TACSI KA TIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA
 



MARXUUM XAAJI CABDILAAHI IBRAAHIN
(XAAJI DOOL)


Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan dhambaal t acsi ah u dirayaa ehelka, tafiirta, qaraabada, xigto iyo xigaal, culumada, shacbiweynaha Soma liland Geerida Naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Guddida Wanaag farista iyo Xumaan-ka reebida MARXUUM XAAJI CABDILAAHI IBRAAHIN (XAAJI DOOL) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 18/01/2012.

 
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Culimada waa weyn ee Dalka, bulshada dhexdeedana xurmo iyo tixgelin badan ku lahaa. Isagoo horeyna ahaa ganacsade caan ah iyo oday dhaqan min Muqdisho ilaa Hargeysa.

Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Culimada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somalilandna uu waafajiyo Samir iyo Imaan

 



Axmed Xasan Carwo

La-taliayaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

eci.advisor@ymail.com