TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-XII



 

Qormadii tan ka horeysey waxaynu ku falanqeynay dhibaato ku habsatey ninka la yidhaa Cabdi Xuseen Ibrahim oo madaarka Cigaal mudo dheere ku heystey goob shaaha

Qormadii tan ka horeysey waxaynu ku falanqeynay dhibaato ku habsatey ninka la yidhaa Cabdi Xuseen Ibrahim oo madaarka Cigaal mudo dheere ku heystey goob shaaha, Koofiga, iyo sharaa bka lagu iibiyo. Qaabka muwaadinkan meheraddiisii looga faramaroojiyey ayaa ah mid anshaxa iyo dhaqanka Bani aadamka labada ka arradan.



Dhinac walba marka aad dhacdadan ka eegto, ayaa xisaabteedii waxay ku aroortay: N!= (x)(x)(x)== X.X.X= . Meel ay ku dhammmaanaysana lama yaqaan. Xadaa seddex jibaaran waxa in ooga jawaabi doona kooxdii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud u xil saaray sugidda ha ntida Qaranka ka hor intii aanu xilka si rasmi ula wareegin. Waxanaynu wada xasuusannahay sidii kooxdaasi markay arkaan masuuul kar tirsan Xisbiga UDUB oo gaadhi watta inta ay Gadiid ku horgooyaan ka dibna weydiinaya Ruqsadihii lahaanshaha. Kooxdii sidaa u dhaqmi jirtey waa kuwa hadda masuuuliyada ka haya Xukuumadda dalka ka talisa, waana kuwa warbaahintu ku eedeyneyso in ay xalaalaysteen oo sharciyeysteen hantidii ummadda; ama uba xusulduubaya in loo xalaaleeyo xaraashka hantida maguurtada ah ee Qaranka.

Haddii Xukuumaddii UDUB lagu eedeyn jira musuqmaasuq, bal haloo magac dayo Xukuumadda t alada dalka gacanta ku haysaa sooyaalka taariikhda halka ay ka gelidoonto. Waxa markhaati ma doon ah in labaatankii sannadood ee Somaliland jirtey waa markii u horeysey ee muddo lix bilood ka yar xukuumad loo codeeyey ummaddu ka biyo diido sida ay dalka u maamulayso iyado o ay muuqato oo maalinba maalinta ka dambeysa heykalkii dowladnimo hadba qabcadi soo dhac ayso. Majarihii iyo qorshihii dalku socday oo isna iska hor iyo daba yimid; oon marnaba la saada alin Karin doontan heehaabaysaa marsada ay ku xidan doonto iyo in barroosinkuba u laalaad samiwaa, waa haddiiba ay ka samata baxdo duufaanadan kacsan.



ERGEYGA QARAMADA MIDOOBAY U QAABILSAN SOOMAALIYA



Labaatankii sannadood ee u dambeeyey ayaa Guddoomiyeyaashii xilka isaga dambeeyey ee Qaramada Midoobay hadba ergey ayey u wakiilanayeen xal u helidda burburkii ku habsaday dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Haddaynu dib u milicsano sooyaalka labaatankaa sannadood ergeyyadii mushkiladda Soomaaliya loo xilsaaray waxa ka mid ahaa: Md. Maxamed Saxnuun oo Dalka Aljeeriya u dhashay; Md. Cismat Qiddaani, oo Kurdi reer Ciraaq aha; Md. David Stephen; Koofi Annan oo reer Ghaana ah; Md. Francois Looseng Fall; Md. Ahmedou Oulad Cabdallah oo dalka Mauritania u dhashay; iyo Md. Augustine Mahiga oo ka soo jeeda dalka Tanzania. Waxad mooda in Mahiga helay tubtii jiritaanka Somaliland hilfaha loogu laabi lahaa mar haddii uu ku guuleystey in goob kasta oo dib u soo noolayntii Soomaaliweyn shir loogu qabanayaba Somalilandna iyada cidina u yeedhin iskeed isu keento iyada oo toos isu hoos geysay xukuumad u yaalta gacan ku rimiska ah ee wadaad Shariif. Waxa bah dilaad iyo karaamo jab inoogu filan in gacmaha la hoos hoorsado kuwaa labaatanka sannadood adduunweynuhu u qaraamaadayo.

Waxba yaan ummadda lagu maayeelin Danjire Mahiga shirqoolo Somaliland ka dhan ah ma wado. Si toos ah iyo si dadbanba wuu ula shiraa ciddii Qarannimada iyo jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda. Waa ninkaa qoriga dabka leh inala dhex wareegaya; himiladiisuna waa dib u yagleelid Qaran Soomaaliyeed oo hada qaaday, ka dibna isaga iyo inta mashruucaas kula shuraakada ah oo Billad Nabdeedii Nobeelka adduunyada la guddoonsiiyo. Kuwii Mahiga ka horeeyeyba halkaa wey ku karamu seegeen, isaguna maalin dhow ayuu iska huleeli.

Mahiga isaga oo la hadlaya Jaaliyadda Reer Somaliland ee Minnesota ayaa nuxurka hadalkiisii isugu biyo shubtay in Qadiyada Somaliland ay hortaagantahay waxa uu ugu yeedhay Modowgii Lixdankii ee labada dal iyagoo mid ah Qaramada Midoobay xubinta kaga noqdeen. Ninka ergeyga ihi beentaa qaawan ayuu meelwalba la soo taagan yahay. Waa marka u horeysay garyaqaanu xeerka Caalamiga ku xeeldheer ayaa ka baaraan degay qaabkii labada dal ku midoobeen waxayna dhammaantood isku raaceen in aan haba yaraate wax midow la yidhaa oo laba dal isku raaceen oo waafaqsan shuruucda dunida lagu hago aanu jirin. Waxa kale oo inta jiritaanka iyo Qarannimada Somaliland jeceli ogtahay in aanu marnaba jirin xeeris hortaagi kara dib ula soo noqoshaday qarannimadii majarahabawday 1960. Guddidii xaqiiqo raadiska ahayd ee Midowga Afrika ee Somaliland timid Bishii Abril 29th 2005-May 4th 2005, goaankodi kama dambeysta ahaaka waxa uu sidoo kale tilmaamayaa in Midow dhaqan galay laba dal marnaba dhex marin.

Qorigii dabka lahaa ee Mahiga wuxu marayaa in Somaliland dacalada ka holcayso oo ah sida kale ah ee uu ninkaas u arko in mashruucan loogu talagalay in lagu burburiyo goobta kali ah ee geeska Afrika ka xasiloon. Ninka noocaas ah xukuumadda ku idho adag in ay daafacdo iyaada circa biyo ku og. Mahiga muhimaddiisa wuxu damacsanyahay in uu waxooga dhaqaale ah ku meel mariyo waxana cad in uu xukuumadda Somaliland kalsooni buuxda ka haysto. Maalinta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud madasha u faaruqiyey, Mahiga intuu Hargeysa yimid waa tuu Golaha Xukuuumadda toos ugu yidhi casuumaddii shirka Nairobi ayaan idiin sidaa cidii idiinka qayb geleysey hadda ha I raacdo.

Laga soo bilaabo Bishii Abril, 2000 qaar ka mid ah hoogaanka xisbiga Kulmiye waxay xidhiidh toos ah ula lahaaayeen maamuladii maqaar saarka ahaa ee isaga dambeeyey koonfurta Soomaaliya sida Salaad Cabdiqaasim, Abdillaahi Yusuf, Wadaad Shariif. Sida dadbadan oo xog ogaal ihi sheegeen Cabdi Qaasim, Cali Mahdi, iyo Cabdillaahi Yusuf intuba ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2003 lacag faro badan ayey ugu deeqeen ayey Xisbiga Kulmiye. Maal gashigaa ujeeedadiisu waxay ahayd weynu ognahay. Taariikhda dib u raadraaca: Waxa jirtey maalin madaxda Xsbiga Kulmiye imyo Jurbajoogoodu khadka telephone ku sheekeysanayeen. Maalinta kelmadii fakatay maxay ahayd? Waxay ahayd xidhiidh toos ah ayaanu walaalahayaga Soomaaliyeed lasamaysan doona markaanu xukun dalka la wareegno. Ereyadaasi markay afka Guddoomiyaha ka soo baxayeen, waxa Makarfoonka la booday jawaab daarkii oo damcay in uu si kale u fasiro. Todobadii sannadood ee Xisbiga Kulmiye mucaaridka ahaaba toos ayey reer koonfureedka ugu xidhnaanyeen waxayn ku kulmi jireen magaalada Duai ee dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Haddaanu Kulmiye Doorashadii ku guulaysan maanta dal Somaliland la yidha ma jireen.



DULMIGA IYO CADDAALAD DARRO BAAHSAN

 


Intii xukuumada Kulmiye talada haysey waxa had iyo jeer dhaca dulmi iyo tacdiyo ku habsada dadka danyarta ah ee degen goobo dan guud. Mar ma aha oo laba ma aha inta dad shicib ihi ku naf waayeen iska horimaad xukuumaddu abuurtay. Haddii dulka xakuumaddu masuul ka tahay waxa haboon inta aan dadka la rarin in loo diyaariyo goobtii la dejin lahaa; si miyir qabta wax loogu sheego. Golaha Deegaanka Caasimadda iyo Guddoomiyaha Gobolkaba ummaddu sasba ka qabtaa mana aha sida ka muuqata dar dadkaba naxariis u haya. Waa dhaqan xumo in hiirta waaberi guluf iyo weerar lagu qaado ummad meel degen, iyadoon loo qorsheyn halkii la dejin laha. Xoog iyo jujuub waxba laguma muquunin karo oo ummaddu wey gadood ka dibna waxa dhicidoonta in xukuumaddan maanta jirta talada laga tukhaantukhiyo duhur dharaareed mar hadday ku fashilantay hab maamul ay ummadda ku hogaamiso.

Caqliyadda dadka dowladda maanta jirta hagaya hore ayaa loo soo arkay. Waxa ahayd Bishii Sebtember 12th, 2009 marka warbaahinta ka lahaayeen Somaliland guul ayaa u soo hoyatay. Maalin ka hor laba qof ayaa ku nafwaayeen bannaanbax Kulmiye soo abaabulay, taasi waxay inoo caddayneysaa sida aan nafta bani Aadamku qiimoba ugu lahayn xisbul xaakimka.
 

 

 

 

Ahmed Ibrahim
asabeyse@hotmail.com