TAAGERO GO'AAMADA XISBIYADA MUCAARIDKA AH IYO MADASHA WADA TASHIGA

 


Dhammaan laamaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee qaaradda Waqooyiga Ameerika waxay taageero iyo bogaadin u gudbinayaan labada xisbi Mucaarid (UCID iyo WADANI) iyo MADASHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA ee sida wadaniyada iyo xilkasnimadu ku dheehantahay xukuumadda ugu soo jeediyeen gudashada waajibaadta iyo masuuliyadda ka saaran qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada ee ku beegan 26.06.2015 iyo Golaha Wakiila oo muddo xiloodkoodii muddo dhaafay sharci darrona ku fadhiya.



Sunnaha dowladnimo iyo habsami u socdka dimuqraadiyada ee caalamku ku dhaqmo ayaa waxa saldhig u ah qabsoomidda doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo ku qabsooma xiliga sharciga ummadda ka dhexeeyaa jideeyey. Ujeedada aynu u sameysannay axsaabta badan ayaa ah in loo tartamo haggaaminta dalka kolba marka mudo xileedka maamulka dalku dhammaado. Golaha Guurtida oo sharci darro ku fadhiya loogu dulqaadan maayo in ay hadba mudo kordhin shuruucda dalka lid ku ah hadba madaxweynaha talada dalka haya ku maamuusaan iyaguna sidoo kale ku negaanshaha kursiga isugu cumaamadaan.



Hoggaaminta talada dalka go'aankeeda waxa iska leh shacabka Somaliland oo codkood u hibeeya hadba cidda ay u gartaan ee u qalanta oo waa xaashida sanduuqa lagu iiangelinta Cod bixiyeyaasha oo waxaynu ognahay Diiwaangelintii Madaniga ahayd oo iyana la barbar fool eryayo taas oon marnaba saldhig u noqon karin mid doorasho xor ah oo xalaal ah lagu maarayn karo. Waxaynu ognahay doorashadii Deeganada iyo riiqdii ay dalka ku reebtay, sidaa darteedna ku shubasho iyo sanaadiiq cabbayni maanta dalka iyo dadku midna daafad uma hayo.



Waxa kale oo Tixgalin Mudan in ay dawladu ka fiirsatato dardaarenka ka soo yeedhaya dawlahadaha inaga taageerda dorashooinka oo had iyo jeer ku taliya in dorashooyinka wakhtigooda laqabto si diimuqraadiyada loo hergalioyo xidhiidhkii anynu la lahayna u sii xoogoobo



Gebogebadii ummadda waxa kala hagaa waa ku dhaqanka Distoorka Qaranka iyo shuruucda ka farcanta; hadba xukuumadda talada dalka loo igmadana xakamaha dabarka u ihi waa xayndaabka iyo dallaalima distoorka.


Guul Iyo Gobanimo - Wa Billahi Tawfiiq



Hassan Younis Abdillahi- USA UCID Party Chairman

Ahmed Ali Ibrahim - CANADA UCID Party Chairman