TALO QARAN IYO WARKEED-Q2:
Wadaadkii ina Cabdille Xasan ayaa laga hayaa, "In aan
jabayo waxan ku garanayaa Yam Yam iyo Qadaadweyn ayaa la
iiga taag la'yahay.." Maah maah Soomaaliyeed ayaa iyana
odhan jirtey, "Gee loow daaq se waxa laguu yaaba
maalintaad ciin daaqdo
Gunaanadkii qormadii hore ayaa ahaa: HAL YAR IYO XAAJI
SULEYMAAN AL XAKIIM.
Usuusha iyo sunnaha dowladnimo ayaa ina faraya in talada
loo daba fadhiisto hadba ciddii xilka hog gaanminta
ummadda lagu aamino. Sida xasilooni darrada siyaasadeed
u saamayso seyladaha dhaq aalaha, ayaa halbeeg kalsoonida
shacbiguna uga xajiimootaa muhmal iyo wixii madmadow ah.
Haddaan la is makeekiyeyn, masiirka ummaddu wuu ka
culusyahay wax boorso lagu qaado oo hadb a meel aan
geyaankiisa ahayn lala kambadhuudhsado. Jiritaankii iyo
qarannimadii oo marlabaad lag u laalaadiyey god madow,
miyeynu daawannaa oo taladaas ayeynu ka dhursugnaa?;
himiladii umm adda ee naf iyo maalba loo huray ma waxay
isugu biyo shubatay in mar labaad hadiyad loo bixiyo?
Jawaabtu waa maya.
Digdigtii iyo durduradii ma hadday hirdidey derbigii
juuj iyo ma'juuj la iskaga deyrey? Ictiraafbaan ka
raadinayaa Soomaali koonfureed waxay la mid tahay hadal
Xayle Salaase beri yidhi oo ahaa, "M a la arki dameero
geeso leh!"
Labada inan ee madaxada looga dhigay Soomaali koonfureed
waa kuwa gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samatar saamaxaad
uga dalbaday dowladda Mareykan; waa kuwa ka dalbaday
Qaramada Mid oobay in iiridaha loo laabo dhammaan
xafiisyadii ay ku lahaayeen Somaliland loona raro
Muqduksho sida weftigii ha'addaas ka socday ku
wargeliyeen Md. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorsheynta
Qaran ka ee Somaliland. Labada nin ee ku hanjebeya
xoogbaanu Somaliland ku muquunin wadahadal ma inaga
dhexeyn karaa? Seddex maga Ilaahay hadday u suurto
geleyso neecowda Bani aadaamku ku noolayahay wey innaga
xidhi lahaayeen. Gacan ku dhiiglihi galaaftay 70,000 oo
qof kuw u doodaya wanaaga iyo walaaltinimada inaga
dhaxaysa bal magac u bixiya? Kuwa noocaas ah kuwa
hortegey a ee la shirayaa ayaa ka liita.
Dhinac barotakoolada diploomaasiyadda haddaynu ka eegno
labadan maqaarsaar cod iyo kalsooni ummadeed midna kuma
joogaan oo waxa meesha keenay iyo sifaha ay ku
yimaadeenba weynu ogs oonahay.Qaranimada Soomaali
koonfureed waxa waardi ka ah ciidamo shisheeye oo hadday
maan ta Muqdisho ka baxaan, saacad sii jiri meyso magac u
yaalka hadda halkaa ka jira. Maadaama ay d owlado
shisheeye gacanta ugu hayaan sugitaanka ammaanka
dalkooda, haba yaraate ma sheegan karaan qarannimo.
Taa dhigeeda Md. Axmed Maxamed Maxamuud boqlaal kun oo
shacbiga Somaliland ihi codkoodii iyo kalsoonidoodii ugu
hibeeyeen si waafaqsan qaabka adduunku ku dhaqmo isaga
oo doorasho ayuu ku yimid. Waxa karaamo jab iyo
bahdilaad qaran ah in madaxweyne la soo doortay
horfadhiisto da d aan dhigiisaba ahayn oo dowladnimada ay
sheeganayaanba tahay gacan-ku-rimis. Xukuumadda
Somaliland weli toos uaga may jawaabin sharcidda Xasan
Maxamuud iyo Cabdi Faarax u xalaalayse y sheegashada iyo
lahaanshaha Somaliland.
Xasuuqii ummaddan loo geystey haddaanay xukuumadda
Somaliland ka damqanayn, intii hore ugu dhiidhiday iyo
intii dhiigooda u hortay kuwy dhaleen ayaa maanta diyaar
u ah in ay difaacaan qara nnimadood, madaxbannaanidooda,
karaamadooda iyo jiritaankooda ummad ahaaneed.
