TACSI GEERIDA MARXUUMAD SAAKIN JIRDE XUSEEN

 

 

Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan  tac si u diryaa Reer Jirde Xuseen iyo reer Gaaxnuug Cabdilaahi iyo tafeertooda daafaha dunida ku kala nool geerida naxdinta leh ee ku timid habarwadaagtay marxuumad Saakin Jirde Xusseen oo maanta oo Thalaatha ah Taar. 21/09/2010 lagu aasay magaalada Hargeysa, Xabaalaha  X eedho. Waxaan sidoo kale tacsideynayaa waalidka marxuumada, ehel , asxaab, qaraabada, xi gto iyo xigaal meel kasta ooy joogaanba, waxaan leeyahay samir iyo iimaan. Waxaan gaar  ah aan u tacsiyeynayaa Maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyo dhammaan inta Saakin kala soo shaqaysay arrimaha caafimadka ee Soomaliland iyo Soomaliyaba. Sidoo kale waxaan tacsi gaar ah u dirayaa Gobalka Maroodi-jeex ee ay ab iyo hooyaba ka soo jeeday.

Anigoo taariikh nolaleedkeeda mar dambe soo qori doona aan wax yar ka iftiimiyo. Marxuumad Saakin Jirde, waxay ahayd ruux naxriis badan, jecel danyarta iyo inta itaalka darran, af-gaab an, hawlkar aan aqoon wahsi iyo nasasho, iyadoo cimrigeeda oo dhan ku qaadatay hawlaha la xidhiidha daryeelka caafimaad nooc kastaba, kana soo shaqaysay Afrika, Aaasiya iyo Yurub, ugu danbayna u hurtay nafteeda inay u soo noqoto ooy ka hawl gasho adeega bulsho ee  dad keeda, ka dib burburkii dagaalkii xorraynta iyo dib ula soo noqoshada qarannimada  Soomalila nd. . Waxay ilaa ayaanta ay naftu ka baxday ahayd xubin ka tirsan Guddiga Maamulka  Cisbit aalka Hargeysa,(Hargeysa Health Board), ooy si gaar ah ugu xilsaarnayd arrimaha farmasiiga iyo maamulka daawada, gaadiidka cisbitalka iyo xil gaar ah ooy iska saartay Waaxda Dhimirka.

Illaahay ha siiyo marxuumad Saakin Jirde Xuseen naxariistiisa, hana ka yeelo kuwa uu ku  man aysto Janatul Fardows, qabriga ha u nuuro, oo howga dhigo beer ka tirsan janada. Waxaan ka codsanayaa inta taqaan, iyo inta akhrisata tacsidanba inay u ducayso. Dhammaanna waxaan idin leeyahay samir iyo iimaan.


 


Ahmed Arwo

Hargeysa
409 6421
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com