TACSI KA TIMID MUSTASHAR AXMED XASAN CARWO GEERIDA CABDIRISAAQ JAAMAC CUMAR.. INA CIYAALE

 



Waxaan Tacsi u dirayaa ehelkii,tafiirtii,iyo asxaabtii Marxuun Cabdirisaaq Jaamac Cumar “Ina Ciyaale, oo shalay 30 November 2017, lagu aasay magaalada Hargeysa. Cabdirisaaq waxuu ahaa nin bulshaawi ah oo dad wadeen ah. Nin kaftan badan, oo laab furan. Waxuu ku suntanaa dhismaha dimuquraadiyadda dalka heer kasta ooy soo martay, min xiligii nabadeenta iyo aasaaskii qaranka Somaliland, iyo xiligii dhismaha xisbiyada. Waxuu ahaa Guddoomiyaha Komishanka Ilaalinta Xisbiyada iyo Ururada.

Alle ha u naxariistee, waxaa inaga baxay haldoor aan wax badan wadaagnay. Alle ha u naxariisto Cabdirisaaq qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannatul fardaws. Ehel iyo asxaabna Alle ha waafajiyo samir iyo duco..

Mustashar Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/