TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-VIII

 

 


DEEQDII SOMALILAND OO DHULGARIIRKA SIYAASADEED ISU BEDESHEY

In badan oo ka mid ah culimada qunyar socodka ah ee ku abtirsata madhabta AL SHAAFICI ayaa ka dhawaajiyey in aan deeqdaasi haba yaratee aanay ku sugmayn sifo seko, sadaqad, iyo siintoona, maadaama ay meesha laga qaadayo iyada lafteeda abaaro baahsan iyo macaluul labaduba ka jiraan, oo lixda Gobol ee dalku ka simanyihiin. Bulshada lafteeda ayaa iyana si laxaad leh uga faalootay iyada oo la saadaalinayey arrimaha is hoos degemsan iyo waxa laga filan karo jidkaa xag Alle u xidhnaa ee sida xilkas darrada ah ee ay xukuumaddu ugu indho adagtahay in ay furto, iyada oo ummaddii lagu maaweelinayo masraxiyadda wakhtigeedii dhammaaday.

Hadda waxaynu toos u aragnaa waxyaabihii laga digayey oo too usoo wada ifbaxay. Hore ayey Soomaaliyi uga maaahmaahday adduun aan loo meel deyin oo nimaan geyin faraqa loogu shubo: Waxay tidhi, " XOOLAHAAGU AMA XERO AMA XEER HA KUUGU JIRAAN, MARARNA MID SEDDEXAAD OO XAAGAAN LA YIDHA AYAA LA RAACIYAA. Seddexdii midna noqon weyday, maxaa ka so baxay. Aadamaha marka ay masiibo ku habsato siyaabo badan ayaa la isugu gargaari kara: WALAALTINO, DHAQAN,DIIN, AF, ISIR, BANI AADAMNIMO, IYO HADDII LAGA TEGI WAAYO DIIRKA OOGADA! An isweydiino su'aal: Intaa sifo ee la isugu gargaari karo Soomaali koonfureed tuma ayaan mucaawimo ugu fidiyaa? Jawaabta haddii loo kitaab dayo marka dhinac walba laga eego waxaan diirka oogada ahayn meesha kama muuqato.

WALAYEYN IYO WARKEED IYO WAAYAHA ADUUNYADA

Sidii noole neeftu mudo dheer ku taagnayd ayaa duulkii Walaweyn mar keliya nakhas ka soo booday! Shicib iyo xukuumad ku sheegta Villa Soomaaliya awooodeedii dhaafiweydey sowtan or iyo dammaashaad iskala horjeedsatay! Ma warankii mudada dheer ku taagnaa ay la taahayeen ayaa ka go'ay? La yaab ma laha oo waa Soomaali koonfured iyo garaadkeed siyaasadeed intuu gaadhsiisanyahay oon marka horeba sidaa u sii buurnayn. Markii la guddoonsiiyey qadar yar oo qaraamaad ah, hadday rayn rayn iyo farxad siyaasadeed oo u soo hoyatay ismoodsiiyeen, walaweyn iyo maanked dheh. Inta suurta Illahay la afuufayo ha ku deganaadan MIDNMO MUQDAS AH. Qur'aanka Kariimka waa ta ku jirta, '' INNA LA ANKARAL ASWAATI LAWSOWTUL XAMIIR." Waadaad Shariif iyo kaaliyihiisa afkooda wixii ka soo yaadhaaba wuxu ka dhiganyahay sida cidaa dameerka. Qabqablayaasha Walaweyn horboodayey labaatankii sannadood e ina dhaafay waxay ku guul darraysteen in ay kasbadaan kalsoonidii ummadda ay u horseedeen burburka, barakaca, dilka, dhaca,kufsiga, iyo karaamo dilka. Ma ogyihiin in soddon sannadood oo kale u hadhay oo ku jirayaan jahawareer; xad gudubyadii ay dhexdooda kala galeen dheefteedii weli soddon dambe ayaa ka hadhay. Kaaliyaha wadaad Shariif maalintii dhoweyd ee Shirka Qaramada Midoobay uu khudbadda ka jeedinayey Madaxweynaha dalka Iiraan Md. Maxamuud Axmdenijaad, markuu arkay weftigii dalka Maraykan oo madasha ka dareeraya waatuu isna daba dhaqaaqay. Horaa loo yidhi baqalku hadduu fardo la daaqo isna faras ayuu isu dhigaa. Ninkii Ra'iisul wasaaraha sheeganayey Baasaboorkii Maraykanka ayuu dadnimadiisii dhaafasaday, oo cabsi ayuu orodka miciin mooday isagoo is leh Jinsiyada Maraykan ayaa lagaa qaadi. Walaweyn iyo warkeedu wax kasoo qaad ma leh madaama aynu ognahay meeqaamka ay Bani Adaamka heerka ay joogaan.

