Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Warbixiyay Mudaharaadkii Isniintii Ka dhacay Burco

 



 

Hargeysa (TNN):-Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Ii maan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mudaharaadkii maalintii Isniintii ka dhacay Maga alada Burco oo sababay dhimasho hal qofa iyo dhaawac dhowr qofa, isaga oo xusay bede lka uu ku sameeyey Taliyaha qeybta booliska Burco Axmed Cabdiraxmaan (Ilkasace) inuu yahay sunaha dawladnimo, isla markaana waxa uu ugu baaqay shacabka weynaha reer Burco inay nabadgelyadda ilaaliyaan.

Taliye Fadal waxa kale oo uu beeniyey inuu xilkii ka qaaday Taliyaha qeybta Booliska Burco Axmed Cabdiraxmaan (Ilkacase), balse uu u bedelay qeybta Selel.
Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu sidaa ku sheegay mar uu caawa u waramayey Weriye Mu stafe-Jannaale oo khadka telefoonka kula xidhiidhay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuro Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlayey khamri tirro baddan iyo dadkii watay oo ay ciidaanka boolisku qabteen, waxa uu yidhi “Waxaanu qabanay Khamri dhan 930-Litir (Sagaal boqol iyo sodon litir), waana saddex iyo sodon jirikaan oo min sodon litira oo uu mid daatay,waxaanan ku qabanay laba eedeysane iyo gaadhi Sukusukiya, khamri-gaas oo ah waxyaabaha had iyo jeer nabadgelyada khal-khalgeliya oo bileysku beryahaaba ku hawlanaayeen waxa lagu guuleystay in maanta la qabto, waxaana la horgeyn doona sharciga”.
Mar la weydiiyey Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan sida uu u arko mudaharaadkii ka dhacay Burco ee sababay dhimashada iyo dhaawaca? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay mudaharaadkii shalay(Isniinta)ka dhacay Magaalada Burco, kuwii ku dhaawacmayna haday ciidaan yihiin iyo haday shacab yihiin-ba waxaan leeyahay ILAAHAY ha caafiyo, dadka reer Burco waxaan u soo jeedinayaa inay nabadgelyadda ilaaliyaan, Taliyaha qeybta Booliska Burco Axmed Cabdiraxmaan (Ilkacase) in la bedelo waa sunaha dawladnimo oo wax ayaa la isku bedelaa,Taliyaha qeybta Burco waan ka bedelay oo qeyb kale ayaan geeyey, nidaamka ciidamaduna wuu ka duwan yahay nidaamka kale”.

Sidoo kale, Mar wax laga weydiiyey Taliye Fadal xadhigii lagu soo xidhay waxa maalintii shalay (Isniinta) Guddomiyaha Ururka qareenada Somaliland ee SOLLA “Waxa lagu soo xidhay Guddoomiyaha Ururka qareenada Somaliland ee SOLLA Foosi Sheekh Yoonis waaran ay u soo jartay maxkamadda sare ee Ciidamadu, maantana waanu sii deynay”.
Ugu danbeyntii mar uu la hadlayey shacabka weynaha reer Somaliland waxa uu yidhi “Shacabka reer Somaliland waxaan u sheegayaa inay guud ahaan nabadgelyada ilaaliyaan, oo ay ciidaanka booliska gacmo furan ku soo dhaweeyaan oo ay la shaqeeyaan”.

Mudaharaadkii maalintii shalay (Isniin) ka dhacay Magaalada Burco ee sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca tiradda baddan ayaa ka danbeeyey, kadib markii Taliyaha qeybta booliska Burco Axmed Ilkacase loo bedelay qeybta Salal, taasina ay keentay inay shacabka reer Burco u mudaharaadaan oo ay rabshado dhacaan.

Waxa isla maarkii shalay Mgaaalada Burco tagay Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland si ay xal ugu helaan rabashadaha ka dhacay Burco, kuwaas oo ka koobna afar Wasiir oo kala ah Wasiirada Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali,Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre, Beeraha Faarax Cilmi Geedoolle iyo Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shirre.



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland