TAARIIKHDA MARXUUM MAXAMED ISMACIIL BULAALE XOGHAYIHII GUUD EE XISBIGA UDUB OO KOOBAN

 

Alle Ha u Naxariiste Maxamed Ismaaciil Bulaale Waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeisa 1946 Waxaanu waxbarashadiisa Hoose Dhexe iyo Qura’aanka Kariimka Waxa uu ku qaatay Isla Magaalada Hargeysa .

Waxa uu shaqada Dawlada Ka bilaabay 1965 magalada Burco oo ka noqday Xisaabiyaha D/hoose Degamda sidoo kale 1971 waxa uu noqday Xogahaya Dawlada Hoose ee Degmada Buuhoodle sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey degmooyina kaalgacayo iyo Baladweyn, 1980 ayuu ka noqday G/xigeen Jubada Hoose Kismaayo iyo Galgaduud DhusaMareeb.

Mudadii danbena waxa uu ahaa Badhasaabkii Gobolka Sool ilaa intii ay ka burburaysay Xukuumadii Barre ,ka dib Burburkii waxa uu noqday Oday Somaliland oo ka qayb qaatay Shirarkii lagu unkay Somaliland iyo nabadayntii isaga oo dib ugu soo noqday magaalada Burco.

Marxuum Maxamed Ismaciil waxa uu noqday 1993 Wasiirkii Gaashandhiga iyo Gancasiga ee Dawladii Marxuum Cigaal Sanadii 2002 Ayuu noqday Xogahaya Guud ee Xisbiga Taladda haya ee UDUB oo ilaa maanta hayay Xilkeeda.

Marxuumka ayaa Shalay loo qaaday Magaalada Jibuuti si loogu soo daweeyo se Waxaana u timi tii Alle ,Marxuum Maxamed Ismaciil Bulaale ayaa maydkiisa la keeni doona Dalka Barito Haddii Alle Yidhaa waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha Qaranka. Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed Ismaciil Bulaale

Dhamaan bahda ToggaHerer na waxay tacsi u diraysaa Shacbiga Somaliland iyo Qoyskii Asxaabtii uu ka Baxay Marxuumku , Marxuumkana Alle waxaanu uga Baryayna in uu naxariistiisa Jano ka waraabiyo Amiiin.

 



ToggaHerer