Tacsi ku socota Somaliland

 

Aniga oo ah Adam Yusuf caalin iyo Xaaskayga canab Amin Ali
iyo caruurtayada , Mustafe Adan , Liban Adan , Mohamed Adan , Fosiya Adan , Omar Adam , Filsan Adam ,Ali Adan , Ahmed Adan ,
waxan halkan ka tacsiyadeeynaynaa ehelkii iyo qaraabadii iyo dhamaan umada Reer Somaliland intii ku dhimatay falkii arxandarada ahaa ee saaka lagu qaaday sadexdii gobood ee Hargeysa , waxaanan leenahay intii dhimantay ilaahay haw naxariisto janadii fardowsana ka waraabiyo inta dhaawacaan ilaahay ha shaafiyo .

waxaanu u argnaa falkan dhacay fal ka baxsan bini aadanimada islaamnimada iyo dadnimada . Dadkii waxaas sameeyay uma argno in ay yihiin dad ee waxaan odhan lahayn waa bahalo , waxaan kale oo leenahay inta soo abaabushay iyo inta ku
dhimatayba ee dadka dhibaatada u geysatay in ilaahay ka baryaynaa in uu naarta ku fogeeyo sababtu waxa weeye waxay dileen dad islaama oo aan waxba galabsan .

Arinkan ay argagixisada ah oo ay soo maleegeen qaar maan gaabyaal ah oo aan dadnimada iyo Islaamnidaba wax badan ka aqoon oo waxaanay doonaayeen in ay dalka iyo dadkaba
baabiyaan , laakiin waxaan u sheegaynaa in aanay Somaliland intaas waxba kunoqonayn cadawgeedana dibad iyo gudaba in aanu la dagaalami doono shacab iyo dawladba.Waxa weeye dareenkaygu mid aan Murugada dadweynaha Somalialnd oo dhan la qabno gudo iyo debedba waxaan leeyahay Somaliland cadaw geeda way ka guulaysan doontaa insha alaha.



wa bilaahi towfiiq

 

 


BY: Adam Yusuf Caalin