Tartan aan noociisa hore loogu arag Somaliland Oo Lasoo Gab ogabeeyey Iyadoo Madashaasina Si Weyn loogaga hadlay Ammaanta Nebi Muxamed (S.C.W)
 

 


 


Hargeysa (TNN)-Tartan aan noociisa hore loogu arag Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo Bishan barakaysan ee Ramadaan-ba socday, ayaa lagu soo gebagabeeyey isla Hargeysa. Kaa soo loogu tartamayey curinta ama samaynta iyo ku luuqaynta Qasaa’id lagu ammaanayo Nebi geennii Suubbanaa ee Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (S.C.W).

Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaale oo ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka warbixiyey sida ay u habboon tahay in markasta la weyneeyo Ammaanta Nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (SCW). Isla markaana, waxa uu Xil dhibaanku wax lagu farxo ku tilmaamay in Somaliland, gaar ahaan Hargeysa lagaga lagu qabto kulan loogu tartamayo Ammaanta Nebiga (S.C.W).

“Waa in markasta la weyneeyaa Rasuulka (SCW), maaddaama oo aynu nahay dad boqolkiiba boqol Muslim ah, waayo? Xuska Rasuulka oo la badiyo waxay ka qaybqaatada inaad ILLAAH AY ugu dhawaatid oo aad Janno ku hesho. Markaa, waa in Carruurteenna la baraa ku Salliga iyo ku toosnaanta dariiqi Nebigu innoo jeexay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo xalay ka hadlay Xaflad loo sameeyey gebagabada tartanka Qasiidooyin Nebi ammaan ah (S.C.W).

Xildhibaanka oo hadlakiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Walaallayaal waxa aynu ku jirnaa Bishii B arakaysnayd ee Ramadaan oo loo baahnahay in waxa badan la xuso Rasuulka ILLAAHAY inno o soo diray ee aynu ku dayanno dhaqankiisa subaan nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaa tee.”

Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Sheekh Maxamed oo ahaa Guddigii tartanka gacanta ku hay ey oo sheegay inay intii ka qaybgashay tartanka ay u rejeynayaan guul iyo inuu ILLAAHAY la kulmiyo wax fiican, waxaanu yidhi; “Dhalinyaradii ka qaybgashay tartanka lagu xusayay Nebi Maxamed (SCW) waxaanu u rejeynayaynaa inuu ILLAAHAY la kulmiyo wax fiican oo ka farxiya, intii tartanka aan ka qaybgalinna waxaanu leenahay way soo socdaan tartanno kale oo kan la mid ah. Markaa, ILLAAHAY waxaynu ka baryaynaa inuu Jannadiisa Fardowsa uu innaga waraabiyo oo aynu mar walba xasuusanno Rasuulkeenni suubbaanaa ee Muxamed (S.C.W).”

Waxa iyaduna halka ka hadashay Guddoomiyaha Ururka ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibrahim oo iyadu lahayd firkirka lagu qabtay tartanka ammaanta Nebi Muxamed (S.C.W), isla markaana ay Xafladdan lagu soo gebagabeeyey tartanka Nebi ammaanka (S.C.W) iyo suuragelintiisa ay Faadumo iska kaashadeen Shirkadda Gulf Petroleum Guuleed Jaamac Faarax, taasoo lagu qabt ay Huteel Summar Time ee magaalada Hargeysa. Waxaanay Faadumo Siciid faahfaahin ka bixi say sidii uu fikirkani ku yimi, isla markaana waxay sheegtay in uu ku yimi habeen ay ku riyoot ay Rasuulka (S.C.W) iyada oo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi; “Caawa habeen iiga farxad badani ma jiro, waayo? Waxaan ka soo qayb galay munaasibad lagu xusayo Nebi Maxamed (SCW) oo ahaa Aabbihii Adduunyada. Waxaana loo baahanyahay in dhalinyarada lagu ababiyo xuska Rasuulka (S.C.W) iyo ku dayashada akhlaaqdiisa suubbaan. Waxa kale oo aan doonayaa inaanu tartankani noqon kii ugu dambeeyey ee lagu xuso Nebi Muxamed (S.C.W) ee waxaannu qabanaynaa tartanno kale oo ay ku tartamayaan Hablaha maaddaama oo uu soo dhammaad ay tartankii Wiilashu. Waxaanu doonaynaa inaan lagu haysan marfishyada iyo meelaha lagu qayilo ee dibadda loo soo saaro Xuska Nebi Muxamed (S.C.W).”

Waxa isna halka hadal kooban ka jeediyey Xafladdaas, Masuul ka socdey Shirkadda Gulf Petrol eum Mr. Guuleed Jaamac Faarax, oo sheegay inaanu xuskani noqon doonin kii ugu dambeeyey ee ay sii wadi doonaan haddii Illaahay yidhaahdo wakhtiyada soo socda. “Xuskani noqon maa yo kii ugu dambeeyey ee aannu ka qaybqaadanno, laakiin waxaanu markasta ku boorrinaynaa dhammaan ummadda Islaamka inay ka qaybqaatan xuska Rasuulka (SCW) oo loo baahan yah ay in kor loo qaado oo meel sarre la gaadhsiiyo. Waayo? Xuska Nebiga nabadgalyo iyo naxari isi korkiisa ha ahaatee, oo la badiyo waxa lagaga fogaada Cadaabta iyo in uu ILLAAHAY ku naco. Rasuulku waxa uu yidhi; ‘I xus si aan kuu xuso’. Markaa, walaallayaal aynu xusno Nebiga (S.C.W) meel kasta oo aynu joogno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Guuleed Jaamac Faarax oo ka mid ah xubnaha sida weyn uga qayb-qaatay suuragelinta tartankaas.

Gebgebadii munaasibaddaas waxa Shahaadooyin-sharafyo la guddoonsiiyay tartamayaashii ka soo qaybqaatay Ammaanta Nebiga (S.W.C) oo kaalinta kowad uu galay Maayarka Arabsiyo Cabdillaahi Cabdi Faarax halka uu kaalinta labaad galay Xasan Batuun, kalinta saddexaadna waxa galay Maxamed Axmedweyne.


Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horrreysay ee tartan noocan oo kale ah lagu qabto Caasimadda Hargeysa ee Somaliland, kaasoo haddii la sii wado sare u qaadi kara in ka qayb qaataan tartannada loogu tartamayo ammaanta Nebigeennii Suubbanaa ee Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (S.C.W).


Ahmed Mohamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland.