Taariikh Nolaleedkii Marxuum
Yusuf Maxamed Cali Tuke
 

Intay doonto ha qaadato, maalin baa iman doonta Somaaliland laga aqoonsado oo looga dabaal dego daafaha dunida oo dhan, waxaynu u baahanahy inaynu la nimaadno, dawlad wanaag, dimuqraadiyad, cadaalad, iyo adkaysi” Waa erayadii aan afkiisaa ka maqlo markii muuqiisa iigu dambeysay.

Xildhibaan Yusuf Aw-Maxamed Cali-Xayd (Tuke) wuxu ahaa halgamaa, aqoonyahan iyo indheer garad bislaaday oo qaranka Somaliland aanu hilmaami doonin. Wuxu ahaa geesi ku sifoobay hawl kar nimo, hal adayg, daacadnimo, deeqsinimo iyo han durugsan. Wuxu ka mid ahaa aqoonyahanadii la kowsday dhidibada-na u taagey halgankii qadhaadhaa ee lagu hantiyey dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee dhiiga badani ku daatay.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf -Tuke 11/11/08 maalintii taladaada ahayd ayuu ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay agagaarka degmada Waridaad ee gobol Saraar isago ku guda jira hawl qaran. Waxana marxuumka maanta November 12-dii 2008 oo Arbaca ah aas qaran iyo baroor diiq loogu sameeyey magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Sida ay ii sheegeen dad goob joog ahi waxa aaska marxuumka iyagoo ka tiiraanyeysan ka qayb galay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay’adaha dawliga ah sida Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud iyo madaxda sare ee xibigaas, Gudoomiyaha golaha wakiilada C/ramaan Cirro, gudoomiyaha golaha guurtida Sulayman Maxamuud Aadn , wasiirka arimmaha debadda C/llahi Maxamed X. Ducaale iyo madax kale waxa kale aaska marxuumka kasoo qayb galay kumanyaal dadweyne ah oo ka kala yimi dalka gudihiisa iyo debadiisaba. Qof kasta oo maqla geerida Mujaahid xildhibaan Yuusuf-Tuke waxay ku abuurtay argagax iyo murugo, balse waxa qof kastaa isku qanciyey inay geeridu xaq tahay oo qof walba huran.

Hubaal waxa ah oo aan ka cudur daaranayaa inaanay suurto gal ahayn in maalin iyo labo toona lagu soo koobo macluumaadkii iyo sooyaalkii taariikeed ee Muj. Xildhibaan Yusuf Maxamed Cali(Tuke) Sidoo kale bogag xadidan laguma soo koobi karo sooyaalkii taarikheed ee marxuumku lahaa. Laakiin waxaan halkan idiinku soo gud-binayaa intii ilaa hadda ii suurtagashay inaan soo ururiyo, macluumaadkaas oo qaybo ka mid ah aan waydiiyey shakhsiyaadkii ay marxuum Yuusuf aadka isugu dhowaayeen, macluumdka qaarkoodna waa wixii aan ka xasuusto intii aan aqaanay Mujaahid Tuke. Haddi aad markaa tebtaan in badan oo taariikhda Tuke ee aan la koobi karin ka maqan ha la’ii dulqaato.

Alle ha u naxariistee Mujaahid Xildhibaan Yuusuf Aw-Maxamed Cali-Xayd(Tuke) wuxu kasoo jeedaa qoys ehlu diin ah oo aad looga yaqaan gobolada Sanaag, Togdheer iyo Sool. Wuxu bishii July 23-keedii sanaddii 1951-kii ku dhashay degmada Garadag ee gobolka Sanaag. Yaraantiisii wuxu ku barbaaray degmada Garadag.

1958kii ayuu galay malcaamada degmada Garadag. 1959-kiina wuxu bilaabay waxbarashada dugsiga hoose ee degmada Garadag taas oo uu dhamaystay sanadkii 1962kii. Ka dibna wuxu 1963-kii u wareegay dugsigii dhexe ee Dayaxa oo uu dhamaystay sanadkii 1966-kii. Marxuumku wuxu waxbarashadii sare ku dhamaystay dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa sanadihii 1966-kii-1970-kii.

