|
TALOOYINKA AXMED CAWRO EE XISBIGA KULMIYE
Waxaan jecleystay inaan dib u eego taloyiin aan u gudbiyey Shirweyni
Kulmiye ee 2007. waa xusuus mudnaanteeda leh, iyadoo aynu ku jirno
dhammaadkii muddadii talada dalka leynoo doortay oo dhowaan la geli
doono abaabul doorasho . Waxaan dib u eegey qodobadii aan soo
jeediyey xiligaas oo Kulmiye isu ababulaayey Shirweyne. In badan oo
muhiim ah ayey Alle mahadi ha ka gaadee laga qabtay, waxna wey
dhiman yihiin waana sunaha nolosha oo cidina ma fuliso qorshaheeda
boqolkiiba boqol, waa se inaynu isku deynaa. Waa dardaaran iyo
talooyin dhammeys ah una baahan is xusuusin walow badiba la
taabogaliyey, oo aniga ii ah guul gaar ah. Waxaan isku dayi doonaa
inaan is dul taago talooyin hore leh iyo xiligeeda.
Waxa baahi weyn loo qabaa waa dardar gelinta xubnaha xisbiga iyo
qiimeynta inta xisbinimadu ka dhab tahay.
KULMIYE ALLE KA SAKOW ISAGAA GUUSHA ISU HAYA
AHMED ARWO
September 04, 2007
Saaxadda siyaasadda ee Soomaliland, waxa cad in aqlibiyadda shacbigu
sugayaan hoggaanka dalka oo lagu wareejiyo Kulmiye, haddii aanu
Kulmiye iska daadin.
Maanta xisbigu waa mid qaran oo matalaaya gobal kasta oo
Soomaaaliland ah, waana in laabta lagu hayaa dhismaha qaran loo dhan
yahay, gobal waliba iska dhex arko maamulkiisa, la xoojiy a aawoodaha
gobolada. Kulmiye waa inuu la yimaadaa barnaamaj u qalma hiilka
dadweynaha. Waxaa u bilow ah inay barnaamajka xisbigu ku salaysnaado:
1- Dib u eegidda distoorka, si loo adkeeyo dimuquraadiyadda iyo
hab-maamul-wanaaga, oo ay ugu horreyso kala xadaynta Golaha Fulinta,
Sharci-dejinta iyo Garsoorka.
2- Dhismaha Xukuumad kooban oo tayayeysan.
3- Adkaynta dhismaha ciidanka, darajo, dhaqaale iyo farsamaba.
4-
Kor-u-qaadka aqoonta iyo ka xooreynta shaqaalaha dawladda arrimaha
siyaasadda. Hab-dhaqanaka shaqaalha ( Civil service code) iyo
sharciga shaqo-gelinta qaranka (Public Appointments Law)
5- Xoojinta maamulada gobalada, iyo yareenta forogelinta xukuumadda
dhexe.
6- Xoojinta Wasaaradaha Wax-soosaarka sida Beeraha, xoolaha, iyo
kaluumeysiga, iyo horumarinta wasaaradaha bulsho, sida caafimaadka,
tacliinta, iyo shaqada.
7- Xalinta iyo sharciyenta arrimaha dhulka, beeraha iyo degaanada.
8- Yareenta miisaaniyadda Madaxtooyada.
9- Dhismaha Bankiyo ganacsi oo khaas ah.
10- Barnaamaj khaas ah oo khuseeya Gobalada Bari, uguna horeyso lacag
bedelka.
11-Sharciyenta Idaacado xor ah
12- Dhismaha Kuliyadaha Ciidamada: Boliska iyo Xoogaba( Military).
13-Maalgelinta Xisbiyadda Qaranka
Waa iga tilmaan uun ee waxaan hubaa in intaas iyo dar kaleba shirka
lagu soo qaadi doono. Waxa se loo baahan yahay in dheg loo yeesho
rabitaanka dadweynaha, gobal kastana si siman soo-jeedintooda loo
maqlo, loona qiimeeyo. Waa in xubnaha cusub ee ku soo biiray aad loo
soo dhoweeya, maamulkana lagu kabaa. Waa dhig cusub oo dardartiisa
iyo tabtiisa wata. Isla mark aas waa inaan la iloobin ragga iyo
dumarka u dhabar adeegay dhismaha xisbiga, marwalbana la siiyaa
abaal marin iyo qadarin khaas ah. Haddaan wax qabadka xisbiga leysku
abaal marin, oon mar walba la xusuusan cidda tiirka u taagtay,
weeraha iyo waraabaha ka ilaalisay, cidda mask ax iyo maalba u
hurtay, la heli maayo cid u darbanaata jiritaanka xisbiga, arrintuna
waxay noq onaysaa daneysi, qofba maalinta uu meel kale gacan haadis
ka helo u jarmaado. Waxa xisbiga ku haya xubnihiisa waa ixtiraamka
iyo qadarinta loo hayo xubnaha hadh iyo habeen u darban danta guud.
Yaan leys garab dhigin colka siigadooda la arko kolka tartan jiro,
iyo kuwa aan saa cadna ka nasan dhismaha iyo hawlaha xisbiga. Xubnaha
xisbiga waxa kala qiimeeya oo kala saa ra, waxqabadkooda, kaalinta ay
buuxin karaan, awoodda shacbi ee dabo joogta, ee ma aha dhalashada
qofka amba gobalka uu ka soo jeedo.
Bal aan hoos u degnee, sidee Kulmiye guushiisa u tuuri karaa? Waxa
arrintan xilkeedu saran ya hay xubnaha shirku uga bilaabmaayo 8da
bishan Hargeysa. Iyagaan cidi ku labayn mas'uuliyad eeda horeyn iyo
dambaynba. Waxay noqon karaan dar himmilada dadweynaha rumeeya oo
jee xa dariiqii guusha, amba waxay noqon dar qardo jeexa oo dhabada
loo salaxay ka luma, taariik hdana ka gala bog madow oo ku soo
noqnoqda taariikhda qaranka Soomaaliland.
Dhabada guusha waxa lagu gaadhi karaa wadajir, is-maqal,
is-dhegeysi, wada-shaqayn, is-tixg elin, is-ixtiraam, is-qadarin,
kala-dambayn, abaal- marin, qiimeyn, tilmaan, tusaaleyn, is-dhaliil
waxtar leh (Constructive criticism), tartan aan shakhsiyeysnayn ee
loo tartamaayo sidii guus ha loo dhalin lahaa,( Selfless
Competition).
Dhismaha Golaha Dhexe waa in lagu saleeya waxqabad, karti,
daacadnimo, iyadoo la eegaayo in dhammaan gobalada dalku ka muuqdaan
si mudakar ah. Qiimeynta qofka ayaa ah tan salka u aha guusha
xisbiga. Dadku waxay ka arkayaan xisbiga inta hawsha uloo igmaday
ooy kow ka tahay Golaha Dhexe. Waxa xisbi waliba leeyahay kooxo amba
garabo is bahaysta, waa sunaha dimuquraadiyadda ee ma aha mid
xisbiga wax yeelaysa, haddii koox kastaa ay ixtiraameyso distoorka,
iyo nidaamka aqlabiyadda ( Majority rule). Go'aanka ka soo baxa
shirwedynahu waa inuu noqda mid dhammaan reer Kulmiye qaataan, mid
wax diidan iyo mid dhammaantiiba ku qanacsan, kol haddii inta badani
qaadatay. Go'aanku waa mid loo midaysan yahay, kii soo jeedi yey, iyo
kii diidanaaba. Ninba mar ayuu fikirkiisu hanan karaa aqlabiyadda
xisbiga.Waxayna
sh a rci ahaan dhammaan xubnaha xisbigu ku qasban yihiin go'aanada
aqlabiyadda, oo ah habka keliya ee xisbi dimuquraadi ihi ku jiri
karo.
Xisbi doorasho u soo dhowdahay oo maamulkiisu kala furmaa, kala
dudaa, kala cararaa guul meelna kuma leh. Waxa xisbiyada qadiimka ah
sida kuwan U.K ay ka qaadataa tobaneeye sano iyo siyaade inta ay ka
soo doogaan burbur ku yimaada maamulkooda, maxaad u malayn xisbi
cusub oo bulshadiisu weli beelaysantay, dawladuna awooddeedoo dhan
mid sharci ah iyo mid kaleba saartay burburintiisa. 20taneeye sano
ayey ka qaadatay xisbiga talada haya ee Shaqaalahu (Labour Party)
inuu ka soo kaco kala-jabkii ku dhacay 1978. Waxa sidoo kale
saaxadda ka maqan ilaa 1997 xisbigii mudada badan dalkan ka taliyey
ee Qunyarsocodka ah ( Conservative Party), markii is qabsi dhexdooda
galay, Raiisul Wasaarihii ugu mudada dheeraana Mrs. Thacher iyadoo
xilka haysa xisbigu tukhaantukhiyey. Waa cabasho iyo eed maalin
walba dhex taala xisbiga ood hadwalba canaanteedu hadhayso hogaamiye
kasta oo cusub. Waxay marayaan shan hoggaamiye ilaa maalintaas, kan
maantana, waa Mr. Cameron ee ragbaa u heesaaya oo waxaa maalin kasta
warbaahinta ku jira eedo uga imanaaya isla xubno maamulkiisa ka
tirsan.
Qof kasta oo xilka loo dhiibo, mid dal iyo mid xisbiba, haddaan
mas'uuliinta kale la shaqayn,oo daacadnimo iyo hagrasho la'aan leysu
barbartaagin, laguma farxo guusha uu keeno. Ma aha inta qofka xilka
loo dhiibo, loo durbaan tumo, haddana hawsha keligii lagu daayo. Far
qudhi fool ma dhaqdo, wado-shaqayntu waxay waxay miisaan gaar u
leedahay marka xisbigu yahay muc aarid , oo dal Afrika ah ka jira,
aan helin taageero dawladeed, bal se dawladdu awooddeeda iyo hantida
qaranka kula dagaalayso. Waxa u hiil ah waa tabaruca maskaxeed iyo
tan adduun yo ee xubnahiisa. Itaalka dhaqaale ee dadweynahana weynu
ognahay. Waxa halkan laga dareemi karaa xilka gaarka ah ee saran
inteena qurbojooga ah. Miyeyna ahayn in xilkaa si gaar ah qurbojoogu
u qaato, inaynu seeska u aasno xisbiga, u dhisno hab-maamul oo
taabogal ah, dhinac hawlgelin iyo mid dhaqaaleba.
Ha noqon nin gacmahu u laaban yihiin, oo la taagan dhaliil oon.
Adigu is weydii waajibkaagii ma ka soo baxday. Intee wax aad qaban
lahayd kaa baaqday, yaad canaananaysaa haddaad ahayd Gudiga Fulinta,
haddaad ahyd Golaha Dhexe, haddaad ahyd Guddiga Laamaha. Xisbigu ma
qofbaa leh, ma shaqaale ayuu leeyahay. Haddaad waajibaadkaaga ka soo
baxday ood cid gooni ah u aragto inay hagratay, waa banaantay inaad
keento ood ka dodo. Haddii se qof waliba eedda iska riixo, oo aynu
la mid noqono sida Wasiirada Riyaale, ee laga sheego dhaliisha oo ay
dhammaan ku riixaan dhinaca Madaxtooyada. Taasi waxay keentaa niyad
jab iyo cuqdad aan laga doogsan. Waxa loo baahan yahay dhaliil ku
dhisan run, ka bilaabanta naftaada, wadata toosin, dulqaadna u leh
inay dhegeysato darafka kale.
Aan si fudud oo dul xaadis ah u muujiyo, waxyaabaha guusha maamul
nooc kasta ha noqdee cilmi ahaan la ogaaday inay muhiim yihiin ku
dhaqankoodu, anigoo inta aan dhaqan ahaan iyo dal ahaanba is
leeyahay wey ugu mudan yihiin soo qaatay.
Qofkaad qiimeynayso, wanaagiisa ka horeysii, qaladkiisa.
Qaladka qofka si dadban u sheeg, una caddee in aadmigu qaldamo balse
lagu kala badiyo sida qof waliba qaladkiisa uga faa'ideysto.
Qofka hawshu isku keen xidho, horeysii qaladkaaga intaadan kiisa
sheegin
Amar mutaxan ha bixin, ee dalabkaaga hab su'aalo ah u dhig.
Dhegeysiga badi. Kolka qofkaad la doodaysaa hadlaayo, labada
dhegoodba u fur. Maskaxdaada, maankaaga iyo jidhkaaguba ha dhuuxaan
hadalka qofka kaa soo horjeeda, nuxurka weedhihiisa qiimee, oo
caadifadda iyo cuqdad aad ka qabtay ha ku fiirin.
Ammaanta qof leeyahy ha ku masuugin, tan kooxi leedayna sidoo kale.
U bushaaree waxii fiican, waxii xuna ka tacsiyadee mid shaqo iyo mid
shakhsiba.
