TAAGEERAYAASHA XISBIGA KUMIYE UK OO KA BIYO DIIDSAN GUDIDA FULINTA EE UK.W/Q;MUSE XAAJI C/LAAHI

 


Waxaad dhawaanahan ku arkaysay saxaafadda ammaba website-yada wararka faafiya, eedaymo ku waajahan gudida fulinta ee xisbiga kulmiye ee wadankan Britain iyo waliba khilaaf soo kala dhexgalay gudidaa iyo taageerayaashii doortay. Waa markii u horaysay ee saxaafadda, lagu arko khilaaf xoogan leh oo ka jira xisbiga kulmiye laantiisa UK, kaasi oo aan hore looga baran amma u soo marin tan iyo intii xisbiga laga hirgaliyey UK mudo haatan laga joogo toban sano ku dhawaad. Bud-dhigga khilaafka ayaa wuxuu ku salaysanyahay laba arimood: Waa ta hore’e gudida fulinta ee UK oo wakhtigeedii dhamaaday, mudadii xil hayntana dhaaftay ilaa sanad ku dhawaad iyo ta labaad oo ah, gacan ka baxsan UK oo soo dhexgashay.

Gudida fulinta ee UK waxaa lagu doortaa, shirweyne ay isagu yimaadaan dhamaan  taagee rayaasha xisbiga ee UK sida ku cad distoorka xisbiga ee UK. Mudada xilkuna waa laba  san no, halka markii hore uu ka ahaa sanad. Sharciga xisbiga ee UK ayaa tilmaamaya, in marka mudada xilka ee gudida ay ka hadhsantahay laba bilood, gudoomiyuhu magacaabo gudida qabanqaabada shirweynaha xisbiga, gudidaasi oo soo agaasimi doonta shirweynaha  xisbi ga.

Shirweynahaasi ayaa noqonaya mid lagu doorto gudida fulinta ee UK, ha noqdaan kuwa x ilka hore u hayey amma kuwa cusube. Wax qabad la’aanta iyo awood darida gudoomiyaha fulinta ee UK Ibraahim Xuseen ( pay as you go ) iyo diidmada uu ganafka ku dhuftay  maga caabidda gudi qaban qaabo, ayaa arinka xisbiga UK ka dhigtay mid ku soo baxa saxaafadda, iyadoo aad arkayso hadal hayna taageerayaasha xisbiga ee arinkaasi.

Kuma aha kursi  jacaylka gudoomiyuhu kalidiiye, waxaa ku weheliya dhawrka xubnood ee ugu awooddda badan gudida fulinta oo ay ka mid yihiin; xoghayaha iyo ninka uu garabka ka hayso ee tusbaxa iyo kitaabka daba sida ee lagu magacaabo “ gacanta qarsoon”( Cadare ), halka khasnajiga xisbugu ay ugu jirto xabad isaga dhigidda gudoomiyaha iyo xoghayaha.

Gudoomiyaha xisbiga ee wadanka UK Ibrahim, ayaa isticmaalay tabo qabyaaladeed iyo kala qaybin xisbiga dhexdiisa ah, taasoo sababtay in si dhibyar loo badali waayo, iyadoo wali dh agaha taageerayaasha xisbiga kulmiye ee UK ay ka sii qaylinayaan hadalladii iyo eedaymihii uu u soo jeediyey gudoomiyihii hore ee UK Maxamed Aar, oo markii uu arkay in jagadaa  la ga qaadayo, xisbiga ku eedeeyey eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn, taasi oo dadka qaar leeyihiin; armuu kanna halkii hore ka fad kudiyaa.

In badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga oo isagu jira aqoontii iyo odayaashii xisbiga, ayaa rumaysan in xoghayaha arimaha debeddu Maxamed Cabdillaahi iyo ninka uu dhawaan u magacaabay xidhiidhiyaha laamaha dibaddu, waa Cismaan saxardiid cadaaniye, ay qayb ka yihiin khilaafka iyo caal waaga muranka soo kala dhex galay qurba jooga kulmiye ee wa danka UK.

Xidhiidhiyaha oo afartii todobaad ee ugu danbeeyeyba ku sugnaa magaalada London, ayaa ka qayb qaatay shirar doceedyo uu la yeeshay laamaha London isagoo taageero ugu doon aya gudida fulinta inaan la badalin, taasoo baa la leeyahay uu soo faray xoghayaha  arima ha dibadda Kulmiye oo gudoomiyahe Ibrahim ( Pay as you go ) ay isku jufo hoose yihiin.

Dhamaan taageerayasha xisbiga ee Kulmiye ee wadankan UK ayaa intooda badani ka miday san, in laysugu yimaado shirweynihii xisbiga si dawo amma maaro loogu helo arinakan oo ragaadiyey waxqabadkii laga sugayey taageerayaasha xisbiga ee qurbaha, halka gudida fulinta ee UK ay hor joogsadeena amma baabiiyeen shirar lagu baaqay in laysugu yimaad, qaarkoodna la mudeeyey.

Gudida ayaa ka doorbiday shirar ay isagu yeedheen xayn yar oo taageersan, shirarkaasi oo kii ugu danbeeyey ka dhacay west London. Shirkaasi ayaa la sheegayaa inay dhamaan qaadaceen laamaha debedda ee ka baxsan London sida; Sheffield,Liverpool,Bristol,Cardiff, Milton Keynes iyo qaarkaleba. Badiba taageerayaasha xisbiga ee wadankan UK ayaa ku do odaya, in gudida fulinta ee UK ay baal martay dhaqankii iyo dimuqraadiyaddii lagu  yaqaan ay guud ahaan xisbiga Kulmiye, gaar ahaan wadankan UK, iyagoo sheegaya inay tahay wax laga xumaado, in gudida fulinta ee UK door biddo kursi jacayl, halka mudnanta koowaad la siin lahaa danta xisbiga, siiba wakhtigan xisbigu isku diyaarinayo doorashada la filaayo inay dhawaan dalka ka qabsoonto.

Dadka qaar ayaa ku doodaya,in dhaqanka aad shirarka ay soo qaban qaabiyaan gudida fulinta ee UK loogu maqlayo, gudida ha loo kordhiyo amma go’aankii shirkii u danbeeyey oo ahaa in gudidu xilka sii hayso inta ka hadhay doorashadu ay tahay, kuwii lagu arki jiray go laha guurtida iyo inta xukuumaddu ku adeegato, taasoo mar kasta uu ka soo hor jeeday xisbiga Kulmiye.

Maaha masiibada gudida fulintu ay ku hayso UK mid iyaga ku koobane, waxay tafaraaruq iyo kala jab ku rideen laamaha kale oo la sheegayo in laan walba dhex deeda ay kala qayb iyeen. Isku soo wada duuboo, waxqabad la’aanta gudida fulinte ee UK, tayo xumida gudida fulinta, iyo tabaha qabyaaladaysan amma kala jabinta ah, ayaa ka dhigi doona xisbiga Kul miye laantiisa UK, mid lagu kala tago.
 

 



Muuse Xaaji Cabdillaahi Faarax.

Wariye madax bannaan.
London