TACSI GEERIDA MARXUUM MAXAMED GAAXNUUG CABDILAAHI (KIDIFAAR) Anigoo ka wakiil ah reer Cabdi
Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan ta csi u diryaa
Reer Xaaji Cabdilaahi, Ilma Maamed Gaaxnuug, tafiirta reer
Gaax nuug Cabdilaahi iyo Ugaaso Cabdi Dacar meel ay joogaanba,
geerida ku timid marxuum, abtigay
Maxamed Gaaxnuug (Kidifaar) oo
maanta oo Isniin ah Taar. 26/04/2010 ku
geeriyootay magaalada Hargeysa. Abtigay marxuum
Maxamed Gaaxnuug, waxuu ahaa nin
naftiisa u huray u-adeega bu lshada oo uuna marna ka nasan
ilaa 1959, isagoo ahaa macalin ilaa maamule dugsiyo gees ilaa gees
ka jiray Somaliland iyo Somaliyaba. Gobal anu wax barini ma jirin.
Waxa hubaal ah in ardaydiisu tahay dad heer kasta oo nolosha ah ka
gaadhay min, Madaxw eyne, Phd , ilaa Janaraalo ciidanka ahaa,
Wasiiro, iyo Xildhibaano. Hawsha bulsho wax uu hadda hayey inta
naftu ku jirtay oo uu muddo dheer ahaa Guddoomiyaha Agoonta Hargeysa
(Hore loo odhan jiray Xero Caydha). Waxauu ahaa nin aabbo u ah
ubadka la daayacay, kuwa waalidkood geeridu ka kaxaysay waayeyna cid
huga saarta.
|