Taliyihii
Hore Ee Ciidamada Qaranka Somaliland Jidhif, Xildhi baano Iyo
Madax-Dhaqameed Ka Soo Horjeedsaday Guddida Madaxwayne Axmed
Siilaanyo U Saaray Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya.
Masuuliyiintan ayaa sheegay in wada hadalada Somaliland iyo
Soomaliya tahay arin qaran oo miis aan culus leh......................
Hargeys (TNN)-Taliyihii hore ee ciidamada qaranka Somaliland Maxamed
Xasan Cabdilaahi (Jidhif), xildhibaano iyo Madax-dhaqameed ka soo
jeeda beelaha Gabooye ayaa ka soo horjeedsaday gud dida Madaxwayne
Axmed Siilaanyo u saaray wada hadalada Soomaliya.
Masuuliyiintan ayaa sheegay in wada hadalada Somaliland iyo
Soomaliya tahay arin qaran oo miisa an culus leh, balse Madaxwayne
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qiimaha wada hadalkaasi miisan
tiray kuna deg-degay arinkaasi oo loo baahnaa in shacabka laga
tallo-galiyo.
Taliyihii hore ee ciidamada Qaranka Somaliland Maxamed Xasan
Cabdilaahi (Jidhif) oo ugu horeyn arintaasi ka hadlayaa waxa uu
yidhi “Arinkaasi arin aad u khaldan oo aan miisaankiisii aan lahayn
oo dadka reer Somaliland aanay raali ka ahayn ayaan u arkaa.”
Taliye Jidhif waxa kale oo uu soo qaaday “Arintan waa arin qaran oo
mid dawladeed maaha, mida kale muhiimadu waxay ahayd in lala hadlo
dawlad la soo doortay oo umadda Soomaliya soo doorat ay oo lagu
kalsoon yahay,
laakiin raga maanta Soomaliya jooga oo meel ay joogaan (Xukumaan)
aanay jirin, markaa in Soma liland oo jiritaankeeda shacabku ugu
codeeyay 97% in arin fudud laga dhigo oo afar qof loo diro aniga
waxay ila tahay arin aad hoos loogu dhiga”ayuu yidhi waxaanu intaas
ku daray ku daray isaga oo u waramayey Wariye Xamse Cali Bulul oo ka
tirsan telefiishanka madaxa-banaan ee HCTV “Waxaanan ku talin lahaa
in arintaasi qaranka loo soo bandhigo oo arin ay ka tashadeen
Gadabuu rsi, Ciise, Harti iyo Isaaq oo laga tallo-galiyey Wakiilada
iyo Guurtida meesha lala taggo”
Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, Suldaan Daakir Xasan Khaliif
iyo Madax-dhaqameed kale oo ka soo jeeda beesha Gabooye oo maanta
warbaahinta la hadlay ayaa iyaguna naqdiyey magacaa bida guddida
wada hadalada Soomaliya.
Arrintan ku dhawaaqista gudidda ka qaybgalaysa shirka wada hadaladda
soomaaliland iyo somalia ugu furmaya (TURKIGA) ayaa ka qayb galkeedu
ku noqotay dadweynaha reer Somaliland laf dhuun gashay oo ka digi
weyday.
Bulshada qaybaheeda kala duwan sida Salaadiinta Aqoonyahanada
waxgaradka ayaa sida fiinta uga qaylyay arrintan magacaabista
ah,intaa ka bacdi mar uu warbaahinta qaybo ka mida uu laha dlayay
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sheegay in gudidda loo
magacaabay ee wasiirad da ah qaarkood aanay jirin waqtigii ay labada
maamul ee Somalia iyo Somaliland Midoobeen aanay dhalanin ama
jirinba.
C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|