TACSI MADAXWEYNE

 

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dha mbaal tacsi ah u diray qoysaskii iyo shabiga JSL oo uu ka tacsiyadeeyay geerida dhal inyarro reer Somaliland ah oo ku gubtay guri ku yaalla Sucuudiga oo sababay dhimas hada 5 qof, halka ay ku ku dhaawacmeen afar kale.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka madax tooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul,kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya madaxweynuhu shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Sucuudi Arabiya gaar ahaan qaybta la yidhaahdo Tugba oo uu Guri ku gubtay dhalinyaro reer Somaliland ah, kuna geeriyoodeen 5 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale 21/11/2014 laguna aasay jimcihii sucuudi carabiya.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumiintaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan ka siiyo.

Inta Dhaawaca ahna waxa uu madaxweynuhu Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”