Taariikh : 26/11/2012
Tixraac : SSE/Fr – b025 BAAQ

Baaq ku wajahan doorashada Mudanayaasha Golayaasha Deegaanada Soomaaliland iyo weliba soo saaritaanka saddexda xisbi qaran ee tobanka sanno ee soo socda:
Dallada SSE oo ay ka bahoobeen jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub waxay halkan ku muujinayaan kuna bogaadinayaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso ee sida sharaftu ku jirto ku soo gabogabeeyay ololayaashii tartanka doorashada oo run ahaantii si xasilan ku bilaabantay isla markaana si degan lagu soo afjaray maalintii Axada ee 25ka November.


Ururka SSE waxa uu baaqan idinkula qaybsanayaa dareeenka uu ka qabo doorashada Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka ee Somaliland oo loogu talo galay inay dalka ka qabsoonto maalinta Arbacada ee ay bisha Novembar tahay 28ka, 2012.


Komishanka Qaranka


Ugu horreyn si diiran ayaanu u soo dhoweynaynaa in Komishanka Qaranku ay si rasmiya daaha uga faydeen ama si cad u qayaxeen in dhinacooda wax qabyo ahi aanay ka jirin, oo wax walba sidii loogu talo galay ay u socdaan. Waa arrin fiican, laakiin doorashada wakhtigani waa mid aad uga duwan tii toban sanno ka hor dalka ka dhacdey markii lagu tartamayay golayaasha deegaanka ee maanta jira. Degmooyinka laga codeynayaa way ka badnyihiin kuwii hore. Waxa kale oo jirta in wakhtigan loo codeynayo musharaxa oo aan xisbiga loo codeynaynin. Tirada musharixiinta ma yara oo waa 2368 qof oo ku tartamaya 353 mansab. Waynu fahmi karnaa sida tartanku u culusyahay iyadoo weliba ay dheertahay 7 isugu jira xisbiyada iyo ururada oo ku tartamaya saddexdii xisbi qaran ee saaxada siyaasadda Somaliland ka muuqan lahaa 10ka sanno ee soo socda. Waa doorasho leh xasaasiyadeeda iyo hawsheeda oo Komishanka Qaranka xil iyo culeys gaar ahi ka saaranyahay in ilaa daqiiqada u dambeysa ay wax walba u dhacaan si hufanaani ku jirto si looga hortago in wax madmadow ahi ay ku yimaadaan inta lagu gudo jiro wakhtiga doorashada. Ururka SSE si fiican ayuu u ogsoonyahay mas’uuliyadda miisaanka leh ee idin saaran laga soo bilaabo qorsheynta iyo hawl-galka hawlaha doorashooyinka, ilaalinta sumcada doorashooyinka, sare u qaadaida wacyigelinta, diyaarinta goobaha doorashada iyo wixii agab ah ilaa laga gaadhayo tirinta codadka iyo ku dhawaaqida natiijada. Dedaal dheeri ah ayaa la idiink baahanyahay, maadaama aad dhex u tihiin dhinacyada tartamaya. Ilaahay ayaan idiinka baryaynaa inuu caddaalada idinku sugo oo aad asiibtaan sida danta dalka iyo dadku ku jirto.


Xukuumadda


Dallada SSE waxay rumaysantahay in iyadana mas’uuliyad gaar ah oo aan cid kale saarnayn ay xukuumadda haysato, si qaabka iyo natiijada doorashadu ugu dhammaato jawi xasilan oo nabdoon. Waxa aanu ku boogaadinaynaa xukuumadda iyo Golayaasha kale ee Qaranka sida nabadgelyada iyo xasiloonidu ku jirto ee ay ku soo gabogaboobeen tartankii doorashada, waana mid Ilaahay loogu mahadiyo. Anaga oo qadarinayna culeyska iyo hawlaha balaadhan ee doorashada ayaa Dallada SSE waxay talo ahaan soo jeedinaysaa in:


- Xukuumaddu dhex ka ahaato tartanka doorashada isla markaana laga dheeraado wax kasta oo abuuri kara farogelin iyo weliba ku takri-fal si gaar ah waxa ummada u dhaxeeya.
- In aad loo dhowro maamuuska iyo madax-bannaanida Komishanka doorashooyinka isla markaana si hagar la’aana ay xukuumadda iyo Golayaasha Qaranku ula shaqeeyaan.
- In laga shaqeeyo xoojinta kalsoonida iyo wadashaqeynta tartamaaysha doorashada oo labo dhinac ah (tartamayaasha mudanayaasha Golayaasha Deegaanka iyo soo saarida saddexde xisbi qaran ee mustaqbalka).


