Taageero Ka qaybqalka Shirka London

 


Kol haddaan Ka Gabyay

Go’aygiina ka Qaatay
Maxaa iiga Gidhiisha


Waxaa hubaal ah in aan loo baahnayn in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ku garba duubnaato caasimadda Hargeisa iyo inta u dhaxaysa xudduudah dalkeena. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamigu isaga oo waajibaadkiisa qaran gudanaya wuxuu muddo  gaa ban giraan giriyay horusocd muuqdana ka soo hooyay qorsha siyaasadeed ee Somaliland kula dhaqmidoonto addunweynaha. Waxa laga gudbay hannaankii ahaa:
وجدناآباءنا كذالك يفعلون الشعراء٧٣


Wafdigii TFGda ee shirka yimi isaga oo naflacaari ah oo xambaarsan dhalliilo culus oo guud  aha an caalamka kaga socday wuxuu ka xumaaday doorka Dr. Mohamed Abdillahi oo matalaya  qa ranka jira ee dhisan ee Somaliland uu ka ciyaary shirka.

 

Waa markii ugu horraysay ee beentii ay TFGdu Somaliland kaga sheekayn jirtay shirarka  caal amka geftinkeedii la gaadhay. Arrintan soo korodhay dabcan kamay qoslin wafidigan TFG da. Waxa ay se qaadeen guluf siyaasadeed. Mohamed Abdillahi Oomaar isaga oo aan shirka ka  bi xin wuxuu xidhiidh la sameeyay dad qurbajoog ah oo reer Somalia iyo Somaliland isugu jira oo u dhega nugul. Waxa la abaabulay in la sumeeyo jawiga wanaagsan ee Somaliland shirka ku joogtay. Nasiib darro rag Somaliland ku abtirsada ayaa lugu guuray oo ujeedadii gaadhsiiyay warbaahinta iyaga oo aan iska hubsan ama u jeedooyin gaar ah ka leh.

 

Somaliland labaatan sannadood bay jirtaa. MAXAA LA YIDHI WAA LA DHAAFAY. Reer  Somalil and waxay ka mid yihiin addunkan maanta jira ( Global village). Maanta loo lama soo safri karo sheekadii lixdankii. Waxay ka dheregsan yihin saymaha loo soo maray qarankan iyo calanka la hadhsanayo. Kalsoni wayn bay isku qabaan. Sheekada Somaali weyn Waa saambuuse laga  ee daamay. ABBAAN ugama baahna Somaliland fagaarayaasha Caalamka. Somaliland way  hana qaaday, reerkuna wuu guuray e yaan ragga qaarkii talaxumoobin
القافلة تسير والكلاب تنبح

 

 

 

 

 

Hassan Mohamoud Egeh
Cardiff, UK.