TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

 



TACSI: GEERIDA MARXUUMAD Habaryaro Sahra Gaaxnuug Cabdilaahi

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Ganacsig a, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta ay Habaryartay Sahra Gaaxnuug Cabdilaahi ka tagtay meel kasta oo ay joogaanba, si gaar ah ubadkeeda iyo tafiirt ooda oo uu hormoodka u yahay Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Reer Gaaxnuug Cabdilaahi.



Alle ha u naxariistee Marxuumad Habaryaro Sahri, waxay ku geeriyootay magaalada Hargeys a, Jimce 24/02/2012 iyadoo muddo xanuunsanayd.

 


Habaryaro Sahra oo ahayd ruux cibaado badan,naxariis badan, oo dad jecel, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, reer Maxamed Askar iyo Reer Gaaxnuug Cabdilaahi, iyo dhammaan ehel iyo asxaaba,inuu waafajiyo samir iyo duco. Amiin
 

 

 


Ahmed Hassan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Dhaqaalaha

samotalis@gmail.com