Marxuum Xildhibaan Xuseen Sahal
 


Anigoo ka wakiil ah ururka Somaliland Transparency U.K, waxaan tacsi u dirayaa ehelka. walaalada, waalidka, tafiirta, qaraabada, xigaalka, asxaabta, iyo dhammaan dadweynaha Soomaliland gaar ahaan degaanka Togdheer ee uu Marxuum Xuseen Sahal ka soo jeedo.
Waxaan halkan si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Caydrus Xuseen Sahal iyo qoyskiisa oo degan dalkan U.K , geerida ku timi aabihii marxuum Xuseen Sahal oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa golha guurtida Somaliland. Marxuum Xuseen Sahal, ILLAAHAY naxriistiisa haku manaysto janat Al Fardowsa.
 

Dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo shacabka reer Somalilandna gaar ahaan beesha uu guurtida ugu jiray samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo marxuum Xuseen Sahal, dhammaanna aynu saamaxno una ducayno. ILLAAHAY meetidayna dhammaan ha u naxariisto, hayna hanuuniyo, haynaga dhigo kuwa geerida xusuusta marwalba, noqodana qaar aan sahayduudu ugu jirto laabta, oon cibaadada Alle iyo adeeca awaamirtiisa marna ka leexan. Aamiin.

 

 

 


Ahmed Arwo

President
Somaliland Transparency
samotalis@gmail.com
Cardiff U.K