Taageerayaal Aad
U Fara Badan Oo Soo Jeeda Deeg aa nka Waqooyiga Iyo Galbeedka
Hargeysa Oo Ku Biiray Xisbiga UCID
Hargeysa (TNN)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta xaflad
ballaadhan oo soo dh awayn u sameeyey tageerayaal culus oo ka
soo jeeda deegaanka waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa oo ku soo
biiray, kuwaas oo shaaca ka qaaday inay tageero hiil iyo hooba la
gab taagan yihiin xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, isla
markaana ay codkooda siinaya an.
Xafladan soo dhawaynta ahayd oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee
magaalada Hargeysa, ay aa waxaa ka soo qayb-galay masuulitiin sare
oo xisbiga UCID ka tirsan oo ay ka mid ahaaye en Gudoomiyaha Golaha
Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cabdir
axmaan-Cirro], Musharaxa Madaxweyen ku xigeenka UCID Dr. Maxamed
Rashiid Sheekh Xas an, Xoghayaha Guud ee xisbiga Muuse Xaaji
Maxamed Guuleed [Muuse-Inji], Gudoomiyaha ololaha doorashada
Saleebaan Daahir, Xildhibaano Golaha Wakiilada ka tirsan,
masuuliyiin kale oo xisbiga ka mid ah iyo taageerayaasha ku soo
biiray xisbiga oo isugu jiray Odoyaal, G arabyada Haweenka iyo
dhalinyarada ee ka soo jeeda Beelaha degan Waqooyiga iyo Galbe
edka Hargeysa .
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid
Sheekh Xasan oo xa fladaa ka hadlay, ayaa si weyn hambalyeeyey
taageerayaasha ka soo jeeda beelaha dega Waqooyiga iyo Galbeedka
Hargeysa, oo ku tilmaamay inay yihiin dad gartay waxa ay
dabtoo du ku jirto, isaga oo ku ammaanay sida wax-ku-oolka ee ay ugu
heelan yihiin inay taageerad ooda iyo codkooda-ba siiyaan
xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID.
Dr. Maxamed Rashiid waxa uu sheegay in xukuumada xilligan talada
haysaa inay ay ku guul-daraysatay sidii waddanka uga saari lahayd
mashaakilaadka kala duwan ee ay ka midka yih iin
caafimaad-xumada, dhaqaale la’aanta iyo shaqo la’aanta baahsan ee
waddanka ka taag an.
Waxaana taageerayaasha ku soo biiray uu u ballan-qaaday haddii ay
codkooda siiyaan ina wax badan ka qaban doonaan baahiyaha kala
gedisan ee deegaanadooda ka jira. Isaga oo tibaaxay in xisbiga UCID
yahay ka keliya ee Somaliland ka saari karaya dhibaatooyinka hasta,
sidii uu hore qaybta laxaadka leh uga soo qaatay badbaadinta
Somaliland xilliyadii khilaafaad yadii siyaasadeed ee waddanka
ka aloosnaayeen.
Waxana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Dadku waxa ay ka
hadlaan Is-bedel, anagu ma hayso hadal lis-bedelaya, laakiin
isebedelka aanu haynaa waa mid dhan ah. Is-bedelka ay So
maliland u baahan tahay waxaa keeni karaya dad afkaartooda,
cilmigooda iyo jacaylkoodu isku xidhan yahay oo haya waddaniyada iyo
Ummada Somaliland oo isku xidhan, oo magac beeleed oo keliya aan
haynin, magac magaalo oo keliya aan haynin, hasayeeshee magaca U
mmada haya, intaas waxaa laga helayaa xisbiga UCID.”
Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxayanu isku ognahay haddii
aad tihiin dadweyn aha reer Hargeysa gaar ahaan degmooyinka la
tilmaamay, oo farxad aad iyo aad u weyn n oo ah, mar haddii
aad idinku taageeradii na siiseen, waxaana ay noo sheegeen
madaxdiinu in in-badan oo kalena soo socoto, waxaa muuqata UCID
ahaan waanu helnay doorashadii,’ hadi iba ay Hargeysi sidaa u soo
kacday oo ay UCID siinayso codkeedii doorashada 26-ka June, il aahay
mahadi ha ka gaadhee waanu helnay doorashadii. Waxa aynu isku
ognahay dawladni mo casri ah oo Ummada u shaqaysa laakiin aan
ka shaqaysan, oo aan Ummada kadeedin sida maanta waddanka ka taagan.
Waxaanu idinka ballan-qaadaynaa inaanu dhisayno dawlada kooban oo
aad la xisaabtantaan. taasina waa ballan diini ah oo inaga dhexeeya.”
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland. Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi [Cirro] oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay guul
u tahay xisbiga UCID taageerayaasha ku soo biir ay ee ka soo
jeeda Galbeedka iyo Waqooyiga, oo uu ku si feeyey cuddud aan la
dhayalsan Karin oo wax weyn ka tarasya halganka uu xisbigu ugu jiro
hanashada jadagada madaxwey nenimada Somaliland.
