Aqoon isweydaarsi ku saabsan af soomaaliga

 

Taariikhdu marka ay tahay 27/02/2010, waa maalinta sabtida ah, waxa uu ka dhici  doo na magaalada Stockhoolm ee carriga Sweden, aqoon isweydaarsi ku saabsan af  sooma aliga, gaar ahaan far soomaaliga iyo hab qorteeeda. Aqoon isweydaarsigan, oo uu soo diyaariyey Ururka Qoraaga Somaliland, waxa uu ka dhici doonaa guriga ummada ee  xaaf adda Rinkeby (folket Hus).

Waxa laga soo jeedin doonaa aqoonta ku xeeran far soomaaliga. Aqoonyahanno ayaa, goobtaa ku soo bandhigi doona waaya-aragnimadooda , aqoontooda af soomaaliga, ga ar ahaan macallimiinta wax ka dhigta dugsiyada Sweden ee afka soomaaliga iyo qoryaal buugaag ku daabacay afka soomaaliga.


Goobtaa waxa aad kula kulmi doontaa qorayaal caan ah sida: Xasan Cabdi Madar oo ka iman doona Somaliland. Xasan waxa uu soo bandhigi doonaa buuggiisa caanka ah ee la magacbaxay Nabaaddiino, oo xanbaarsan maansooyin aad u farabadan oo uu u kala  qay biyey, qaybo kala duwan sida: Xuquuqda aadamaha iyo maansada soomaaliyeed, xuquu da carruurta, ta dadka xiskoodu dhimanyahay iyo qaar kaleba. Buugaag aad u  farabad an oo ay qoreen qorayaal soomaaliyeed ayaa madasha lagu soo bandhigi doonaa.


Qaabka aqoon isweydaarsigu u dhici doonaa, ma aha in qudbado dhaadheer la soo  jeedi nayo ee Adiga ka soo qaybgalaha ah, ayaa qayb libaax ku leh dooddada, aqoontaada, w aaya-aragnimadaada ku xeeran af soomaaliga. Waxa aad wakhti u heli doontaa in aad la wadaagto, ka soo qaybgalayaasha kale fikraddahaaga. Waxa la samayn doonaa dhawr kooxood oo kooxdiiba ay gaarkeeda u falanqayso qodobada laga dooddayo oo dabcan uu Ururka Qoraaga Somaliland soo diyaarin doono.

Ha moogaan, hana ka maqnaan aqoon isweydaarsigaas lagu qaadaa dhigayo habka qorista farta af soomaaliga, u hiili af soomaaliga.


Goobta: Rinkeby Folket huset/


Goorta: 17:00 - 20.30



Taariikhda: 27/02/2010,


Maalin: Sabti ah bishan ee aynu ku guda jirno.



Ka soo dho qaybgalkaagu waa muhiim



Mahadsanidin
Ilaahay baa mahadleh



Wixii intaa dheer kala soo xidhiidh / Ururka Qoraaga Somaliland



www.qoraaga. com
 



Sayid-Axmed M Yuusuf / gacanlibaax2001@ yahoo.se 076 214 60 96
Axmed Cabdilaahi Cawaale / ahmedawaleh@ gmail.com 076 226 94 68