Taliyihii hore ee ciidamada Qarnka Somaliland, Jene ral. Maxamed Xasan Cabdillahi (Jidhif) ,oo ka hadlay hawl galkii Ciidamada Qaranka ee Saax-dheer

 


Hargeysa (TNN): – Taliyihii hore ee ciidamada Milatariga Somaliland, Jen. Maxamed Xa san C/llaahi (Jidhif), ayaa sheegay in ciidanka Militarigu xaq u leeyihiin inay sugaan xadka Somaliland, isla markaana beesha caalamka ku dhaliilay inay indhaha iska tira yaan.

Taliyihii hore ee Ciidanka Militariga Somaliland oo maanta la hadlayey warbaahinta ay aa sheegay in xeerka Caalamka iyo ka Somalilandba sheegayo in la difaaco xuduudd a, isla markaana waajib ku tahay madaxweynuhu inuu talaabo qaaddo “Marka aan D aliishado, Siyaasadda, Diblomaasiyadda iyo Distoorka Somaliland, haddii lagu soo duul ay Qaranimadii Somaliland Madaxweynuhu wuxuu Xaq Distoori ah u leeyahay Inuu D ifaaco Qaranimada, waayo waa taliyaha guud ciidamada qaranka Somaliland, Saaxdh eer ha noqoto, Buuhoodle ha noqoto, Laascaanood ha noqoto, Hargeysa ha noqto, Gabiley ha noqoto, waa qaranimadii Somaliland (territorial integrity) haddii xadka la gu soo duulo difaac baa loo baahan yahay”ayuu yidhi Taliyihii hore ciidanka Milatarig a Somaliland Jidhif.

Waxaanu intaas ku daray “Sidaad la socotaan Soomaalida waxa qaybsaday saddex wadan oo reer Yurub ah, Djibouti oo Faransiisku qabsaday, Somaliland oo Ingiriisku qabsaday iyo Somalia oo Talyaaniga guumaystay ,taasi waxay u muuqataan in Soma lia aanay ogolayn xadka ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala dhigteen, waxaan u arkaa talaabada Somaliland qaaday mid xaq ah oo difaacaysa qaranimada”.


Jen. Maxamed Xasan Jidhif oo ka hadlayey baaqa ka soo yeedhay Beesha Caalamka waxa uu yidhi “Runtii waxay iila muuqataa dhaliil xageena ah, dadkan aynu shaqooyi nka wada leenahay ilayn Jamhuuriyad baynu nahaye oo waxa aynu ku doodaynaa 26-kii June 1960-kii ayaanu xornimadii qaadanay Ingiriiska ayaanu ka qaadanay, Ing ir iisku Talyaaniga xadbuu la samaystay xadkii anagu maanu dhaafin, Jamhuuriyada Djibouti xadka aanu la leenahay wax dhibaato ahi nagama haystaan, Ethiopia xadka aanu la leenahayna wax dhibato nagama haystaan. Markaa Beesha Caalamka ma aqoondaraa haysata mise iyagaa iska indha-tiraya xaqiiqada Somaliland ka jirta.”