Taariikh Nololeedkii Suldaan Cabdiraxmaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin iyo odayaashi ka hadlay aaska Marx uum Suldaan Cabdiraxman Sheekh Muxumed Cilmi Baraale.

Qudbadii Koowaad 

Qudbadii Labaad   

 

Hargeysa, Dec 10,2008 (TNN)-Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu yaraantiisii ku barbaaray kuna hanaqaaday Kilalka Shanaad ee Itoobiya, halka uu xiligii  dhalinyaranimad iisii uu ku qaatay magaalada H argeisa halkaas oo uu la shaqayn jiray dawaladihii reer gal beedka ee dagaal waynihii laba ad ee dunida isku hayay.


Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed shaqooyinkiisii bulsho iyo nabadeed waxaa uu ka soo bilaabay dalka Itoobiya halkaas oo uu kala soo shaqeeyay jiray dawladihii kala dambeeyay ee dalkaas ilaa boqortooyadii Xayle Salaase ilaa taliskii Mingiste.
 

1955 kii ayaa isaga oo jooga itoobiya loo doortay inuu noqdo caaqil.

1961 kii ayuu Boqor xayle salaase qasrigiisa ku casuumay isla markaana ka dhigay Baranb araas oo ahayd darajo uu boqorka oo kaliyi siiyo cida uu u arko inay dadaashay.

1964 kii ayaa loo doortay inuu noqdo Suldaanka Guud ee beesha gabilay.

1969 kii waxaa uu mar labaad Boqor xayle salaase qasirigiisa boqortooyada ku gudoonsiiy ay darajada fitawaraar oo ahayd darajo kale oo uu isla boqorka oo kaliyi bixiyo.

Suldaanku ma uusan ahayn siyaasi ee waxaa uu ahaa oday dhaqameed oo nabada iyo hor umarka bulshada ka shaqeeya.

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed
waxaa uu soo qabtay xilal badan oo dhaqan oo kala sareeya, waxaana sanadihii lixdamaadkii loo doortay inuu noqdo Suldaanka Guud ee Bees ha Jibriil abokor, taas oo uu ilaa 40kii sano ee ugu dambeeyay ku soo shaqaynayay.

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu sanadihii todobaatanaadkii ka bilaabay dal ka Soomaaliya shoqooyinkiisii bulsho iyo nabadeed.

Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee abaabulay ama abuuray Jabhadii afraad ee gobolada woqooyi ee aakhirkiina isku rogay , d haqdhaqaaqii xoreynta Somalia ee SNM


Suldaanku isaga oo aasaaskii afraad ay kala Qayb qaateen Geesiyaal oday dhaqmeed aha a oo aan maanta noolayn Eebe janada fardowsa ha ka waraabiyee oo ay ka mid ahaayeen chief Caaqil Maxamed Ibraahim Khaliif iyo Chief Caaqil Yusuf Khaliif Cige( Xaruur) oo run ahaantii manta la tabeyo Kaalintii ay kaga jireen Bulshada Gobolka Gabiley iyo guud ahaan Somalilandba.

Waxa kale oo xusid mudan in ay garab taagnaayeen oo hawl fulintana lahaayeen saraakiil aan la iloobi Karin oo taariikhda baal dahaba kaga jira oo ay ka mid ahaayeen Janaraal Ma hdi Cali , Janaraal Xasan Yoonis , Cornayl dhego laab iyo Kornayl dhuxu l, Ambasador Yax ye intuba ilaahay ha u naxriistee ay dhinteen iyo kuwa noolba.

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed iyo labadaa Caaqilba waxay muddo xabsiyada kala du wan ee dalka Somalia ugu xidhnaayeen taliskii Maxamed Siyaad Bare, halkaas oo ay ku xid hnaayeen ilaa xiligii burburkii dawladii Kacaanka ahayd.

Suldaanka iyo Caaqiladiisuba markii la soo daayay waxay isla markiiba ka qaybqaateen dh aqdhaqaaqii iyo hawlgaladii gobolada Woqooyi ka socday ee ay SNM hormoodka ka hayd, gaar ahaan dib u xoreyntii, dib u dhiskii, nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo taabo galka ilaa manta lagu naaloonayo.

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ka mid ahaa gudidii odayaasha ahayd ee qalinka ku duugay kuna dhawaaqay go’aankii dib ula soo noqoshada xoriyada qaranka J amhuuriyada Somaliland iyo gooni-isu taageedaba intii lagu gudo jiray shirwaynihii Burco ee 1991 lagu dhisay maamulkii ugu horeeyay ee dalka Somaliland ee uu hogaanka u ahaa Madaxweyne Cabadraxmaan Axmed Cali (Tuur).

