TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-XVIII

Haddaynu dib u yara milicsanno soyaalka xukuumadihii rayidka ahaa ee
soo maray Soomaali yadii haligantay, ayaa had iyo jeer hal-abuurka
suugaantu iyagoo hadba dareenka bulshada ka tarjumaya waxay soo
bandhigii jireen masraxiyado la daawada. Mid ka mid ah riwaadad ihii
badhtamihii lixdamaadkii ayaa waxa ku jirtey hees midhaheeda aya mid
ahaayeen ereyad ani:
"DOC KASTOO LA EEGO NOLOSHA DUNIDU WAA DABKII
HADDUU DABKII DHAXMOODO MAXAA LAGU DIIRIYAA?
DURDURKAA LAGA CABBAA BIYIHIIS LAGU DABBAASHA
HADDUU HARRAAD DAREEMO DARKEE LAGA WARAABSHAA?
RUUXII CUDUR DILAAYO DAWADAA BOGSIISEE
HADDAY DAWO BUKOOTO MAXAA LAGU DABIIBAA?"
Waxay isugu jiibin jireen labadii hoobal ee heesta daranrooriyayey:
"WAA SU'AAL DA' WEYNOO MADAXA DAALINEYSEE DADWEYNAHAA LA WEYDIIN."
Waa dhab oo haddaan biyo jirn nololi dunida guudkeeda kama jirteen.
Sida xaalka Somaliland maanta yahay ayaa ka dhigan sidaa. Waa shay
aan laga murmi karin; waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan oon idhaha laga
qarsan karin dhegahana laga fureysan karin.
Haddaynu Distoorkeen ku qeexnay in qaab dhismeedka dawladnimo yahay
SEDDEX TIIR oo isu dheeli-tira habsami u socdka maamulka, maxsuulka
sawirka guud ee Somaliland miyaan laga dheehanayn in seddexdii tiir
noqdeen sida durdurkaa harraadan, dabkaa dhaxmooday, iyo dawadaa
bukootay. Ashad billaahi in ay markhaati ma doon tahay!!
Garsoorkii iyo Sharci Dejintii halkay ku dambeeyeen? Waxay ku
dambeeyeen hawl-gabnimo ka dib markay awoodoodii toos ugu
wareejiyeen waaxda Fulinta oo iyana dabarkii goosatay oon la
garanayn meel ay dadkan iyo dalkan u hoggaaminayso.
'WAAN YAABANEE IDINKUNA DADYOW MA ILA YAABANTII?"
Bal u fiirsada majaajiladan ummadda lagu marin habaabinayo. Ma
hadday xukuumaddii dalka lagu aaminay inoo soo waaridday
madax-dhaqmeedkii Soomaali koonfureed oo dhibaatada dalkoodaba
seddex iyo labaatan sannadood u caalwaayey ayaa Somaliland aqoonsi u
fidinay a? Dibindaabyada iyo shirqoolka intan le'eg ma dheeftii
kitaabkii gacanta la saaraybaa? Mashruucan la sheegay inuu Sir
Nicolas Kay iyo Dawladda Turkigu lacag ku bixinayaan miyaa kuwaynu
xilka u igmanay gacmaha hoos hoorsanayaan? Wallee waa kuwan u
xuubsiibtay dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday. Mar hadday maqasho
sanqadha shilimaad sharaf iyo dadnimo dhimatay; taariikhduna way
isqoraysaa.
CABUDHINTA SAXAAFADDA IYO XADGUDUBYADA XUQUUQDA AADAMAHA
Hadda wax xabsiga magaalad Gabiley ku xidhan Mj. Yuusuf Cabdi
Gaboobe iyo Axmed Cali Cige- Guddoomiyihii iyo tafatirihii Wargeyska
Haatuf iyo Somaliand Times. Xadhiga labadan muwaadin ayaa ahaa
shirqool si farshaxanimo ah loo soio agaasimay si markay maxkamadda
yimaadaan haad-biidhi lagu jebiyo ka dibna xabsiga lagu hubsado.
Waxa wax laga xishoodo ah caydii uu wasiirka Arrimaha Guduhu
maxkamada dhexdeeda ka yidhi iyo hadaladii kibirku ka muuqday marku
laaha, "amarka iyo awoodaba anigaa leh.." iyo aflagaado aan halkan
lagu sheegi karin. Wasiirku malaha maba oga in aan maxkamad dhexdeed
cay iska daayoo hadalkuna ka xaaraanba ka yahay? Qofkii caytamaana
wuxu heleyaa jawaab aanu jecleysan. Masuulka xukuumadda iyo
muwaadinka sharciga iyo xeerka ayaa u dhaxeeya. Nin sharciga ka
sareeyaa ma jiro; shaadh dawladeedna la isuguma awood sheegan karo.
Waxan odhan lahaa xukuumaddeena darxumo u joog dalkii iyo dadkiiba
idin may mahadine ummadda ka hor-dhaqaaqa illayn waydinkan doc walba
ka baylahaye. Xabsi iyo xukun-qarq oosh horaa loo soo arkay oo
halkay ku dambaysay waa ogsoonahay. malaha waxa fiicnaan lahayd in
miyirka iyo maskaxdu shaqeyso.
SHAQAAQOOYINKA BUUHOODLE MAXAY DAARANYIHIIN?
Waxaynu ogsoonayn in xibiga Kulmiye si toos ah u hurin jirey iska
horimaadyo ka dhacay Se emaal iyo Ceel-Bardaale halkaas oo u ka dhex
abuuray ummaddii deegaanka colaad iyo naca yb si uu xukunka ugu
guulaysto. Maanta colaada Buuhoodle laga aloosayaa waxay salka ku
hayso waynu garanaynaa oo waa MUDDO KORDHIN iyo cimri dherer. Sida
looga hawl gelyo ayaa kuu caddaynaysa waxa ay sheekadu
hullaabantahay. Runto waxay tahay waa garda ro garab og iyo
daan-daansi. Horeba dadk a meesha degaa nabad ayey ku wada noolaayee
n kibirka iyo qoriga dabka leh ummadda ha laga daayo.
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
|