Fikradaada gasho dadka, kana dhig mid aan adiga keli kaa soo
bixin.Cidda kula fikradda noqota, ka yeel inay fikirka laftiisa kula
unkeen. Waxayga ku bedel waxayna.
Qofka kale duruufahiisa ogow, iyo siday saamayn ugu leedahay
fikirkiisu
Noqo qof hadal kooban oo dhegeysi badan. Ha boobin hadalka, kuna
bilow ereyo macaan, ladifan oo mudan ixtiraam dhinaca kale ah.
Hadafkaagu ha ahado inaad adiga iyo kan kaa soo horjeedaaba
guulaysataan. Ha noqon nin doonaaya inuu jabiyo walaalkii oo isagu
keli guulaysto. Ogow taasi inay hadafkii weyne wiiqayso.
Sirta nolahu waa samir, is-qancin, dulqaad. Waxa kaba cadaalad aad
adiga iyo walaalkaa u sinaantaan maamulka idinka dhexeeya. Waxa lagu
gaadhaa run sheeg, daacadnimo, iyo wadajir. Waxa fashilka muftaax u
ah danaysinimo, shaki, nafjecleysi, iyo dulqaad la'aan. Waxa
fashilka kaba cadaalad darro iyo sharci aan loo sinayn. Waxa
fashilka badhitaara been iyo jaahilnimo.
Aniga aan ku bedelno inaga iyo danta guud. Aan qiimeyno taariikhda
qofka iyo tamarta uu geliyey xisbiga. Idinkama aqoon badni, ee
taladaa halkaas ila martay. Faylasuufkii weynaa ee Giriiga ahaa,
lana odhan jiray Socrates, ayaa yidhi: " Waxa keliya ee aan aqaan,
waa inaanan waxba aqoonin." Waxaan leeyahy waxaan ogahay inaan aqoon
wax badani iga maqantay.
Dunidu waxay ku socotaa waa aqoon wadareed leysu geeyey, ninna keli
waxba ma aha, qof walibana meel iyo arrin ayuu ku wacan yahay ee
gacmaha is qabsada, is-aamina, Illaahayna talo saarta. Waa idinkoo
shirka ku soo af jaray go,aankii guusha oo loo wado dhan yahay iyo
awoodda oo leysugu geeyo guusha doorashooyinka. Insha Allah waxaan
idinla joogi idinkuu go'aamadiina ku hawl galaaya doorashooyinka
soo-socda.
Waa iga dardaaran ee hooy yaan la il-duufin, yaan tartanka gudahiina
cadow idiin ilowsiin, ha noqonin labadii dibi ee qooqanaa, sida ay
isu dilaayeena, iyagoo dhawac iyo daal carabka u soo tuuray,
waraabuhu ku wishiriiyey raqdoodii, ha yeelanina indhihii duqanka,
samirna ha ka noqonin goon, kibir iyo islaweyni yeyna awood beena
idiin sawirin. Tusa ummadda Soomaliland inaydun isu habayseen
hogaanka qaranaka, inaydun tihiin awood gobal kasta ka muuqata,
soona jiidatay bulsha weynta degmo kasta oo dalkeen ka tirsan. Kiina
camalka fudud soo dabra, kan degdegsan la gucleeya, kan gaabiska ah
jiida, kan hurda toosiya, ka kaftanka badan la qosla, kan cadhada
dhowna kaftanka ka dhowra. Go'a Kulmiye huwda oo dhaxanta iyo
dabaysha ka dugsada.
Bir-tilmaameedka Kulmiye ha noqoto cadaalad bulsho, cadaalad
maaamul, cadaalad waxbarasho, cadaalad ganacsi, cadaalad laan kasta
oo dawladnimo taabata, ha noqdo magaca Kulmiye mid carabka bulshadu
u duceeyo, mid noqda astaanta dhismaha dalka iyo dadka Soomaaliland.
REER KULMIYOW KAMARADA TAARIIKHDAA IDIN DUL SAARAN EE WAA WAXA NIN
WALBA AY KA DUUBAA. U GUNTADA MASIIRKA UMMADDA.
SOOMAALILAANDEEY WAA KAA KULMIYE EE KADABAA DHAHA.
KULMIYE HA GUULAYSTO
SOOMAALILAND HA NOOLAATO
MAHAD ALLE IYO BARIIDO RASUUL,
Ahmed Arwo
https://www.facebook.com/aharwo
samotalis@gmail.com
|
|