Suldaanku isagoo amar ku siiyey Janaraal Xasan Yoonis oo ahaa masuulkii gacanta ku ha yey ciidamadii degaanka in uu garab siiyo sidii ay cagaha isugu taagi lahayd dawladii koo waad ee Somaliland ee uu Madaxweyne ka ahaa Mudane Cabdiraxmaan Tuur.

Sudaalku waxaa uu ka mid ahaa Shirgudoonkii guud ee shirwaynihii aayo-ka-tashiga beela ha Somaliland ee 1993 ka dhacay Boorame, halkaas oo lagu soo dhisay dawladii labaad ee dalka jamhuuriyada Somaliland ee madaxda ka ahaa Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , sidoo kale waxaa uu shirgudoon ka ahaa shirwaynihii sadexaad ee beelaha Somalil and ee 1996 dib loogu soo doortay Madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigaal.

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ahaa xubin ka tirsan golaha Guurtida Jamh uuriyada Somaliland. Waxaa uu qayb laxaad leh oo abaabul iyo hogaaminba isugu jirta ka qaatay dhamaan shirarkii dib u heshisiinta beelaha degan cariga Somaliland. Waxaa xusid mudan:-


- Shirkii magaalada
Sheikh
- Shirk waynihii
Burco
- Shirkii
Ceerigaabo
- Shirarkii kala duwanaa ee beelaha Gobolka
Hargeisa iyo Boorama ( Xarshin , Farawayne , Caadda iyo kuwo kale ).



Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu kaalmaha hore kaga jiray odayaasha faro ku tiriska ah ee loo triyo nabadeynta iyo xasiloonida ay maanta dadka reer Somaliland ku naaloonayaan.

Waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee qaatay go’aankii xereynta hubkii beelaha Somaliland gacanta ku hayeen sanadihii sagaashamaadkii.
halkaas oo beesha uu Suldaanka u ahaa gudoonsatay noqotayna beelihii ugu horeeyey ee hubkoodii ku wareejiyay gacantii dawladii Maxamed ibrahim cigaal. Taas oo abuurtay aaminka ilaa manta dhexyaal dawalada iyo dadka reer Somaliland.
 

 


Aaskii Suldaan Cabdiraxman Sheekh
Muxumed cilmi baraale




Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ahaa xubin sare ka tirsan golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland halkaas oo uu ilaa manta xubin ka ahaa.

Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ifka kaga tagay tafiir ilaa boqol qof ku dhaw, taas oo ka kooban 14 qof( lix gabdhood iyo sideed wiil) iyo dadkii ay sii dhaleen. suldaanku wxuu guud ahaanba guursaday Sadex dumar ah oo labana nool yihiin midna hore u geeri yootay.


Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa lagu xasuusan karaa guud ahaan kaalintii firfir coonayd ee uu ka soo qaatay dib u dhiskii Qarankan Jamhuriyada Somaliland ee aan kor ku soo xusnay iyo gaar ahaan Daacadnimadii ,hawl karnimadiisii , Dulqaad badnaantii, dab eecad wanaagiisii , Danayntii danta guud , iyo fakirk Qaranimo oo ay qabyaaladi ka dheer ayd….


Suldaanka oo sanadihii ugu danbeeyey ahaa Bukaan jiif waxa Eebe naxriistii jano ha ka waraabiyee uu Ilaahay u raaxeeyey 10 kii December oo lagu aasay magaalada Hargeysa.
 

 

 


Caleemo saarkii Suldaan Ismaaciil
Suldaan Cabdiraxman

 


Waxa Bulsha weynta gobolka Gabiley gudo iyo dibadba soo dhawaynayaan Caleemo saar ka la caleema saaray Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan in uu noqdo Suldaanka guu d ee gobolka waxanan leenahay hambalyo Eebana ha kugu garab galo kuguna astura xilka weyn ee lagu saaray waxanan rajaynanaa in aad mari doonto wadadii toosnayd ee Aabah aa Eebe ha u naxriistee ku hogaaminayey Bulshada kulana socday oday dhaqmeedyada ka le ee jamhuuriyada Somaliland.

 

 


Wa bilaahii Towfiiq

 

Waxa soo Diyaariey Taariikh nololeedka Suldaanka,Jaaliyada Somaliland ee Gobolka Gabile y Gaar ahaan Iskadaneefinyanka.
 

 

 



Afhayeenada Jaaliyada,
Eng. Adam Yusuf Alin
D
r. Osman Yusuf Magan