Dhamaadkii 1970kii ayuu marxuumku tababar macalinimo oo lix bilood ah (intensive course) kaga qayb galay kulliyadii waxbarashada ee Lafoole. Muddo labo sano ku dhow ayuu macalin nimo ku soo shaqeeyey kadibna wuxu 1973kii bilaabay kuliyaddii waxbarashada ee Lafoole isagoo ku takhasusay cilmiga xisaabta wuxuna Lafoole dhamaystay sanadkii 1976kii. Dhamaadkii 1976-kii ilaa dhamaadkii 1978-kii wuxu macalin ka noqday dugsiga sare ee Banaadir ee magaalda Muqdishu sidoo kale is la sanadahaas wuxu part time- ahaan ugu shaqayn jiray idaacadii radio Muqdisho isagoo u turjumi jiray wararka luqadda ingiriisi-ga kaga baxa idaacadaha caalamiga ah. Wixii ka dambeeyey 1978-ki ilaa badhtamihii 1981-kii wuxu madax ka noqday qaybta protocol-ka ee xafiiskii Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somalia Gen. Ismail Ali Abokor.

Badhtamihii sanadkii 1981-kii ayaa wefti uu mrxuumku ku jiray loo diray Geneva. Ka dib markii marxuumku arkay dilkii, tacadigii, xaqdaradii, dulmigii, cabudhintii, xadhigii iyo dhibaatadii isa soo taraysey ee lagula kacayey shacbigii iyo madaxdii kasoo jeeday Somaliland ayaa dareenkii feejignaa iyo geesinimadii Muj. Yuusuf go’aansatay inaanu kasii mid noqon dibna ugu laaban taliskii macaggaga ahaa ee xalaashaday kuna mamay maalka iyo dhiiga dadka iyo dalka Somaliland ee uu marxuumku kasoo jeeday. Ka dib marxuumku wuxu tegay dalka boqortooyada Sucuudi Arebia oo uu magan gelyo siyaasadeed waydiistay wuxuna Sucuudiga ku noolaa ilaa sanadkii 1983-kii wuxuna intii uu Suciidiga joogay qayb wax ku ool ah ka qaatay abaabulkii iyo aasaaskii dhidibada loogu taagay ururkii Dhaqdhaqaaqa wadaniga Somaliland SNM. Sanadihii 1983-1984 waxa marxuumku jaamacad ka galay magaalada Liverpool ee cariga Ingiriiska halkaas oo uu ka qaatay diblooma dhinaca maamulka ah. Dhamaadkii 1984-kii waxa marxuumku usoo wareegay magaalada London wuxuna wax kaa aasaasay madax-na ka noqday urur u dooda xuquuqda dadka waaweyn oo la yidhaahdo Age Concern kuna yaalay London. Isla Sanadkaas ayaa loo magacaabay afhayeenkii Ururka SNM qaybtiisa London wuxuna qayb wayn ka qaatay inuu siyaasadihii qalafsanaa ee dawladdii digtaa tooriga ahayd xidida u siibo kuna fashiliyo wadanka Ingiriiska ee uu ku noolaa.

Muddo ka dib waxa Muj. Xildhibaan Yuusuf ku adkaatay inuu isku wado shaqadiisii gaarka ahayd iyo hawlihii uu hayey Ururkii SNM, wuxuna go’aansaday inuu faraha ka qaado shaqadiisii gaarka ahayd una banbaxo oo u go’doomo hawlihii halganka. Waxa 1986kii Marxuumku noqday afhayeenkii guud ee ururkii SNM wuxuna jagadaas hayey ilaa 1989kii. Sanadkii 1990kii markii Ururka SNM shirka ku qabsaday Baligubadle ee lagu doortay hogaankii Muj. C/raxmaan Axmed Cali(TUUR) waxa marxuumku xubin ka noqday golihii dhexe ee ururkii SNM isla mar ahaantaana waxa loo magaacabay xoghayihii ama wasiirkii ganacsiga jagadaas oo uu hayey tan iyo markii ay Ururka SNM gacanta ku dhigeen ee ay xoreeyeen gebi ahaanba gobolada Somaliland. Markii dalka SNM xoraysay wuxu marxuum Xildhibaan Yuusuf door lama ilaawana ka qaatay shirarkii nabadaynta ee u dhexeeyey beelihii SNM taageeri jiray iyo beelaha kale ee dega Somaliland sida shirkii Berbera iyo Yagoori.

