TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA


 

 


TACSI GEERIDA MUJAAHID AADAN CABDI ABYAN (AADAN CADE)


Waxaan tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo aan ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid MUJAAHID AADAN CABDI ABYAN (AADAN CADE) oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee SNM, MARXUUMKA oo ku geeriyooday Cariga ingiriiska.


Marxuum Aadan Cadde waxuu ahaa oday muddo dheer ku soo jiray hawlo qaran, isagoo ila a xiligii gumeysiga ummadda u soo shaqaynaayey xilal badan ka qabtay ciidamada qaranka, kuna dambeeyey halgankii SNM ee lagu dhisay qaranka Soomaliland, iyo marxaladihii dib-u-dhiska maamulka iyo dalkaba guud ahaan.


Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Sa mir iyo Imaan ka siiyo.


Ayaamo kheyr ayuu dhintay oo astaan u ah muminiinta suuban, ee dhammaan aynu u ducayno.
 

 

 



Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha.

http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127

samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/