Axasaabta iyo Ururada tartamaya

Tartanka aad ku jirtaan waa mid loo baahanyahay isla markaana u adeegaya waxyaabaha aynu higsanayno ee kow ay ka tahay in bulshada caalamku bal mar uun garowshiiyo ka bixiyaan wanaaga aynu ku soo kordhinay caalamka, gaar ahaan mandaqada aynu ku noolnahay oo ah mid aan xasilnayn isla markaana dab iyo dagaal ka ooganyahay. Si heerka dimuqraadiyadeed iyo furfurnaanta Somaliland ay u hano qaado ayaa loo baahanyahay tartan si xalaal ah u dhaca. Waxa hubaal ah in aan marnaba la gaadhi Karin doorasho ku dhacda qaab xor iyo xalaal ah haddii idinka laftiinu aydaan la iman mas’uuliyadda idin saaran oo ah in tartankiinu uu noqdo mid toosan oo ka dheer madmadow iyo in la dhaafo ama lagu xad gudbo soohdimaha loo jeexay si ay wax u hagaagaan.


Dallada SSE waxay Axsaabta iyo Ururada ku tartamaya doorashadan si xushmadi ku jirto uga codsanaysaa in aan la hilmaamin kaalinta muga weyn leh ee aad ku leedihiin in la helo doorasho caafimaad qabta oo natiijadeeda lagu wada calool fayowyahay. Wada shaqeyntiinu waxay aasaas iyo sees adag u tahay in tartankiinu uu noqdo mid ku dhaca jawi nabadeed oo xasilan oo taasi maankiina ay ku jirto. Musharixiinta ku tartamaya Golayaasha Deegaanka ayaa iyagana aanu xasuusinaynaa in waajibaad balaadhani saaranyahay oo ah inay qaab caddaalad ku salaysan aad wax ku doontaan isla markaana ka dheeraataan wax kasta oo wax u dhimaya hab maamuuska iyo nabada doorashada. Dallada SSE way idinku boogaadinaysaa hanka aad la timaadeen ee waxa inaga dardaaran ah ku baraarugsanaanta danta guud.


Codeeyayaasha
Dhammaan shicibweynaha reer Somaliland ee ka qayb qaadanaya coddeynta u tartamayaasha Golayaasha Deegaanka mas’uuliyad balaadhan oo qof walba lagala xisaabtamayo ayaa garbahiina saaran.
Qof kasta waa ku waajib ilaalinta habsami socodka doorashada si Somaliland ay uga dhacdo doorasho ku dhacda jawi qurxoon.


Dallada SSE waxay idin xasuusinaysaa inaad u codeyneysaan dadkii beri qaabayn lahaa nolosha deegaanka aad ku nooshihiin sidii uu noqon lahaa mid tayo fiican leh ama mid tayo liidata ah. Waa mahuraan inaad codkiina siisaan musharaxa ku habboon ee leh awood wax-qabad, mas’uuliyad iyo qof leh astaamaha anshax hufan. Dardaaranka Dallada SSE waa codkaaga u meel day oo marnaba gacantaada ha isku gowricin. Ha hilmaamin in Alle kaala xisaabtamayo codka aad maanta bixinayso oo aad qof mas’uuliyad ku saarayso.


Warbaahinta


Warbaahinta oo door laxaad badan ku leh qaabka iyo nidaamka doorashadu ku dhacayso ayaa waxa hubaal ah inaad nala dareensantihiin saameynta xooggan ee aad ku leedihiin bulshada Somaliland. Waxa aanu rajaynaynaa inaad la timaataan miisaanka loo baahanyahay inaad ku yeelataan inta tartanka doorashada socdo. Si xushmadi ku jirto ayaanu idiinka codsanaynaa in warka aad gudbinaysaana uu noqdo wax la hubo si aanay u dhicin in la fidiyo war hurin kara khilaaf iyo shaki carqalad iyo culeys ku noqda habsami socodka doorashada. Dallada SSE waxay idin xasuusinaysaa karaamada iyo xushmada aad ku leedihiin bulshada reer Somaliland oo waajibka idink saarani uu yahay fidinta wax hubaal ah 100% ah oo ah mid salaysan xaqiiqada iyo sida ay wax u jiraan. Waxa aanu ku rajo weynahay inaad sare u qaadaan wacyiga ummadiina ee la xidhiidha hawlaha doorashada iyo natiijada ka soo baxaysaba.


Boogaadin
Dallada SSE waxay abaal iyo xasuus gaar ah u haysaa cid kasta oo taageero iyo taakuleyn la garab istaagay sidii doorashadani u noqon lahayd mid si guul ah ku dhammaata.
Ugu dambeyn waxa naga dardaaran ah ama xasuusin ah in kii ku guuleysta doorashada ee ku soo baxa iyo kii laga guuleystaaba ay seeska u adkaynayaan hoyga jiritaankeena ummadeed. Insha Alla ha lagu dadaalo in hawshu sugnaan iyo saxar-la'aan ku dhammaato, si guushu ay u noqoto mid inaga wada dhaxaysa. Ilaahay waxaynu ka rajaynaynaa inay doorashadani ku dhammaato sida kheyrka iyo wanaangu ugu jiro Somaliland dadkeeda iyo dalkeedaba.
 

 


Alle ayaa mahad leh,
Guddigha fulinta