TALO QARAN IYO WARKEED

Marka hore salaan guud inta u heegan jiritaanka iyo madaxbannaanida
qaranka Somaliland. Jahawareerkan siyaasadeed waa mudo kooban waxana
hubaal ah in aynu ka gudbidoono, sidayn u kuwo horeba uga soo samato
baxanay. Tawxiidka calankeena ku xardhanna cid dejin kartaa ma jirto.
Inta dadnimadii, dhaqankii, damiirkii aadamaha, diintii, karaamadii,
iyo sharaftiiba ka xuubsii batey, inta dhuunta ka onkoday ee hunguri
iyo wax kale la doog dhabatay, waa daayeero khaso obay iyo doofaaro
ku deebsamaya jaranjarta naarto u hooseysa. Halka ay taaganyihiin
waa halk ii Nebi Nuux Ilaahay ugu sheegay in wiilkiisii qarraqmay in
aanu EHELKIISA AHAYN , markuu diid ay in uu doonidii lagu badbaaday
raaco. Iyaga iyo kuwa ay u dewero tageenba waxay ay nusqaan ku
yihiin abuurta aadamaha.
GOORMAY TALO HABOONTAHAY?
Intaan saymo lagu dhicin ayey haboontahay in laga baaraandego hadba
halka masiirka ummadda loo rarayo. Marnaba ummaddu liqimayso in
arrin hore loo go'aansaday hadana lagu beer laxaws ado talo QARAN ha
laga yeesho. Sida ka muuqata hadalada iska hore iyo dabo imanaya ee
warba ahinta xukuumaddu ku soo afuuftay, waxa cad in ay dowladeenu u
diyaargaroobayso ka qayb ga lka Shirka London Soomaaliya loogu qabanao
Bisha May, 2013. Talo qarankani ku guuro xukuuma dda Kulmiye ma
raadinayso ee ujeedadu waa ku faataxeeya shirka annu ka qebgalnee.
Madaama ay dowladu soo magacowday haldoorkii talo ku sheektan ka
arrimin lahayd. Inta Xisbiga Kulmiye u suntani masiirka ummadda
laguma hallayn karo oo waa Guulwadayaal durbaano sita waxbana
qaarkood kama duwana kuwa koonfur u daaduumay ee dulinimada qaayibay.
Talada maanta la r aadgoobayo maxa loogu dhaqmiwaayey intaan
haadaanta laga shalwan? Sheekadu waa afgobaa dsi iyo raadgadasho. Waa
ciiro isku qaris iyo maaweelo dharaareed. Dhadhan, dux iyo iidaan
mid na ma laha 'e waxa xukuumadda la gudboon in ay faraha kal baxdo
iskana ilowdo goobaha loogu qaraamaadayo Soomaaliyada haligantay,
waxqabadkeedana ku ekeysiisyo danta Somaliland. Markay cayn iyo beyd
go'do talo lama raadsho.
TALOOY TUMAAD AHAYD?
Sideedaba tala addun waa mar aad garab marto iyo mar aad garanweydo.
Haddaan marka hore si taxadir iyo feejignaani ku dheehantahay loo
maarayn hawl qaran, gedgedoonka siyaasaddu w uxu ku dhaxalsiiyaa in
hadba derbi lala jiidho ka dibna la isweydiiyo halkan salaadu ka
xidhmi la'da hay.
Hoggaanka talada dalka maanta haya lagama filayn laylinimo
siyaasadeed iyo buubaal midnaba. Saadaashu waxay u badnayd ruug
caddaanimo ay weheliso waayo aragnimo iyo bisayl siyaasade ed. Waar
geeshu ma maansaar bay liqday maankaygii doorisey? Yoolkii aynu
higsanayney toobiy ahan qalloocan yaa u leexshay?
Sidaa hadday xaqiiqadu ahayd, ma taladii iyo guddoonkii Shirkii
Burco ee 1991 ayaa madhalays iy o biyo kama dhibcaan ahaa? Maanta in
lala shiryimaado qadiyaddii iyo masiirkii ummadda ayaa ta lo laga
yeelanayaa waa arrin duraysa caqliga banii Aadamka. Runtu waa yaan
la is makeekiyin, m aaweelo iyo mededaalo riwaaddan "Alfu laylah wa
layl" bilowgeeda iyo dhammaadkeedba umma dda war ugu dhimani ma jiro.
UGU HOREYN MAXAA LAGA TASHANAYAA:
Marka kastaba waa lagama maarmaan in ummad jirtaa talo wadaag
yeelato oo hadba wixii la soo dersa iyo kuwa ku soo fooleba ay ka
arrinsato. Isgaadhsiintii caalamku maanta waxay maraysaa in
ilbidhiqsi lagu xisaabtamo oo haddaad ka gaashaamanweydo ridooyinka
siyaasadeeda xaalkaa gu waa fal celis iyo ciyi waa ka beryey.
