka Waayo Arag aya shalay lagu  Qabt ay inta u dhaxaysa Magaalada Arabsiyo iyo Gabiley.


Tartanka oo ahaa 10-km, waxaana ka qayb galay 35 orodyahan oo Da,yar iyo Maamulka Gabiley oo dhiiri galin ahaan Ugala qayb galay Tartanka iyaga oo kala soo bilaabay goobta orodka, si wanaagsan ugu furay Bilawgii orodka iyada oo ay ka dhex muuqdeen Ciraaytoyadii waawaynaa Reer Somaliland ee ka Fadhiistay Ciyaaraha kuna Bohoobay Ururka Waayo Arag, kuwaasi oo kala qayb galay Tartanka si ay dhiiri galiyaan Dhalinyarta.


Orodkan oo ahaa mid aan hore loo sii shaacin, Wakhti Badan oo ay Dhalinyaradu Tababar ku sii qaataana aan la siinin iyada oo ay ku war heleen maalin ka hor tartanka. ayaa si degdeg ah uga qabsoomay Magaalada Gabiley, dhalinyartu aad ayay u soo dadaaleen in kasta oo ay Qabanqaabadu ka xumayd Biyaha iyo kaabayaasha Orodkuna iska yaraayeen.


Orodyahanada ayaan lahayn Wax Number ah oo lagu kala garto sida ay usoo kala horeeyaan arintaasi oo Muran badan ka dhashay madmadawna galisay habsami u socod-kii orodka, Niyad jab balaadhana ku keentay Dhalinyaradii u heelanayd inay kaalmaha hore ka soo galaan Orodka. Goobta Xadhiga laga jarayay oo aad u cidhiidhi ahayd galitaankeedu ayaa sababtay in ay gali kari waayaan gudaha dhalinyar badan oo Guulo ka soo Hoyn lahayd tartanka.


Tababar la,aanta Dhalinyarada iyo sida kadiska ah ee loo qabtay oo Sababtay in ay dhalinyaradu la kulmaan Dhibaatooyin badan iyo Adkaysi la,aan dhibta orodka iyada oo Orodyahanka kaalinta koowaad galay Dhiig matagay oo dacar dhiig ku jiro afka ka keenay balse xaaladiisa caafimaad hadda wanaagsantahay, mid kale-na Maskaxdu wax noqotay oo Sidii qof walaan khalkhalay.

In kasta oo dhalinyartu dadaal Badan muujiyeen haddana Waxaa jiray Maamul Xumo Dhinaca qabanqaabada orodka ahayd iyada oo Baabuurti si toos ah u dhex socdeen Gudaha Laamiga orodku ka socda, taasi oo ku keeni karta Orodyahanka Caafimaad darro marka uu Qaato Qiiqa Baabuurta ka baxaya.

Ka dib markii la soo gaadhay Goobtii orodka oo aad U Cidhiidhi ahayd waxaa kaalita koowaad ku wada jiray oo Shantii km ee ugu danbeeyay hogaaminayay orodka Rudwaan Cabdi Aw Aadan iyo Sacad C/kariin Cali, in yar ka bacdi markii ay jirto goobtii Dhamaadka orodku 10 m qiyaastii ayaa Ridwaan Cabdi kordhiyay Xawliga Orodkiisa taasi oo sababtay in uu ku guulaysto Kaalinta Koowaad ee Orodka 10-km ah.


Halka uu kaalinta labaad ka galay Sacad C/kariin Cali, Kaalinta Seddexaad-na ka Galay Khadar Abiib.


Kaalmaha Danbe Badan kooda oo Muran ka dhacay ayaa Sababtiisu ahayd iyada aanay jirin calaamad ay kaga duwan yihiin Dadka kale iyo wax Number ah oo aan loo samayn Orodyahanada balse la qiyaasayay sida ay usoo kala horeeyeen.

Habeenimadii Xalay oo loo sameeyay Xaflad balaadhan oo lagu gudoonsiiyay Abaal marinadii ay mutaysteen ayaa lagu qabtay Hotel Askar ee magaalada Gabiley, Xafladaasi oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil, Maamulka Gobolka Gabiley iyo Degmadaba, Taliyaha Qaybta, Maamulka Ururka Waayo Arag, Xoghayaha Ciyaaraha Fudud ee Somaliland iyo Dhalinyaro tiro badan

Xafladaasi oo ay Haddalo ka jeediyeen Masuuliyiintii ka qayb galay Xaflada waxa ay ku Dheeraadeen Muhiimada ay Ciyaaruhu uleeyihiin Dhalinyarada iyo Guud ahaaba inay ka qayb qaadan doonaan Hawlaha horumarinta dhalinyarada iyo Ciyaaraha maadaama ay dhalinyaradu yihiin Cududa iyo Xooga Wadanka.

Iyaga oo ku booriyay Dhalinyarada Akhlaaq wanaaga isu tanaasulka iyo Inay si nabad galyo ah uga qayb qaataan ciyaaraha Fudud iyo kuwa kale ee Dalka lagu qabto-ba.

Intii lagu Gudo jiray Xaflada ayaa waxaa ka dhex guuxayay Dhalinyaro ku muransanayd shakina ka qabtay qaabka loo wada Xaflada iyo Abaal marinta la siin doono, ka dib markii uu sheegay mid ka mid qabanqaabiyeyaasha Xafladu inuu Abaal marin siin doono Seddex-da orodyahan ee ugu horeeya Balse aanu waxba u haynin Inta kale iyaga oo ku cabanayay orodyahanadu inay Balantu ahayd in Abaal marino la siiyo 10-ka Ugu horeeya Orodka Balse lagaga Baxay Arintaasi.

Mid ka mid ah Orodyahanadii Tobanka kaalmood ee ugu horeeya ku Guulaystay oo Magaciisa la yidhaa Maxamed Cali maxamed ayaa is hayn kari waaway ka dibna boob ku qabsaday Microfoonka isaga oo Masuuliyiinta u Iftiimiyay sida loo balan qaaday intii aanay bilaabin orodka iyo Qaabka loo dulmiyayo Wakhtigan.

Muran badan ayaa ka dhashay Hadalkii Orodyahanka Maamulka ayaa Fadhiisiyay, waxaa la soo gaadhay wakhtigii Abaal marinta waxaana la isku siiyay Seddexda kaalmood ee ugu Horeeya Gabi ahaanba $65 seddexda ugu sareeya loo qaybiyay. Halka todobadii kale laga siiyay Cadaro, oo ka cadhaysiiyay niyad jab badana ku abuuray Orodyahanadii ka qayb galay Orodka iyaga oo sheegay inaanay Hore u Arag Ciyaar yahay Lagu Abaal mariyo Xabad Cadar.

Xafladan oo uu ka maqnaa Isku Duwaha Ciyaaraha Gobolka Nuur Sagaale ayaa khilaaf wayn ka dhex abuurtay Dhalinyarada soo halgantahay wixii loo balan qaadayna lagaga baxay, iyada oo aan laga tashan sida ay wararku sheegayaan Hawsha la qabanayo.

Gudoomiyaha Ciyaaraha Gabiley Nuur Sagaale-na uu Sheegay inaanu isagu ka Masuul ahayn Tartankan wax Gacan ah-na aanay ku lahayn Wasaaradu.

Dhalinyarada oo aanu isku daynay inaan Wax ka waydiino Dareenkooda ayaanay noo suugo galin badan kooda iyaga oo aad u Murugaysnaa kana Xumaa Qaabka loogu Abaal Guday.



Mustafe Futute
Timacade News Network
timacadenews@hotmail.com