TAAGEERO KU SOCOTA URURKA TOOSINTA IYO TAL BIXINTA

 

 


"Waxyi iguma soo dego haddana wax ima seegaane
  Waxan ahay ni waayahay adduun wax uga muuqdaan
  Nin wadiifad haystaa haddu wadi aqqoon waayo
 Wakhtiguu u jecelyahay ayaa kursiga la wajaafaaye"
 Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Jaamac "Luggooyo" AHN.

Nin Carabtii sebennadii hore jirtey ka mid aha, isagoo adduunyadii la yaaban ayaa wuxu yidh:

"Ayna al aabaa'u wal ajdaad; ayna faraacintul shidaad; maa baalu naasi yad-habuuna wa la yarjicuun
= Aabayaasheen iyo awowyadeen xajay jiran; Faracintii awooda badnayd xag ay ku dambaysay; dadkii wey tageen mana soo noqonayaa!!!"

Xaggay ku dambeeyeen kuwii dunada ka amar ku taaglayn jirey? Halka ay ku dambeeyeen faalo uma baahnan; hase ahaate arrinta meesha ku jirta ayaa ah xukuumadda dalka ka ta lisa wax ma ku qaadanaysaa? Mase ogtahay in ay xilkii loo igmaday ku guul darraysatay?

Sidaas waxa ka dhigan oo ummaddii reer Somaliland raad goobaysaa xukuumaddii iyo xisbi gii ay codeeyeen. Hoggaankii ummaddu wuxu gacanta u galay koox qowlaysato ah oo dhu unta ka onkodaysa oon cidina xil u igman hase ahaate isu dhigay in dalka iyo dadku yahay shirkad gaar loo leeyahay. Hab dhaqanka noocan ihi waa mid aan loo dulqaadan karin.

Qofkasta oo ku abtirsada dalka Somaliland waxa waajib ku ah in ay toos u taageeraan muw aadiniinta ka damqatay majarhabowga dalka ka jira ee ay kow ka tahay shirarka madhalay ska ee hadba meel lagula dhuumaalaysanayo magac u yaalka Soomaaliya. Talooyinka wax ku oolka ah ee ururkani soo jeediyey ha la dhugto oo ha laga faaiidaysto. Haldoorka ururk an ku bahoobay iyaga ayaa xukuumadda uga lexejeclo badan oo raggii naftoodii, maalkood ii, iyo maskaxdoodiiba u huray ee safka hore kaga jirey dib-u-xoreyntii dalka.

Marka la tilmaamo qaladaadka ka jira dalka waxba yaan la gaddaan dhaban; waxba yaan hadba derbi madaxa la saarin. Waxa maanta ummadda reer Somaliland hortaala xaqiiqo aan la dafiri karin- Siyaasaddii dalka lagu hagayay iyo masiirkii ummadda oo galay mugdi oo hadba derbi lala jiidhayo; ummaddii midaysnayd oo goosanba gees u xdhiidh furtay; golayaashii sharci dejinta iyo garsoorkii oo ku milmay waaxdii fulinta; sharciyaddii iyo kala dambayntii oo faraha ka baxday; cabudhin, xadhig, dil qorshaysan, iyo cagajuglayn joogta ah oo ku habsatay saxaafaddii madaxbannanayd. Caddaalad darro, musuqmaasuq. eex iyo qabyaaladii oo xadhka goosta.

Dalka intaas oo darxumo ihi isugu biirtay, haldoorka u damqaday in wixii qaloocan la toosi isu xilqaamay ma gayaan hanjebaad iyo cagajuglayn; ma gayaan hadalo diifoon oo keli tali snimo ku dheehantahay. Waxgaradka u gurmaday in dalka dib loogu soo dabbaalo toobiya ha toosan distoor iyo sharci ay jebiyeen ma jiro oo waa urur bulsho oo xaq iyo xeerba u le h in ay fikirkooda ka dhiibtaan hadba marxaladda dalku marayo.

Waxba yaan lagu afgobaadsan hay'ado ayaa dalka ka jira oo hawlahaa innoogu igman. Tusaalo haddaynu u soo qaadano Golihii Wakiilada xilkoodii waxa toos ula wareegtay mada xtooyada oo hadba xeer la tahriibinayo ayaa duuduub loogu ansixiyaa. Sidoo kale Guurtidii ayaa iyana kaalintoodii gabay oo xilkoodii ku soo ururay mudo kordhin iyo cimri dherer baalmarsan ku dhaqankii distoorka dalka. Waaxdii garsoorkuna iskeed ayey u saqiirtay oo waataa caddaalad darradii maraysa heer aan hore inoo soo marin.

Gebogabadii ururka toosinta iyo talo bixintu waa waayo cusub iyo neecaw ummaddu ku dii rsatay; waxba yaan laga xajiimoon dhalliilaha ay tibaaxeene talada ay soo jeediyaan ha la ga faa'iideysto. Docadan soo dhoweeye iyo tan marxabaysii sheekadu wey dhaaftay. Ummadda reer Somaliland ha ogaato in aanay jirin dowlad u maqan ee waxa jirta xukuumad ku mashquushay sidii ay marlabaad inoo hoos geyn lahayd habar dugaaga isku haaligay ko onfur Soomaaliya. Xaqiiqada dhabta ihi taasi weeye ee yaan la inagu maaweelin wadahada lada Soomaaliya ayey qarannimadeenu ku xidhantahay. Runta aynu isu sheegno- xukuuma dda aynu masiirkeenii ku aaminay MARNABA DAACAD KAMA AHA GOONI ISUTAAGEENA IYO MADAXBANNAANIDEENA MIDNA; dano kale ayaa uga muhiimsan oo hoosta laga riixayaa.

Dhegihii Allah waaniyaa weedha kaa maqlee maba oga warkaa,

 

 

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
 July 17, 2013