Halkeeda inaga oo ugu tegeyna tan maanta ina hortaal ee lagu baaqay
talo qaran ha laga yeesh o, waxay ka soo bilaabmaysaa martiqaad
Bishii June, 2009 bloo fidiyey dowladdii ku meel Gaadhk a ahayd ee uu
gadh wadeenka ka ahaa wadaad Sharif Sheikh Axmed iyo wax lagu
magacaabay Maamul Goboleedyada Soomaaliya. Martiqaadka waxa fideyey
Guddii Hoosaadka Arrimaha Debe da iyo Afrika ee Golaha Wakiilada ee
dalka Mareykanka, waxana Guddoomiye guddida ka aha mud ane gobolka
New Jersey (1989-2012) laga soo dooran jiray oo la odhan jirey
Donald Payne oo haligmay Bishii March 6, 2012.
Ninkaasi markay Somaliland ganafka ku dhufatay hindisihii shirka,
ayuu ku tiiraabay , "Somaliland waa go'doomindoona; iyaga oo jilbaha
ku socda ayaan Soomaaliya la midayndoona.. ereyo nooc aas ah ayaa
mudanahaa ka soo yeedhay. Sidaas iyadoo ah ayaa Bishii December,
2009 Md. madaxweyne Axmed Muxamed Maxamuud booqasho ugu tegay Md.
Donald Payne. Weli la isma weydiin sababta madaxweyneheena maanta
talada haya ku kaliftay ninka sidaa u hadlayey in uu horfadhiisto.
Arrintu maxay daaranayd? Maalinta qadiyadda Somaliland halkay
maraysey iyo hal ka ay maanta taagantahay bal isbarbar dhiga!
Siyaasadii kontinarka ku jirtay iyo halka aynu maa nta taagnahay bal
u fiirsada. Xukuumadani intay jid qalloocan halabsatay ayey maanta
ku muusanaabaysaa TALO QARAN ha la isugu yimaado.
HAL YAR IYO XAAJI SULEYMAAN AL XAKIIM
Horjoogaha Gola Odayaasha Md. Saleebaan Maxamuud Adam oo muddo laba
sannadood iyo saga al bilood ah sanqadh laga maqal ayaa todobaadkan
dhowr hadal ka soo yeedheen. Ugu horeyn ma xuma in talada madaxda
loo daba fadhiisto ee madaxdana xaq ma loogu leeyayey in ay wixii
loo igmaday iyana daacadnimo ku meel mariyaan.
Saleebaanow waa waajib diini ah in aad walaalkaa u hiiliso hadii uu
gardaranyahay iyo haddii isa ga lagu xadgubaba. Waxa se diinta ka
reeban in casabiyad indho la' oo GAR-ADAGAYSAN la isla soo mutuxo.
Weli kelmed kamaad odhan foolxumadii xukuumaddu ku kacday xiligii
doorashadii de eganada. Sanaadiiq cabbayn, deegaamaysi iyo kula lihi
iyo fadeexadihii soo ifbaxay.
Odayaal is xilqaamay oo Gobolka Saaxil ah ayaa talo kuugu yimid
markii ay damacday xukuumad du in maroorsato Guddoomiyhii iyo ku
xigeenkii Berbera. Odayaashii waxaa ugu jawaabtay: "MAXAA LABADIINAN
QOLO ISKIIN RAACSHAY; MIYAYDAAN OGAYN IN DHULKA SAAXIL 65% REER
GAR-ADAG LEEYIHIIN!!" Duqeydii iyaga oo yaaban ayey xafiiskii ka
darereen. Wa dhaco xaqiiqo ah oon been abuur ahayn
markhaatiyadeediina wey nool yihiin.
Oday Saleebaan waxa taariikhda u galay xiliguu mucaaridka tiiraab
ah: "Siyaad Barre dal iyo dad ayaa laga dhaxlay, muxuu ina Cigaal ka
tegeyaa? Geeridii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal Saleeba anoow sow ma
tihid ninkii Burco yidhi aaska yaan laga qeyb gelin. Suaasha maanta
ku hortaal ay aa ah adiga Somaliland maxay kaa dhaxlaysaa?
Goormaad ka hadleysaa qaadista cunaqabateyntii hubka? Adiga iyo
xukuumadda aad ka tirsanta hay xagee jirteen inta laga doodayey
arrinta? Ma haddaynu soo toosnay oo waagu inoo beryey?
Dabka seylac baan deyminayaa waxa ka horeysa ka Kalshaale ka
holcaya. Aleylehe Golihii Guurti da sharaftiisii dhulka ayaad jiiday
kol haddaad shilimaad la hor fadhiisatay oo kii hindhisaba lagu
ursii.
Talada la idiin daba fadhiisanayo magaceed? Dalkii dhammaa in
marlabaad hadiyad loo bixiyo oo waxooga kharasha dowladda Qadar
bixiso la dhaafsado dadkii dalka lahaa idinku daawanmaaya an xilka
waa la idinka xayuubin haddaad dhaqanka wax ka bedeliweydaan.
Weli ma dhow; in badan oo kale ayaa inoo hadhay.
Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse |
|