Taariikh nololeedkii Cali Jirdde oo uu diyaariyay Weriye Axmed Saciid Cige

 


Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Jirdde wuxuu ku dhashay magaalada Sheekh 1916kii , wuxuu waxbarashadiisii quraanka ku qaatay isla deegaanka Gobolka Saaxil , kadibna wuxuu ka mid noqday ardaydii ingiriiskii xukumayay somaliland u diray dalka suudaan si ay usoo qaataan waxbarashada casriga ah ee dugsiyada.

Wuxuu Cali Jirdde ku soo laabtay somaliland 1937kii isagoo soo dhammaystay waxbarashadiisii ilaa dugsiga sare. wuxuu u shaqeeyay dawladdii Britain , kadibna waxaa uu tegay jaamicaddaha London iyo Braiton ee England oo uu ku soo qaatay shahaddada jaamicadda ee cilmiga Engineernimada .

markaa ka dib wuxuu noqday Engeneerkii ugu horreeyay ee Somaliland isagoo dhisay guryaha iyo xafiisyada dawladda ee dhammaan magalooyinka waaweyn ee Somaliland Protoctrate ee dhulka Shacabka loo yaqaanno ku yaalla.

Waxa kale Cali Jirdde ka soo shaqeeyay Dalalka Ugandha iyo Kenya oo isticmaarkii ingiriisku u diray oo markaa xukumaayay dalalkaasi. Cali Jirdde dagaalkii labaad ee Dunida 1943kii wuxuu u qaxay cadan markii ciidamadii Britain laga qabsaday Somaliland isagoo la shaqeynaayay ciidamada Britain ee cadan oo soo rogaal celiyay markii danbe 1945kii.

Sida cali laftiisu ku sheegay wareysiyo laga duubay. Markii gobanimada ay qaadatay Somaalidu 1960kii wuxuu noqday Cali Jirdde agaasimihii guud ee ugu horreeyay ee wasaaraddii hawlaha guud ee Jamhuuriyaddii soomaliya. Wuxuu shaqadii dawladda ka tegay 1964kii isagoo samaystay sharikado gaar ah oo laba ahaa oo la kala odhan jiray : Somali Contract iyo Somali Commerce . Cali Jirdde wuxuu noqday mudane ka tirsanaa baarllamaankii somaaliya doorashadii ugu danbeysay ee xorta ahayd ee 1968kii isagoo laga soo doortay Berbera.

Eng; Cali Jirdde wuxuu kaloo ahaa laga soo bilaabo 1967kii ilaa hadda oo uu geeriyooday qunsul-sharafeedka dalalka Norway iyo Denmark . wuxuu ahaa oo kale min 1993kii ilaa imika guddoomiyaha bisha cas ee Somaliland . wuxuu kaloo ahaa guddoomiyaha guddiga sare ee hay’adda waddooyinka Somaliland . Cali jirdde waxaa lagu xusuustaa hawkarnimo iyo hufnaan oo cimriga dheer ee ilaahay siiyay uu tacab badan ku geliyay.

Cali jirdde oo saaxiib weyn la ahaa Aabihii tacliinta soomalida Maxamuud Axmed Cali waxaa sheekooyinkiisa uu iiga sheekeeyay ka mid ahaa : in Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo toban sano jir ahaa uu cali jirdde oo markaa dhisaayay dugsiga dhexe ee magaalada sheikh uu arkay Maxamed Xaji Ibraahim oo fadhiya geed hoostii oo doonaya inuu iskaga tago dugsiga . Maxamed Xaaji Ibraahim wuxuu markaa diidanaa in la uleeyo markii ay islaayeen qaar ka mid ahaa ardeydii uu la dhiganayay fasalka dugsiga. Cali Jirdee ayaa intuu u yeedhay kuuligii dhisayay dugsiga ku dalbaday inay qabtaan maxamed xaaji ibraahim. Kadibna iyagoo walaandeynaya ayay u geeyeen macallimiintii dugsiga oo cali ku yidhi “ yarkan ina Ibraahim adeer ayaan u ahay ee uleeya kuna celiya dugsiga “.

Cali jirdee wuxuu ii sheegay inuu in badan markii danbe ee cigaal noqday hogaamiyaha uu kula kaftami jiray “ haddii aanaan maalintii khasab kugu celin dugsiga waxaad ahaan lahayd suuq joog”.
 


Illaahay ha u naxariisto Cali Jirdde iyo guud ahaanba Muuminiinta.