TACSI MADAXWEYNE

 

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, is agoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iy o shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Umal Mire oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/11/2016.

Marxuumku waxa uu door muhiima ku lahaa dhismaha dalka iyo nabad kuwada no  olanshaha beelaha Somaliland ku dhaqan oo uu marxuumku ahaa dadkii ka shaqee yey sidii qarankani u noqon lahaa mid la jaanqaada dunida kana dheeraada wixii waxyeelo u ah shacbiga iyo guud ahaan mandaqada. Madaxweynuhu waxa uu mar xuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waa yeelka, aqoon yahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Soma liland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL