Taageero Go`aanka geesinimada iyo wadaniyadu ku dh eehan tahay ee Salaadiintaydu ku go`aamiyeen.

 

Waxaan si sharaf iyo karaamo leh u qaatay go`aanka xilkasnimada,wadaniyada,geesinamada leh ay Salaadiinta sharafta iyo karaamada iga mudan ee beeshaydu ku Go`aamiyeen in  dan ta beesha iyo danta Somaliland ku jirto in beeshu hoo iyo hiilba la garab istaagto  codkooda na ugu shubaan xisbiga "KULMIYE" ee u musharax u yahay mujaahid-ka weyn ee waaya  ara ga,siyaasiga, aqoonyahankaa "Axmed Maxamed Maxamoud Siiraanyo"

Shirkeydu ku jirteen mudada dheer ee 3 bilood ahayd ee aydu arimaha dhan walba u  rogrog teen idinkoo ka tusaala qaadanaaya ama ka waayo qaadanaaya xaalada adag ee dalku ku jiro soo-na jiitamaysay tan iyo intii xilka loo magacaabay gudoomiyaha xisbiga lugooyada  (udub) iyadoo marba marka ka sii dambaysa xaaladu ka sii darayso oo aanay kaba soo rayna yn. dabcan idinkoo lafa guray dhan walbana u rog rogay marxaladihii uu dalku soo maray 7 sano ee xisbiga hada fadhiya u dalka ku soo hagaayay iyo wax qabdkiisiba haday naqon  lah ayd siyaasada gudaha,siyaasada dibada ee ictiraaf keenistu kaw ka tahay iyo kasbashada quluubta caalamkamid dhaqaale iyo mid siyaasadba,arimaha bulshada: dhanka Caafimadka dib u dhiska xarumaha daryeelka bukaanka,qalabaynta xarumaha cafimaadka fayo dhowrka bulshada ee cudurada wareega IWM.

ganacsiga: maalgashiga dalka wadani iyo ajaaniba iyadoo la siinaayo fursada koowaad  maal gashiga wadaniga Somalilander-ka,dib u habaynta xarumaha adeega ganacsiga sida  dakad aha baladhinta iyo qalabeynta dakeda ama maarsada magaala xebeedka Berbera iyo furusta dakadaha kale sida saylac iyo xiis si uu ganacsigu u kobco.

Dhisida iyo qalabeynta gooramada ay diyaaraduhu ka dulaan kana so dagaan ee dalka.

waxbarashada: dhisida goobaha waxbarashada gobol, mid ilaa dagmo si loo fidiyo barashada aqoonta inagoo ka duulayna maah maahdi ahayd "Aqoon la`aan waa iftiin la`aan" inagoo la socona ama og caalamku wuxu isku dhaafay ama uu isku gumaysta wakhtigan casriga ay  ta hay aqoon. U fududaynta bulshada dhigashada waxbarashada qaabka aynu u  fududayn  la hayn waxbarashada waxaynu qaadan lahayn nidaamka waxbarashada bilaa lacagtaa,siiba caruurta ay dhalaan ciidamada qaranka noocyadiisa kala duduwan in ay waxbarashada ku helaan bilaash.si aynu u helno bulsho aqoon leh IWM.

ma soo koobi karo waxaynu hirgalin lahayn 7 sano ee ay udub ama riyaale dalka  maamulaa yeen, inaga oo og in uu riyaale yahay madaxweynihi Somaliland soo mara ee ugu nasiibka iyo wakhtiga fiicna marka aynu eegno marxalada ama xaalada taagneed 7 sano inaga o ka  shid aal qaadanayna marxaladihii taagnaa wakhtigii "A/rahmaan Tuur" iyo "maxamed X. Ibraahim Cigaal"

waxaan garwaaqsaday markay salaadiintaydu dhan walba ay ka rog rogeen 7 sano waxay wax ka qabteen ama ay ku kordhiyeen arimahaas aynu kor ku soo sheegnay waxa  salaadii nta beeshu garwaaqsadeen in dib u dhac dhan walba leh mooyiye aanay waxna soo kordhin xukumada riyaale.

1:siyaasadii arimaha dibada oo si cad u fashilantay,kana socon wayday dan shaqsinimo oo laga hormariyay dantii caamka ahayd.

2. siyaasadi gudaha dhanka amniga, haayadaha amaanka qaabilsan oo fashilmay oo aan lagu halayn karin dalka kadib markii si toosa xaruntii dalka looga talinaayay ee madaxtooyada la qarxiyay uu madaxweynuhu ka badbaaday ta alle. maah maah soomaaliyeed ayaa tidhaa  "M adaxa meel ka saraysa oo la taabta ma jirto" macnaheeduna ay tahay ama ay inoo  tilmaam ayso meesha amnigeedi la sugi kari waayay ee madaxweynuhu fadhiyay ee dalka laga  maam ulaayay "qasriga madaxtooyada" maxaad u malayn markaa amniga kale ee dalka.siyaasadi gudaha gabi ahaanba noqotay mid ay si gaara u adeegsadan masuuliyinta xukumada ka tirsa n kuna cabudhiyaan shacabka,siyaasadii amniga guduhuna wuxu ku bad baaday samirka  bul shada iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ee tanaasulka iyo dulqaad-ka badan muujiay iyo  isxilqaa mka ay shacabku ilaashadeen nabadgalyadooda polic-na ka noqdeen, inkastoo ay xukumadu markasta ay abuuraysay amni xumo.

3:horumarinta caafimaadka ee dhanka dawlada waxa aynu ognahay xaalada ka taagan  xa rumaha caafimaadka ee aadka u liidata,se ku soo luudaayay isxilqaamka iyo taakulaynta  bul shada Somalilander-ka oo u guntaday, meelihi ay gacanta ku hayeena horumar gaadhsiiyay in kastoo xokumadu dibin daabyo ku haysay qaarkoodna ka hor istaagtay inay hawsha ay hayaan sii wadaan.

4 ganacsigii wax uu sii kordhe daaye waxay xukumadu ku soo uruurisay shaqsiyaad gaara iyada oo gabi ahaanba albaabada u laabtay ganacsigii xorta ahaa dhaqaalihiina ku soo uruuray shaqsiyaadka gaarka.

5: dakedaha ama maarsooyinka bada wax la kordhiyo ama la qalabeeyo daaye tii qudheed ee dalku lahaa ayaa xidhmatay ka dib markii ay noqotay in loo oodo shaqsiyaad ajaaniba, ha lka ganacsatadi wadaniga ahaana cashuurta lagu qaali gareeyay, taas oo kaliftay in laga  ha yaamo dekadi Berbera.

6: madaarada iyaga hadalkoodaba daa. waxay noqdeen kuwo albaabadu u xidhmeen kii ugu dambeeyay ee Hargeisa caasimadii dhameed ee dalka ku yaalayna halka xaajadiisu  taagan tahay waynu ognahay in madaxdii xukumada oo uu riyaale ku jiro ay magaalada Jigjiga ee ku taala dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay ka duulan kana soo dagan.

7: waxbarashadii ay dawladu gacanta ku haysay wax ay ku saa`idiso daaye Iskuulaadki ay ka xishoodeen in ay iibiyaan dawladihi soo maray carada Somaliland ka hor iyo na soo  noqas hadii Somaliland-ba ayay xukumada "LUgooyo" (udub) ay hogaamiso ay iibisay. maxaad ka sugi kuwi aynu dagaalka la galnay waxa ay ka xishoodeen inay iibiyan ayay xukumadani  iibis ay oo ay ka xishoon wayday.

8: meel kastoo aad is odhan karto alaylehe waxaasay qabatay ma jirto meel kastaba waxay la mid yihiin sida kuwaas aynu soo sheegnay iyo inay kaba sii liitaanba sida biyaha oo  caasi madii dhameed ay saqda dhexe shacabkeedi jirikaamo la wareegayan si ay biyo ay ku  waysa ystaan u helaan. IWM.IWM.IWM.IWM

Salaadiinta geesinimada,talo wadaagta,wadaniyada iyo go`aan qaashada aanay cidnaba uga gabanayn ama u daba fadhiisanayn danaha beesha iyo danaha Somaliland-ba leh markay arimahaas aynu soo sheegnay iyo kuwo badan oo ay iyagu inaga xogogaalsanyiihiinba ay lafa gureen, waxay taladadoodi ay ku go`aamiyeen halkudhigeeduna ahaa "waxa Somaliland u dan ah ayaa beeshana u dan ah" ee waayo aragnimada iyo xilkasnimada aanu ku ogayn salaadinta beeshu noqotay in danta Somaliland iyo danta beeshu ku sii jiri karin xaaladahaas uu xisbiga talada haya dalka soo mariyay 7 sano ee u soo maamulaayay dalka. taas  bada lkeedina waxay baaq dheer bulshada Habar Awal ugu sheegen in isbadalka ka socda dalka ay beeshu hormood ka noqoto oo ay codkooda iyo cududooda iyo maalkoodaba u hibeeyaan xisbiga kulmiye ee uu hogaaminaayo geesiga mujaahidka wuxu galo iyo wuxu gudaba aanu naqaan.

gababadi ogaysiin ku socota dadka aan beesha ahayn ee caayda iyo cambaareynta aan loo meel dayin kula dul kufay salaadiinta huwan beel weyn oo sheekh iyo shariifba leh  karaamad oodu iyo saxaafada soo daabacday-ba meel ka dhacyadaas loo geestay salaadiinta.

waxaan si xushmad leh ugu sheegaya raga aan beesha Habar Awal u dhalan se u dhashay beelaha kale ee Somaliland daga khaasatan duriyada ee maqaalada meel ka dhaca ah cayda iyo aflagaadada huwan soo qoray waxaan leeyahay xeerki iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee inoo dhaxeeyay iyo tolnimadii yaan laga tagina, xasuusnaadana in salaadiintani ay  huwan yihiin sharaftii iyo karaamadii beel weyn oo sheekh iyo shariif-ba leh, macnaheeduna ay  tah ay in salaadiintani ku hadlayaan afka beesha, masul-na ay ka yihiin dhamaan shacbi  wayna ha beesha ciroole iyo caruurba kana turjumayaan xaalada dhabta, argtida umadaas.

beeshu waa beel ixtiraam iyo sharaf u haysa beelaha kale ee daga Somaliland khaasatan  be el weynta duriyada, salaadiinta beelahaasina waxay naga mudanyihiin sharaf iyo karaamada ay reera-hoodu huwiyeen.

Mida kale waxaad ogaatan go`aanka ay soo saareen in uu yahay go`aan ay beeli iska  leeda hay. isagoo go`aankaasi ka turjumaaya danaha dhaqan.dhaqaale,siyaasad IWM. sidaas  laaji geed waxa khaladba ah in aydu wax ka qortaan ama aydu ka faalootaan danaha beel kale ay gaadho, ha lagu ixtiraamo go`aanka ay beeshu gaadhay ee lagu labeen.

Shabakada Hadhwanaagmedia.com waxaan ku hambalyeynaya diidmada ay soo daabici  wa yday maqaaladii aflagaadada iyo cayda aan loo meelda`yin ee lagu qaaday Salaadiinta beesha Habar Awal.

anoo og in ay hadhwanaagmedia.com ku dhaqmayso sharciga xoroyatul qawlka qofka ee ah in uu qof walba u madax banaan yahay ray`giisa, iyo cabirka fikirkiisa, hadana maqaalada ama fikirka dhaqan keena islaamka aan ku taxluuqin ama caayda qaawan ee diinteena  islaa mka,bulsho,shaqsi,dhul iyo sharaftiisa waxa loogu dhimaayo maaha mid u ogalaanaayo  shar ciga saxaafadu.wuxuuna sharcigaasi gabi ahaanba mamnuucay in la soo bandhigo ama la faafiyo maqaaladaas.

Taas badalkeed waxaan cabaareyn u soo jeedinaya saxaafada sida badheedh-ka ah ama aqoon daro miday doonta ha ahaate soo daabacay ee soo bandhigay maqaalada ceenkaas ah ee sharciga saxaafadu mam nuucay. Saxaafada ama shabakadaha soo baacay waxa ka mid ah. www.OOdweynenews.com www.somalilandpatriots.com iyo kuwi soo qoraba.

NB: Hambalyo salaadiinta beesha. Waa naga mudantihiin karaamadaanu idin saarnay. Alla garabkiin ha galo.
 

 

 

 

Qore: Abdifatah Omar Abdi (abdi Kling king)
kling_king@hotmail.com
Alta , Norway