TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda
Somaliland ee KUL MIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md.
Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha
Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud
ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiira anyo leh
u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida
ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Umal Mire oo ku
geeriyootay magaala da Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay
05/11/2016.
Marxuum Xasan Umal Mire waxa uu ka mid ahaa odayaashii kaalinta wayn
ka soo qaatay nabadayndii iyo walaalayntii ummadda reer Somaliland,
sidoo kalena doorka muuqda ku lahaa
halgankii dib-u-xorraynta Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa
Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo eheladana uu Samir iyo
Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE
|