TACSI GUDDOOMIYE

 



Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Gu ddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaan ba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabad a, ehelada, ciidammada kala duwan ee Qaranka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum General Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo ku geeriyoo day cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa galabta oo taariikhdu tahay 06/01/2017, kadib xannuun ku soo booday.

Marxuum General Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo hore u ahaa Abaanduulihii Ciidanka Qara nka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa saraakiisha muddada dheer ku soo jiray ciidammada ee aqoonta badan iyo waayo-aragnimada lahaa, waxaannu door wayn ku lahaa hub-ka-dhigistii iyo nabadayntii beelaha Somaliland, sidoo kalena, waxa uu ku jiray saraakiishii budhiga u ahaa dhismihii iyo horumarinta ciidanka Millatariga Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ciidammada iyo shacabkaba uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.

 Aamiin….Aamiin….Aamiin.



Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE