Warsaxaafadeed
(Press release )
17/08/13
Ujeedo :- Taageero shirka Beesha Sacad-Muuse
Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan uga soo gudbino guud
Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada
iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu aaminsan nahay in Shacabka reer
Somaliland ay masuul ka yihiin ilaalin ----adkeeyan naba da –wada
tashiga iyo horumarka guud ee dalka Somaliland.
Sidaa daraadeen Xisbiga Daryeel iyo Cadaalada(UCID),wuxuu halkan ku
cadeynayaa :-
1. Waxaanu si buuxda u soo dhoweynayaa,una taageeraynaa Xisbi ahaan
Shirka Beesha Sacad –Muuse ,ee loo bixiyey « Hoodaale »,kaas oo la
qorsheeyey in uu ka furmo doono degmada Agabar ,ee gobolka Gabilay
18.08.2013.
2. Xisbiga UCID,wuxuu u arkaa shirkaas mid ay xaq u leeyihiin
Beeshu,danaha u gaarka ahna ay Beeshu,kaga tashanayso.Waa u
ducaynaynaa in uu ugu qabsoomo,uguna dhamaado nabad gelyo, warka ka
soo baxaana uu noqdo mid Beesha ,Beelaha kale iyo guud ahaan
Somaliland waxtara.
3. Xisbiga UCID,wuxuu ku baaqayaa in shirka la daayo fara-gelinta
carqaladeynta . Waa xaqiiqa in ay Beshu xaq u leedahay in ay
danaheeda ka shirto sidii Beelaha kaleba uga shireen danahooda,ugana
shirdoonaan mustaqbalka.
ALLAA MAHAD LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.
Xisbiga UCID
abdi_saleiman@hotmail.com.
Facebook : abdi saleiman.
SKype : Abdisaaleiman1
twitter : @_saleiman
|