NACUUD BILLAAHI MIN DAWAARIQI LAYL WA DAWAARIQI AN NAHAAR

Ummadda Islaamka ku abtirsataa waxay ka ducaysataa ama iska naartaa duulka aan la arag ee habeen iyo maalinba guureeya. Waxa la yidhi xalaal dharaarbaa la qashaa; waxa kaloo iyana yidhaa haddaan xeelad kale jirin maxaa sacabka habeenkii loo tuma!!
Waxan uga socdaa habeen hore saqdii dhexe ayaa war ummaddii ka fajiciyey madaxtooyada ka soo yeedhay, halkaas oo warbaahintii loo qaybihi hadal Madaxweyne Md. Axmed Maxamed Maxamuud. Shir jaraaid in madaxtooyadu qabato waxay ka mid tahay habka maaul ee dowliga ah. Waxaanse horena loo arag lana maqal kowdii aroornimo ayaa shir jaraaid la qabanayaaye dadkii warbaahinta ka howl geli jiri hurdada ha laga soo toosiyo. Xiligaa waxay Soomaalidu tidhaa waa "Amnul khayf" oo sida qalibka ah Aadamuhu maba soo jeedo, socod daayoo. Carooga xiligaa la afuufay waxa loo qaadan karaa waxyabo badan, oo malaha warbaahinta qaarkeed waxayba u qaateen in AQOONSIGII LAGU DHAWAAQAYO!!

U qaadan waa iyo anfariir ayaa ummaddi ku habsaday marka hadalkii Madaxweynaha laga duubay dhegeysteen. Waaberigiiba wax yar baa ka hadhsanaaya ma inta qoraxdu soo baxayso ayaa la sugi kari waayey. Sowtan xaajo dhooqowday ee madaxeedii minjaha loo rogay! Tanina waa tab iyo xeelad siyaasadeed Somaliland ugub ku ah; bal halka ay ku aroorto iyo meesha ay biyo dhigto ha loo joogo, illayn waatan Axsaabtii mucaaridka gantaalo aan waxba hambayn lagu hoobiyey.


"ISKA DIIDO MOOYE CAQLIGU KULA DA'WEEYAAN DHEH!"

Wuxu yidhi gilgilasho falaadhi kaagama go'do. Arrinta heerkaa maraysaa waxay ka dhalatay mucaawimadii Soomaali koonfureed oo markeeda horeba cidi abaal, wanaag, iyo walaaltinimo kuugu hayn. Dareenku sidiisaba soo jireen ayuu ahaa oo horeba dadka reer Somaliland way ogsoonaayeen in halgankii dibu xoreynta dalka siyaasiyiinta 90% ay ka soo horjeedeen rabitaankii shacbi weynaha, hase ahaatee intii qorigaa qaaday iyo dadweynihii ayey mar walba siyaasiyiintu la'ayd meel ay ka dhaafaan, maantana nina uma suurto gelayso
in mar labaad masiirka ummadda hadiyad loo bixiyo. Kuwii horeba waxaynu u soo joognay siday u hashkadeeyeen. Calankaa Tawxiidku ku xardhanyahay ninka u haqaltaa in uu deji mowd ayaa ka soo horeeya. Waxba yaan qiiq laisku qarin, haloosigu waa cad yahay; hadalada Abwaanku ku tiiqtiisadayna waa loo wada joogi. Weerarkan qaawan ee Axsaabtii Mucaaridka lagula dul kufay sheekadu wey ka qoto dheertahay. Xukuumadda maanta dalka ka talisa waxa looga fadhiyaa war cad oo sugan in ay dhur dharaareed badka soo dhigto. Ninka maanta midnimo Soomaaliyeed u danaaniyaya, isaga iyo dantiisa; ninkay meel u damqanaysaana, toobiyaha naarta loo maro halka uu ka unkama wuu dareensanyahay cagta ha saaro; gacan haadis daaha dabadiisa cid kale ka riixaysana hore ayaa loogu karaamo seegay.


TAN WAX KALE AYAA KA HIGLEHE BAL HALA DHOWRO DHOQA KAN XIGA EE XUKUUMADDA KA SOO YEEDHA MAALMAHA FOODA INAGU SOO HAYA.


'' WA LIYA WADANUN AALEYTA AN LAA ABIICAHU
WA MAA ARAA QEYRI LAHU DAHAR MAALIKA"

 

 

 

 

 

AXMED CALI IBRAHIM SABEYSE
September 30, 2011