Bisha March 15, 2013 markuu weftigii madaweynuhu
hoggaaminayay ka soo laabtay socdaal uu ku tegey dalka
Turkiga, warbixin kooban uu u jeediyey warbaahinta wuxu
ka dhawaajiyey in aan Som aliland qeyb ka noqondoonin
shirka Soomaaliya ee magaalada London ku qabsoomidoona
Bisha may 7, 2013. Hadalkii madaxweynaha ee ku saabsanaa
qaadacaadda shirka London laguma sheegin war kii TVGa
qaranka iyo HCTV ee sideedii habeenimo iyo xiliyadii ka
dambeeyeyba; sidoo kale Idaacada afka xukuumadda ku
hadasha ee Radi Hargeisa iyana warkaas may faafin.
Maxaa loo qarinayaa go'aanka Madaxweynuhu ka gaadhay
shirka London? Jawaabta waxaynu ka sugidoonaa Md. Dhuxul,
Md. Cukuse, iyo Md. Abiib Timacade iyo xertii isku
bahaysatay Idaacadii la odhanjirey RADIO HOORAAYE.
Sheekadani ma iibsamayso 'e inna talo kale xukuumadda
Somaliland ma ku hadhay? Sheekadu halkay iska dabooli
la'dahay?
Sida ay sheegeen ilo wareedyo diploomaasiyadeed oo reer
galbeed ihi, codsiga wada hadalada Soo maaliya wuxu ka
yimid xukuumadda Somaliland habkii loo mareyna weynu
ogsoonayn waxana kuu xaqiijinaya niyo jabka ku dhacay
saaxiibadii qadiyadda Somaliland u lolayn jirey oo toos
kuu odhana ya miyaan shicibka iyo xukuumadda Somaliland
iskaba war hayn! Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed
Maxamuud ummadda ma waxay u haysataa xoolo xero ugu
oodan? Miyaanay dhuganba dunida waxa ka socda iyo guga
wadamadii Carbeed curtay iyo qowsaaradii ay ka mid
ahaayeen Sa yn-ul Caabidiin Bin Cali, qooqaagii Liibiya
Kornayl Mucamar Al- Qaddaafi, dabadii lama baanihii
Xo sni Mubaarig, iyo Cali Cabdala Saaax oo Yaman mudo
seddex iyo sodon sannadood ah ku amar-ku-taag laynayey.
Imisaa nin loo maaro waayey Meydaan-ul Taxriir malgay?
Dalalka Carbeed dhammaantood halka ay qadiyaddeena ka
taaganyihiin innagoo ogsoon maxaa xu kuumadda Somaliland
ku kalifey in dowlado Carbeed ina dhexdhexaadiyaan?
Weftiga madaxweynuh u hoggaaminayo ee hadda dalka
Isutagga Imaaraadka Carabta miyey innaga qarsoontahay in
toos loogu sheegayo in la damacsanyahay in dib loo
yagleelo midnimo Somaliland?
Ragga meesha tooraynayaa ma yihiin kuwo jawaab dadka
reer Somaliland qancisa madasha ma ka dhiiban kara?
Hadda waxa soo shaacbaxaya in ay dalalka Carbeed lasoo
mutuxanyihiin midnimo So omaaliyeed oo si taa loo helo
lacag magdhow ah ay iyagu ka bixiyaan xasuuqii
Somaliland ka dhaca y! Marka arrinta la maqalo ma laga
yabaa in weftiguba gebi ahaantii kooma galaan?
Inta midnimo Soomaaliyeed u xusul duubayaan maxay iyagu
hal dal ugu midoobiwaayeen? Xiisaha iyo jacaylka Carabi
soomaali u haysaa muxuu yahay? Markii la halaagayey sow
kuwii daawanayey? Damac iyo hun guri dhaqaale iyo Geeska
Afrika oo ilaa Moosaambik lagu sheegay balliyo saliid ah
oo bad iyo berriba hoos jiifa ayey Carab iyo cid waliba
u hanqaltaagaysaa; oo waa bililiqo iyo boob sharciyeysan.
Geddaan dhabatkan muuqdaa waa raadgadasho iyo
marmarsiiyo loogu gogol xaadhayo ka qeybga lka shirka
London oo macnehedu yahay Somaliland oo dal iyo dadba la
waayo. Waxaynu sugnaaba waa xukumaddeenii oo
go'aankeedii hore ka noqotay e' bal an dhowrno waxa ka
soo yeedha.
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
March 26, 2013 |
|