Taariikh Nololeedkii Aabihi tacliinta Somaliland ilaa hadana qayblaxaad leh kaqaatay horimarinta waxbarashadda Somaliland.
 




Cardiff (TNN)-Richard Darlington waxa uu dhashay sanadkii 1919 dalkan Ingiriiska, waxa uu  waxbar ashadiisii intii badnayd u qaatay dalkan Ingiriiska. Waxa uu arday ka noqday Jaamacaddan  Cambrid ge, gaar ahaan college la yidhaa Gonville and Caius. Darlington waxa waxbarashadiisi ka soo dhex  g alay dagaalkii labaad ee dunida, waxana loo diray inuu hogaamiye kooxdii ka dagaalaysay dalka  Bur ma. Darlington waxa uu halkaasi kula kulmay askar reer Somaliland ah oo u dagaalamay ciidanka  In giriiska. Waxa uu Darlington ka helay geesinimadii ay muujiyeen askartaasi reer Somaliland ahi.

Taasi waxa ay keentay inuu goosto inuu dago Somaliland, sanadkii 1948, kadib markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunku. Waxa uu halkaasi ka bilaabay dugsigii farsamada ee Camuud, kadibna waxa uu maamulihii uugu horeeyay ka noqday dugsiga Sheekh. Intii uu ka shaqaynayay halkaasi, Da rlington waxa lagu sifeeyaa waalid, macalin iyo tabo bare aad u heer sareeyay oo ay ka heli jireen ardaydiisa iyo guud ahaanba bulshadu. Waxa uu ahaa macalin usoo noqday inta badan siyaasiyiinta iyo dadka caanka ah ee Somaliland, oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Siilaanyo. Intii uu ka  shaqayna yay dugsiga Sheekh waxa loo bixiyay Gacmadheere. Hadaba Gacmadheere waxa uu ka tagay  Somal iland sanadkii 1971, kadib markii uu dalka Somaliya qabsadday kaligii talihii Siyad Barre. Waxa uu ku soonoqday dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu ku geeriyooday sanadkii 2007.

Deeqda Waxbarasho ee Cambridge University Darlinton (Gacmadheere) Scholarship

Waxaan kamid ahaa ardaydii Richard Darling ton (Gacmo Dheere) wakhtiga uu macalinka ka ahaa  d ugsiga Sheekh runtii xidhiidhkayagu kuma oo koobnaan halkaas waxaanu lahayn xidhiidh joogta ah. Taasina waxay dhaxalsiisay in ay ilasoo xidhiidhaan qoyska uu kabaxay Richard Darlington oo ay  ii shegeen in uu katagay hanti dabadeedna ay yidhaahdeen waxaan doonaynaa inaanu wax kaga  qa bano tacliinta Somaliland qayb ka mida maalkaasi uu ka tagay, waxaanay ii sheegeen inay u  qoonde eyeen 250,000 pound oo wakhtigaasi ku dhawayd lacag gaadhaysa haaf million Dollar.

Maadama Rechard Darlington uu kasoo baxay Jaamacada Cambridge, waxay soo jeediyeen  qoyskiis u inay rabaan in ardayda ugu fiican ee ka soo qalin jabisa dugsiyada sare ee Somaliland ay  yimaad aan Jaamacada Cambridge, laakiin anigu waxaan u sheegay inaanu hada leenahay jaamacadu  wan aagsan, markaasi ay ka dhigaan in ardayda jaamacadahayagaasi ka qalin jabisa kuwa ugu  wanaag san ay waxbarashadaasi bilaashka ah ugu diraan jaamacadaasi Cambridge.

Shuruudaha looga baahanayahay ardayga soo codsanaya deeqadan waxbarasho:


Scholarshipskani waxaa uu u furan yahay ardayda ka qalin jabisa Jaamacadaha Somaliland kuwaasi oo dhamaystay shahaadada Degree Programme.

Waxaa shuruud ah in ardayga la soo doorto ay aqbalaan gudida Jamaacada Cambridge. Foomamka codsiga lagu buuxinayo waxaa laga heli karaa xoghaynta gudida jaamacada ee tacliinta sare, 4 Mil Lane, Cambridge CB2 1RZ ama waxaa laga download garaysan karaa website ka (http://www.admin.cam.ac.uk/officies/gadstud/).

Ardaygii ugu horeye eek u guulaysta deeqda waxbarash waxuu ka bilaabay bishii Oktober 2010  wa xbarash sare (Postgraduate Course) Jaamacadda Cambridge. Waxax laku farxo ah om Jaamaada  C ambridge oo ay iskumidyihiin Jaamacada Harvad ahna labada jamicadood ee ugu horeeya  aduunya da ay ictiraafeen degree-ga jaamacadaha Somaliland. Laba osbuuc ka hore ayou Ridwan Osamn ah ardaygii ugu hore eek u guulaysta deeg waxbrasho wuxu maqaal dhere ku qoray websiteyedda iisagoo kabixinayay tafasiil side uu ugu guuleysta deeqdan .

Uururka Darlington (Gacmodheere) Foundation ee Somaliland

Waxaan isla afgarnay in aanu samayno Urur aanu ugu magac darnay Darlington oo looyaqanay Gac madheere.

Ujeedooyinka aanu usamaynaya Gacmo Dheere Foundation oo farabadan waxaan halkan kusoo koobayaa saddexda qodob ee ugu muhiimsan:

· Kor Uqaadida iyo horimarinta waxbarashadda Somaliland

· Caawinta dhalinyaradda reer Somaliland dhinaca dhaqaalaha xaga waxbarasho(sida kabixinta Fee-ga Jaamacadaha ardayda reeraha saboolka ah kasoo jeeda)

· Xoojinta xidhiidhka labada dalka ee Somaliland iyo UK.

· Isku xidhka ardaydii hore ee uu macalinka u ahaa Richard Darlington (Hadaad kamid ahayd ardaydii Gacmo Dheere fadlan emailka hoose igalasoo xidhiidh

Waxaa manta ii faraxadda in midhiihii hawsha aanu galnay la’arkay waxaan Maanta Maanta oo isnii na ka degayaa Egal International Airport Richard Sills oo Darlington adeer u ahah iyo xaaskiisa oo la yidhahdo Dr Susan Sills, socdaalkoodan waa kii ugu horeye eey ku yimaadaan Somaliland asho kum ari doonaan Dhamaan Xarumaha waxbarasho ee Somaliland leedahay.

Wixii faahfaahin ee ku saabsan Darlington Foundation amaba deeqda waxbarasho kalasoo xidhiidh Emailkayga hoosta kuqoran :

Iid cali Salaan Axmed

Email: eid_consultancy@yahoo.co.uk. Amaba Ridwaan M. Osman ridwaanxaaji@hotmail.com