TARIIKHADA GUUD EE SOMALILAND CASRIYADII
HORE ILAA HADDA

 



Somaliland waxay ku taal geeska Afrika,…. Dhinaca Waqooyi galbeed waxa ka xiga oo ay la ta hay daris, dalka jamhuuriyad jabuuti, galbeedna wax aka xiga Ethiopia, Barina waxa ka xiga maamulka Puntlanad, koonfurna waxa ka xiga dalka Somalia.
Tirada dadka Somaliland waxa lagu qiyaasaa 4.5 malyuun. Baaxada dhulku ay ku fadhido Soma liland waa 139, 000 km2. Somaliland waxa dhinaca waqooyi ka xiga badda cas oo ku fadhida dheer ah 870km2.

Somaliland oo leh taariikh aad u balaadhan dadkuna aanu wada aqoon . Waxay ka mid tahay meelahay ugu horeysay eeka hanaqaaday ilbaxnimada adduunku . Dadka taariikhda ku xeel dheeri waxay sheegeen in faraaciiniintii hore asalkoodu ka soo jeedo Somali . Degaanada dhu lka xeebaha badda cas. Taasoo markii danbana ay xidhiidh qoto dheer la lahaayeen Somalil and.
In ka badan 10 sano oo halgan dheer oo hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabahadii SNM ka dib waxay waxgaradka, Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen 18 kii May 1991-kii in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June.
Ka dib markii shacbiga Somaliland u adkaysan waayeen dhibaatadii balaadhnayd ee uu ku hayay, Taliskii Siyaad Barre. Cadaadiskaa balaadhan oo isugu jira dil dhac, xadhig, kufsi. Waxa sanadkii 1981 bishii April 6, lagu dhawaaqay assaaskii ururkii SNM oo ay taageersanaayeen shacbigii gobolada Waqooyi badankoodu, si ay ula soo noqdaan xornimadoodii luntay sanadkii 1960.
Bishii februari 20, 1982 waxa dalka ka bilowday kacdoon shacbi ka dib markii dil lagu xukumay dhalinyaradii UFO. Isla sanadkaas waxa uu taliskii ka talin jiray gobolada woqooyi ee uu madaxa ka ahaa janan Gaani uu ku dilay dil toogasho ah kornayl cabdillahi siciid oo ahaa abaanduulihii ciidankii somaliyeed ee daganaa hawdka magalada burco, ayay goosteen in ay baxaan saraakiishii ugu horaysay ee ciidankii SNM, kuwaas oo kala ahaa saddexdii sarkaal ee baxay mujaahid adan shine, mujaahid adan salebaan iyo mujaahid Mohamed kaanin, waxa ka nool saddexdaa mujaahid Mohamed kaahin….halkaa oo ay dagaal hubaysan kala hor yimaade en taliskii faqashta ee siyaad barre.
Bilowgii sannadkii 1988 markuu taliskii siyaad barre au adkaysan waayey halgankii SNM ayuu si kadis ah ula heshiiyey dawladii Itoobiya oo uu ay dhaxasay colaad iyo culuf xumi.
Bishii May 27, 1988 Ciidamadii SNM waxay weerar lama filaana ku qaadeen ciidamadii gaaska 4aad ee fadhiyay magalada Burco, waxaanay qabsadeen magaladii burco, Sidoo kalena May 31 1988, ayaa cutubyo kale oo ah SNM ay weerar culus ku soo qaadeen ciidamadii faqashta ee 26aad ee fadhigoodu ahaa magalada hargeysa. Weeraradaas oo ay SNM ka soo hooyeen guulo badan, sidoo kalana keenay qaasre badan.
Ka dib marakay ciidamadii Faqashta ee Siyaad bare u adkeysan waayeen amaba u babac dhigi kari waayeen halgankii SNM, waxay weerar aargoosi ah ku qaadeen shacbigii masaakiinta ahaa ee reer Somaliland….Waxaana sanadkii 1988 ka dhacay gobolada woqooyi mid ka mid ah xasuuqa ugu ba’an ee soo mara qaarada Africa. Waxaana isla sannadkaas oo qudha uruka xuquuqda aadmiga ee African Watch warbixintii 1990 ku qiyaaseen in la laayay intii u dhaxaysay May 1998 ilaa March 1989, dad lagu qiyaasay 50,000 ilaa 75,000 oo shiciba oon waxba galabsan oo ay aniga aniis ahaan hooyaday ku jirtay.

Bishii Janaury 27, sanadkii 1991 ayaa ciidamadii SNM gacanta ku dhigeen dhamaan dalkii hore loo odhan jiray “woqyooyiga Somalia”, haddana ah Somaliland. Intaa dabadeed madaxadii SNM waxay ka shaqeeyeen in heshiisiiyaan oo walaaleeyaan beelihii walaalaha ee ay iska horkeentay dawladii hore ee faqash.
Shirkaa waxa hormood ka ahaa oo hogaaminaayay jabhadii “SNM”, iyo golihii guurtida, waxa iyaguna lagu casumay oo door muhiima ka qaatay madax dhaqameedkii beelaha darafyada iyo iyo siyaasiyiintii aan SNM ku jirin…xiligaa waxa SNM gudoomiye Abdiraxmaan ahmed cali “tuu r”, ilaahay how naxariisto, ku xigeen waxa u ahaa xasan ciise jamac oo jooga hargeysa today, waxaana ahaa gudomiyaha golaha dhexe ee SNM Ibraahim maygaag samater ilaahay how naxariisto.

18 May waa malin ku suntan taariikh Somaliland qaalina ku ah ….18 may waa malin jilashii hor e u ah xasuus, jilasha danbana dhiirigalin iyo rajo. Waa malin ay ka badbaday Somaliland In ay ku dhacdo xabaal, waa malin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobeed, halgankii, Rafa adkii, Barakacii iyo baabi’ii ku dhacay bulshada reer Somaliland. Waa malin mudan in la xasuu sto kumayaalkii halyay ee u duurgalay inay duliga ka dulqaadaan shacabkoodii . Waa malin mu dan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalkan loo soo maray, Waa malin mudan in la ilaaliyo lana daryeelo geesiyaasha naafada ah ee maanta darxumadu hayso , waa mlian ah in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgamayaashii SNM.
Ma soo koobi karno qiimaha ay maalintani ugu fadhido shacabka Somaliland….iyo muhiimada ay leedahay.
Somaliland waxay tahay dal madaxbanaan oo buuxinaya dhamaan astaamaha ay leedahay dawladii lagu aqoonsado, lakiin waxay sugayaan aqoonsi caalamiya. Inshalla waxaan filayaa In Somaliland dhakhso u heli doonto aqoonsi caalamiya oo ay rumowdo riyadii shacbiga Somaliland….

Somaliland waxay u rajaynaysaa Soomaaliya Nabad iyo daris wanaag, waxaanse xasuusinay aa inay dib u eegaan taariikhda, inay ogaadaan inaanay Somaliland weligeed noqon Soomaaliya hase ahaatee shuraako la wada noqday……


Wabilaahi tawfiiq

 

 


ANIIS ABDILLAHI ESSA

SOMALILAND ADVOCACY GROUP
WASHINGTON DC….USA