Waxa uu aad u cambaareeyey falkii argagixisada ahaa ee la damacsanaa
in laga fuliyo maga alada Burco, isaga oo taci u diray
Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan ehelkii uu ka geer
iyooday askagigii ku dhintay hawgalkii lagu soo qabanayay kooxdaas
argagixisa ahayd.
Sida oo kale waxa uu cambaareeyey xadhiga Gudoomiyaha ololaha
doorashada ee Gobolka Daad-madheedh iyo xubnaha uu wehelinayay ee
lagu xidhay magaalada Oodweyne, isaga oo ugu baaqay Komishanka
doorashooyinka iyo Guddida anshaxa doorashada inay arrintaas
tallaado deg-deg ah ka qaadaan, isla markaana waxa uu ku baaqay in
xubnahaas sida ugu dhaqsaha badan xoriyadooda loogu soo celiyo.
Masuuliyiinta kale ee xisbiga UCID ka tirsan ee xafladaas ka hadhay
oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan
Xaashi Xuseen Caabi, Gudoomiyaha Ololaha d oorashada ee UCID
Saleebaan Daahir Dogox, Xoghayaha Guud ee xisbiga Muuse Xaaji
Maxa med Guuleed [Muuse Inji], xogyaha arrimaha Guddaha ee xisbiga
UCID Maxamed Ibraahim iyo Maayir ku xigeenka Caasimada Hargeysa
Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, ayaa dhamaantood hoosta ka xariiqay
inay wax lagu farxo tahay teegaarashaa faraha abdan ee ku soo biiray
UCID inay yihiin kuwii qaybta wax-ku-oolka ah ka qaadan lahaa
halganka uu xisbiga UCID ugu jiro ku guulaysashada tartanka
doorashada madaxtooyada ee waddanka ka dhacaya 26-ka June.
Waxa kale oo ay iftiimiyeen masuuliyiintan in badbaada Somliland ku
jirto xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, isla markaana ay
codkooda iyo taageeradooda-ba siiyaana xisbiga U CID, oo ay ku
sifeeyeen xisbiga keliya ee lagu aamini karayo masiirka
shacab-weynaha Soma liland.
Dhinaca kale, masuuliyiitna horseedka ka ahayd taageerayaashaas
xisbiga ku soo biiray ee halkaa ka hadashay oo uu ka mid ahaa Cumar
Daarood Xasan, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxa
aanu taageeradan u siinaynaa xisbiga UCID, waa ka keliya ee aanu u
aragnay inay danta Somaliland ku jirto. Waxaa kale oo aanu u aragnaa
inuu yahay xisbiga dalka iyo dad-kaba ka saari karaya dhibaatooyinka
kala duwan ee ku habsaday.”
Faysa Cabdi Batuun oo iyana ka mid ah Garabka Haweenka ee ku soo
biiray xisbiga UCID oo halkaas hadal kooban ka soo jeedisay, ayaa
hadaladeedii waxa mid ahaa “Haddii aynu reer Hargeysa nahay mar
ayaynu gacanteena isku biraynay, ee yaynaan mar dambe isku birayn.
Waxa aynu doonranynaa Faysal Cali Waraabe, oo ah maskax aad iyo aad
u fayay. Anigu xis biga UCID wax kale umaan taageerin, ee waxa
aan u soo galay Inankayga mustaqbalkiisa. Waa weeye marka aan
Iskuulkii bixin kari waayo, berritana Jaamacad ma bixin karayo. Sida
as oo ay tahay mustaqbalka caruurtiina waa inaad eegtaan.”
Waxa ay intaas raacisay oo ay tidho “Waxa weeye reer Hargaysaw
maanta ayaad jaanis fii can haysataan oo doorashadii muddo yar
ayaa inooga hadhaye, waa inaynu codkeena siinaa Faysal Cali Waraabe.
Hooyo kastaa waa inay Ilamaheeda shir la gashaa oo ay ku tidhaahdaa
‘Hooyo haddii aanad Faysal codka ugu hubsan kumaan dhalin.”
Mar ay la hadlaysay taageerayaashaas ku soo biiray xisbiga UCID waxa
ay tidhi “Qolyahay aga Isbedel doonta ah waxa aan leeyahay,
waa inay taageero buuxda siinaa xisbiga UCID. Haddii aanu nahay
xaafada 26-ka June waanu muujinay Abtinimadii uu nagu lahaa Faysal
Cali Waraabe, ee uu is-lahaa xagaa cidi kaama xigto. Markaa waxa aan
leeyahay kubbada garoo nka ayay taalaa ee yaan la inaga badin
reer Hargaysaw, oo yaan mowqifkeena la iibsan, oo waa inaynu soo
saarnaa musharaxeena faysal Cali Waraabe oo ah musharaxa ka soo
jeeda deegaankeena Hargeysa.”
UCID Media
Hargeysa/Somaliland
|