Taageerayaasha Musharax Axmed Cali Buux oo Dhool atus La yaableh ka Sameeyay Degmooyinka Gabiley, Wajaale iyo Geedbalaadh.

 

 


Axmed Cali Buux oo ka mid ahaa Musharixiinta sida wayn uga Dhex Muuqday ololaha Xisbigiisu Daawo Sawiradda

Tog-Wajaale (TNN)- Musharax Axmed Cali Buux oo ka mid ah musharaxiinta Miisaanka Culus ku dhex leh urur Siyaasadeedka Wadani, kana Sharaxan Degmada Gabiley ayaa Cududiisa Taagee ro si layaableh ugu soo bandhigay Magaalooyinka Gabiley, Wajaale iyo Geedbalaadh.

Taageerayaasha Musharaxa oo ku Labisan Calanka iyo Muuqaalka Musharaxa ayaa socod balaa dhan ku dhex maray jidadka Magaalooyinkan iyaga oo ciyaaro aad uxiiso badan ku soo bandhigay Xafiisyada Musharax Axmed Cali ku leeyahay Degmooyinkaasi.

Taageerayaasha Musharaxa ee Degmada Wajaale ayaa iyagu Dhoolatus Mucjiso ah u Muujiyay musharaxa isla markaana soo dhawayn kal iyo laab ah ku qaabilay Musharax Axmed Cali Buux markii uu gaadhay Degmada Wajaale.

Axmed Cali Buux oo ka mid ahaa Musharixiinta sida wayn uga Dhex Muuqday ololaha Xisbigiisu soo bandhigay ayaa Taageerayaashiisa kala hadlay fagaarayaashii ay iskugu soo baxeen waxa anu uga waramay barnaamijkiisa wax qabad haddii la doorto, iyo khibrada iyo Waayo aragnima diisa oo uu sheegay in uu ku dabaqi doono Baahiya Muuqda ee bulshadu tabanayso “ Walaalaya al waxa lagu tartamayaa waa Codkiina, waxa lagu tartamayaa waa masiirkiina Mustaqbalka, Musharax walba maanta gacantiina ayaa soo saari karta, kana reebi karta tartanka, waxaan idinka rajaynayaa inaad kala garan doontaan cidda masiirkiina aad ku aamini kartaan iyo cidda kale, waxaan Balan qaadayaa haddii aad codkiina isiisaan oo aan soo baxo in aan si daacadnimo ah oo xilkasnimo ku jirto Dadka iyo dalkaba ugu shaqayn doono, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad nabad galyo ku codaysaan oo aad Xasuusnaataan numberka codaynta 616 maalinta doorashada” ayuu yidhi Musharax Axmed Cali Buux.

Sidoo kale Mushar Axmed Cali waxa uu Koremeer ku soo Maray Deegaano door ah oo hoos yim aada Degmooyinka Gabiley, Wajaale iyo Degmada Taariikhda wayn ee Geedbalaadh oo Mushar uxu Cudud Taageero o obadan ku leeyahay, sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha ururka uu ka sharaxanyahay ee Wadani indhihiisa tusay Taageerada Laxaadka leh ee uu Musharaxani ku soo kordhiyay ururka.



Cabdiraxman  Xaajı
Timacade News Desk
Tog-Wajaale ,Somaliland