1991-kii wuxu ka qayb qaatay shirkii aayo ka tashiga beelaha Somalilnd ee lagu qabtay magaala Burco halkaas oo lagu go’aamiyey dib ula soo noqshoda Somaliland ee luntay markii marxuumku ahaa 9 jirka. Markii la dhisay dawladii ugu horaysay ee Somaliland ee madaxweynaha ka noqday C/raxman Axmed Cali waxa Muj. xildh. Yuusf-Tuke loo magacaabay wasiirkii madaxtooyada Somalilad jagadaas oo uu hayey ilamaa badhtamihii 1992kii. Dhamaadkii 1992kii waxa marxuumku hormuud ka ahaa qayb libaaxna ka qaatay shirkii nabadaynta beelaha danwadaag Bari ee H/Jeclo iyo Dhulbahante oo ka dhacay deg mada Garadag oo marxuumku dhalasho ahaan kasoo jeedo.

Sanadkii 1993-kii waxa marxuumku ka qayb galay shirwaynihii labaad ee aaya ka tashiga beelaha Somaliland ee ka dhacay magaalada Boorame laguna soo dhisay dawladii uu madaxda ka ahaa marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Inkastoo oo aanu marxuumku wax xil ah ka qaban dawladii Cigaal hadana marnaba kama nasan hawlaha qaranka lagu hor marinayo wuxuna dhamaadkii 1993-kii ilaa horaantii 1994kii ka qab galay shirkii Ceerigaabo ee lagu heshiisiinayey beelaha wada dega gobolka Sanaag. Sanadihii 1995-1996kii wuxu door laba lama ilaawaan ah ka qaatay dadaaladii lagu soo afjaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Markii la furay nidaamka axsaabta badan ee dastuurkeenu jideeyey Muj. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali(Tuke) wuxu ka mid ahaa asaasayaashii xisbigii ASAD ee uu Suleiman-Gaal madaxda ka ahaan, markii xisbiga Asad uu ku hadhay doorashooyinkii degaanka, marxuumku wuxu ka mid ahaa garabkii xisbiga ASAD ee ku bii xisbiga talada haya ee UDUB. Hase yeeshee marxuumku kuma raagin xisbiga UDUB ka dib markii uu udkaysan waayey nidaamka qalafsan ee uu madaxweyne Riyaale wax ku maamulayey. Marxuumku wuxu ka dib 2005 ku biiray Xisbiga mucaaradka ee KULMIYE. Markii la qabtay doorashooyinkii golaha wakiilada isla sanadkaas, alle ha u naxariistee marxuumku wuxu ka mid noqday 82kii– murshax ee xisbiga KULMIYE u soo xulay inay ka qayb qaataan tartakii loo gelayey aqalka wakiilada isagaoo ka sharaxnaa gobolka Sanaag. Natiijadii doorashadana alle ha u naxariistee waxa marxuumku ka mid noqday 28kii mudane ee xisbiga KULMIYE ku guulaystay isagoo marxuumku gobolka Sanaag ka helay codadkii ugu aqlabiyadda badnaa.

Markii la sameeyey gudiyadii golaha wakiilada, alle ha u naxriistee marxuumku wuxu gudoomiye u noqday waaxda arimaha debadda, jagadaas oo uu ilaa hadda hayey. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) waxa uu ka mid ahaa h oo uu hogaaminayey xildhibaanadii ka koobnaa saddexda xisbi qaran ee hawsha shaqo ku yimi bishii march ee 2008 guriga baarlamaanka wadanka Ingiriiska, isgoo isla bishaas aakhirkeediina booqasho shaqo ku tegay wadanka Norway, halkaana uu kula kulmay madax ka tirsan wadanka Norway iyo jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Norway.

Dadka aadka u yiqiin shakhsiyada Xildhibaan Yuusuf waxay ku tilmaamaan inuu ahaa nin geesi ah, hal adag, deeqsi ah, bulshaawi ah oo had iyo goor faraxsan. Wuxu ahaa nin aan xaqiiqada ka gaban hadday mur ka qadhaadhay. Alle ha naxriistee Xildhibaan Yuusuf wuxu ahaa nin naxariis badan oo dadka ay is yaqaaneen iyo eheladiisuba aad u jeclaayeen. Marxuumku wuxu ifka kaga tegay 5 caruur ah laba wiil iyo saddex gabdhood iyo xaas.

Walow uu maanta xijaabtay nagana hooseeyo, haddana sooyaalka taariikhda dahabiga ah iyo wadaniyaddii Muj. Xildhibaan Yuusuf Aw-Maxamed Cali-Xayd waa mid aan jiilka jiilkiisa la ilaawi doonin oo intii noolba la nool. Ilaahay naxariistiisa janno hakaa waraabiyo, qabrigana ha kuu nuuro anaga samir iyo iimaan ha naga kaa siiyo

 

 

 

 


Abdillahi H. Bullaale Ali