Taariikhda Fanka iyo Suugaanta






 



Taariikhda Ragba curiya Ragna way qoraan dadweynohona way ku camal falaan Inkasto dhulka kala duwan ee ay ku noolyihiin umada beeraha,xoolaha iyo xeebta ku dhaqan ay la hayeen heesa uu gaar ah.

Hadayno soo qaadanomagaalada Saylac ama Awdal waxay lahayd heeso fara badan oo ay ku jiraan loqado kala duduwan taasina waxay ku tusaysa xadaaraddi qotada dheerayd ee ay lahayd Saylac waayo waxa xidhiidh la laha umadado kala duwan.Kadib marki uu Boortaqiis ku burburiyey magaalooyinki ku teedsana xeebaha bada cas kuna daciifiyey Diinti islaamka waxa ka mid ahayd magaalooyinka Saylac,marka dadki waxay uu durkeen xaga bariga isla m arka waxa camirantay magaalooyinka Berbera-Jigjiga-Odweyne iyo Ceerigaabo,mudo kadib waxa iyana abuurmay magaalooyin cusub sida Borame-Hargeysa iyo Burco,waxa xudun uu noqotay Hargeysa inay xidhiidhso isku xidhka mandaqada waa siday ay ku noqotay Hooyaddi fanka.

Waxaan ka dhagaystay Idaacada Raadiyo hargeysa sanadki 2005 wareysi lala yeeshay Alla how naxariiste Yuusuf Xaaji Adan,wuxuu si qota dheer uga waramay taariikhdi tacliinta iyo suugaanti Somaliland,waxaan ka ogaaday inoo abuuray heesti somaaliyey toos taaso dad badani sheegteen,waxaan kalo ka faaiiday inoo curiyey sowdki Raaxeeye alla how naxariiste Xasan adan Halac.

Marka fadlan waxaan ka codsanaya Idaacada Raadiyo Hargeysa inay ku ceeliso waraysiga,

waxa aad loogo baahan yahay inla qoro murtida iyo suugaanta.

Bal aan maanta wax yar ka soo qaato inta aan ka aqaano abwaanada iyo heesaha:

-yussuf xaaji adan=somaliyey toos , wali waa carooro

-Isamciil cagaf =madheedhaaliyo howd,wuu ina kala raray

-xasan adan halac=raaxeeye,jalaaliyo

-saxardiid jabiye=wixi ila garaadow gobanimo hatoorina,aan maalo hasheena maandeeq

-axmed suleiman bide=sida geed caleenlo,soo noqnoqosho

-cali sugule=howdka doolo iyo faafan,waaba baryey,kuwaan ka hadha

-xuseen aw faarax=dhirta xididka hoosa,amaanada ilaahay

-cismaan adan=naaf dhalad,warqadahaaan

-cabdi adan qays=aduunyoy xaalka be,ubixi,waan joogay dunidan,akhiro

-maxamed ibrahim hadrawi=hooyo,waan soo socda,araxmaan,beledweyn

-maxamed cumer huryo=indha dheeraley-diigga,bada caashaq

-xasan xaaji cabdillahi(xasan ganay)sayla,diimis,qalamaayo,waayaha,geediga hayaan kuba

-faysal cumer mushteeg=subcis,riftoon,lacag,hadardarin carada

-xuseen jaamac(xaaji gojis)gaasira,gobaad,haween uu samir

-maxamed adan dacar=waayadan ku maan areg,shacni iyo wanaag

-cabdi iidaan=casaan midabka dhiinka ah,xurmo daran

-cali sulemaan bide=balan baalis,galbis

-xasan sheikh muumin=shimbirayo heesa,waa qaali,babayggi jamaamiyo

ibrahim gadhle=dadka hayska weynayn,maxa dayrcad geel

maxamud cabdillahi sungub=sabaalo,lix kun iyo lix boqol

-cabdiraxmaan xasan=rafiiq,maxa dhexdeena ,go'dow lama culaadsho

-xasan qowdhan=doqonyaan lagogo udhan-gododle-shacbaanti

-xildhibaan Dheeg=saxarqaada fooraha-dad nimada aqoonso,caawoo waxa leh

-cabdi cali wayd=wehelkay,haygo dilin alahaloy

-sulub=darooraha hilaac iyo,qays iyo cilmo diilay

-adan tarabi=dumar baad ka tahayo

-axmed aw geedi=sumalow darbane,labaddi,alla waa xojoy

-xayd=qadar,baladkaygi hooyo

-cabdillahi yusuf=laandheer

-kayd=gobay liic oo ha jabin

-baashe warabecade=horta ayey isku keen diiray,nugaal duur laga waa

-yusuf shukri=somaliland dalkayga

-maxamed suleiman=malyuun hibo la siesta

-Cali senyo = calanyow ha dhicin

-Nuurdaalac = allow dhowr



Hadaba maanta inta yar iga hooya ,

cidi haysa uu aqoon fiican uu leh waa inay soo ururisa

murtidda qaaliga ah ee ilaahay ku manaystay abwaanada.

 

 

 

 

 

Waa Qalinki:Maxamed Kosaar Faarax Jire